Sign in to follow this  
Saalax

Hargeysa: Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Ka Soo Qaxaya Colaadaha Ka Taagan Dalka Yemen Oo Si Isdab

Recommended Posts

Saalax   

Hargeysa: Muwaadiniinta Reer Somaliland Ee Ka Soo Qaxaya Colaadaha Ka Taagan Dalka Yemen Oo Si Isdaba Joog Ah Dalka U Soo Gaadha Iyo Wiil Ka Waramaya Dhibaatooyinka Dalkaa Ka Taagan

 

Hargeysa (Ramaas) June 8,2011 – Muwaadiniintii reer Somaliland ee siyaabaha kala duwan u tagay dalka colaaduhu ka socdaan ee Yemen ayaa bilaabay inay dalkooda dib ugu soo guryo noqdaan.

 

Dadkan oo ka soo dega xeebaha kala duwan ee Somaliland ayaa ka soo qaxaya dagaalada u dhaxeeya qabiilka ugu wayn dalka Yemen iyo dawlada uu hogaamiyo Cali Cabdalla Saalax, dagaladaas oo maalinba maalinta ku xiga sii xoogeysanaya.

 

Cali Cabdilaahi oo ka mid ah dhalinyaro hore wadanka Yemen ugu tahriibay si ay ugu sii gudbaan wadamada Yurub oo uu maanta la kulmay wariye ka tirsan Ramaasnews.com ayaa sheegay inuu ka soo cararay dhibaatooyinka dagaalka Yemen isaga oo sheegay in mararka qaarkood dad gadoodsane ay dhibaateeyaan dadka ajaanibka ah, sidaas daraadeedna ay door moodeen inay dalkooda hooyo ku soo guryo noqdaan “Walaahi markii hore tahriib ayaan ku tagay dalkaa, waxaanan aaminsanaa inaan ka sii gudbiyo karo, laakiin wixii aanu ku fikiraynayba dhibta meesha taala ayaa ka badan” ayuu Cali waxaanu intaa ku daray “Markaa waxaan doortay inaan dalka ku soo laabto.”

 

Dadka reer Somaliland ee dalka Yemen ka soo qaxaya ayaa waxa ku jira qoysas dhan oo iyagga oo carruurtoodii watta dalka ku soo laabanaya ka dib markii ay u adkaysan waayeen mushaakilaadka siyaasadeed ee dalkaa ka taagan.

 

 

 

Ramaasnews Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this