Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president opens new Ministry of defence Building +Pics

Recommended Posts

Madaxweynaha Somaliland oo si Rasmiya xadhiga uga jaray Dhisme cusub ool agu so kordhiyey Xarunta wasaarada Gaashaandhiga+sawiro

 

 

Hargeisa (OWN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyoo oo maanta si rasmi xadhiga ka jaray dhismo cusub oo lagu so kordhiye wasaarada gaashaandhiga Somaliland

 

Dhisimahani cusub eeh lagu kordhiye wasaarada gaashaandhiga ayaa wax furitaankiisu loo qabaya Munaasibad Balaadhan oo ay ka so qeyb galleen Madaxweyne Axmed Siilaanyo wasiirka difaaca Md Axmed x cali Cadami,, Wasiiro Gaadhaya 3 xubnood oo dhamaantood ka tirsan golaha wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo Xildhibaano ka tirsan Labada Gole barlamaan taliyaasha Ciidamada Qaranka boolisk Asluubta iyo marti sharaf kale oo ka tiro badan.

 

Waxa kale oo u Madaxweynaha Somaliland intaasi ku daray Dhismahani aadka u quruxda badan wa mid aan ugu mahdan naqayo cidii ka hawl gashay wana mid magaci wasaarada difaaca kor u qaadaya, waxa kale oo aan si weyn uga mahad celinaya wasaaradan Difaaca iyo dhamaaan ciidamada kala duwan oo aan leeyahay waad ku mahad santihiin sida wanaagsan ee aad ugu so baxdeen halwsha aad qarana ugu xilsaaran tihin. Ayuu hadalkisa ku so koobay Madaxweynahe Siilaanyo

 

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay wasiirka difaaca Somaliland Md Axmed x cali cadami, Hadaladisiana waxa ka mid aha Maanta Muhiimada daartan amaaha eeh waxa weeye in la qiimeynayo balan qaadki Xisbiga Kulmiye eeh aaha in nin waliba meesha u joogo wax ku so kordhiyo waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqaya dhamaan cidi naga caawisay dhismahan waxa kale oo xusid mudan in dhismihi hore eeh aanu ku jirnay uu aha mid aad u burbursan oo aniga iyo shaqalaha wasaaraduba ka manaan jirin amaan, Noloeed oo waxaabanu ka baqayney inu naga so dumo aad baanan ugu faraxsanahay dhismahan cusub ayuu yidhi Md cadami.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Somaliland Oo Furay Dhisme Laba Dabaq Ah Oo Lagu Soo Kordhiyay W/Gaashaan-dhiga

 

June 4th, 2011

 

“Dhismahan wanaagsani waxa uu kor u soo qaadayaa sumcadii Wasaaradu ku lahayd Qaranka”

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme laba dabaq ah oo laga dhisay Xarunta Wasaarada Gaashaan dhiga Somaliland.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay furitaanka xadhigan waxa kale oo ka soo qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Goleyaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada, Taliyeyaasha ciidamada Booliska, Ilaalada xeebaha, Ciidanka qaranka iyo saraakiisha ciidanka qaranka.

 

Wasiirka Gaashaan dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dhismaha cusubi uu yahay qeyb mid ah balan qaadkii xisbiga KULMIYE ee la xidhiidhay in la horumariyo wasaaradaha xukuumadda Somaliland.

“Waxaan si gaar ah noo sharaf ah iyadoo la qiimaynayo waxqabadka ma aha dhismahan cusub iyadoo la qiimeynayo waxqabadkii uu balan qaaday xisbiga KULMIYE xiligii lagu jiray tartanka oo lagu balamay cid kastaaba meesha ay joogto inaanay waxna iibin waxna cid kale lagu wareejin, balse lagu dedaalo in dhismeyaasha xukuumaddu inaguma filee in wax lagu kordhiyay balantii noocaasi ahayd ayaanu fulinay qeyb ka mid ah. Wasaarado bandanna waa laga fuliyay,”ayuu yidhi Wasiirka Gaashaan dhigu.

 

Wasiirku waxa uu sheegay in dhismihii hore ee wasaaradu uu qarka u saarnaa inuu dumo, waxaanu tilmaamay in dhismahani uu wax weyn ku soo kordhin doono shaqada wasaarada.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay inuu aad ugu mahad naqayo wasaarada gaashaan dhiga iyo ciidamada qaranka oo xusay inay kaalin weyn kaga jiraan qaranimada Somaliland.

 

“Waxaan jecelahay inaan marka u horeysa aan bogaadin u soo jeediyay Wasiirka difaaca, shaqaalihiisa iyo ciidamada qaranka Somaliland oo ah wasaarad aad iyo aad muhiim ugu ah qaranka oo u taagan astaanta qaranka iyo difaaca dalka. Waxaan jecelahay waxaanu uga mahad naqaynaa cidii inaga caawisay dhismahan quruxda badan ee aad iyo aad u wanaagsan oo magacii iyo sumcadii Wasaaraddu ay ku lahayd qaranka kor u qaadaya,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Wasaarada Gaashaan-dhiga iyo ciidanka qaranka uga mahad celinayaan xilka weyn ee ay u hayaan qaranka Somaliland.

 

Md. Axmed Siilaanyo waxa kale oo uu u mahad celiyay ciidamada Booliska, Ilaalada xeebaha iyo asluubta ee u taagan sugida ammaanka iyo xasiloonida Somaliland.

 

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland oo uu weheliyay Wasiirka Gaashaandhiga iyo masuuliyiintii xafladaasi ka soo qeyb gashay waxa uu kormeer ku soo maray dhismihii hore ee duuga ahaa ee wasaarada Gaashaan-dhiga. Waxaanu xarunta wasaarada salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka qaranka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
ANWAR   

long after you and I have been dead and Somalia become united..... then Northern Somali army will have its headquarters there

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this