Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Alshabaab Forces attack Luuq gedo region.

Recommended Posts

Luuq:-Shabaab oo weraray Fariisin ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin duleedka Degmada Luuq.

28. maj 2011

 

APL

 

Luuq(Allpuntland)-Dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay weerar ku dhufoo ka dhaqaaq ah ku qaaday ciidamada Dowladda KMG ee Degmada Luuq.

 

Weerarka oo ka dhacay saldhiga ilaa 15km u jiray degmada Luuq oo ay ciidamada Dowladda leeyihiiinn ayaa waxaa lagu soo waramayaa in qasaaro uu ka dhashay.

 

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Al Shabaab si kaadma ah baasuugayaal iyo rasaas ay la dhaceen ciidamada Dowladda, hasa ahaatee iska horimaad kooban uu meesha ka dhacay.

 

Sarakiil Dowladda KMG ka tirsan ayaa sheegay in weerar uu jiro hasa ahatee uu wax qasaaro ah ka gaarin ciidamada Dowladda .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada DKMG iyo Shabaab oo ku dagaalamay Luuq

 

Luuq: (Sh. M. Network) Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

 

 

Dagaalkaani ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada dowladda KMG ah ay ku leeyihiin duleedka iyo gudaha degmada Luuq ee gobolka Gedo.

 

 

 

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa la sheegay in dagaalka ka hor tiro Madaafiic ay ku gaareen gudaha degmadaasi, waxaana intaasi kadib bilaawday dagaal culus oo fool ka fool oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Xarakada Al Shabaab kaasi oo gaystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

 

 

Inta la’ogyahay hal ruux ayaa ku dhintay labo kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay, waxaana si dhab ah ilaa iyo iminka aan loo ogayn qasaaraha ka dhashay Madaafiicdii Ciidamada Shabaab ay ku gaaraaceen gudaha degmada Luuq.

 

 

 

Diyaad Cabdi Kaliil oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo oo ay Shabelle la xiriirtay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkaasi uu san ahayn mid sidaasi u buuran islamarkaana ciidamada Shabaab qorshahooda uusan ahayn inay meel qabsadaan balse wuxuu tibaaxay inay doonayeen oo kaliya in qalalaaso ay ka dhex abuuraan degmadaasi.

 

 

 

Arintaani ayaa waxaa ay imaanaysaa iyadoo mudooyinkii dambe deegaanada ka tirsan gobolka Gedo ay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisado colaadeed oo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab, waxaana deegaanadaasi ka mid Degmada Ceel-waaq, Buurdhuubo iyo deegaanka Buusaar oo shacabkii ku dhaqnaa halkaasi qaarkood ay isaga barakaceen kadib markii ay ka cabsaadeen xiisado kasoo cusboonaaday deegaanadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xeefow   

Xaaladda degmada Luuq oo deggan

 

Waxaa xaalad deganaansho laga soo sheegayaa degmada Luuq ee waqooyiga gobolka Gedo kaddib markii xalay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ay ku soo qaadeen maleeshiyada Al Shabaab, kuwaas oo madaafiic rayid waxyeeleeyay ku duquqeeyay halkaasi.

 

Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Luug, Diyaad Cabdi Kaliil, oo la hadlay Bar-kulan ayaa sheegay in maleeshiyada Al Shabaab ay xalay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku soo qaadeen ciidamada dowladda ee degmada Luuq, balse ay iska caabiyeen.

 

Diyaad waxa uu sheegay in ay diyaarinayaan ciidamo loo diyaro goobaha ay falalka ammaan darro ay ka soo maleegayaan maleeshiyada.

 

Taliyaha waxa uu sheegay in wax khasaare ah aanu ka soo gaarin weerarkii xalay marka laga reebo madaafiicda ay soo tureen oo waxyeeleeyay goobo ganacsi oo dad shacab ah ay leeyihiin.

 

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa weerarro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaado degmooyinka ay dowladda KMG ah kaga sugan yihiin gobolka Gedo, waxaana maleeshiyada oo degmooyin ay ka mid tahay Luuq laga saaray ay ku dhuumaaleysanayaan banaannada degmooyinkaasi.

 

http://www.bar-kulan.com/2011/05/28/xaaladda-luuq-oo-deggan/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this