Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland information Minister:Xaabsade Says he was always an inside man for Somaliland

Recommended Posts

Cigaal Inkastoo aanu is-qabanay, Haddana waxaan qirayaa inuu ahaa siyaasi Rug Cadaaya….Anigoo ahaa raggii ka Cadhooday Ee Maamulka Puntland Sameeyay, haddana Garoowe ayaan Wakiil Uga ahaa Somaliland”-Wasiir Axmed Cabdi Xaabsadde.

 

Hargeysa (Ramaas) May 15,2011 - Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md Axmed Cabdi Xaabsadde, ayaa markii ugu horeysay qirtay in isaga oo wasiir ka ah maamul goboleedka Puntland uu wakiil qarsoon u ahaa Somaliland, isla-markaana uu is-barbar waday labada qadiyadood ee Somaliland iyo maamulka Puntland.

 

Axmed Cabdi Xaabsadde, oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolka Sool, kana mid ahaa aasaasayaashii maamulka Puntland sanadkii 1998-kii lagaga dhawaaqay Magaalada Garoowe, sidoo kalena hogaaminayay ergooyinkii beelaha gobolka Sool uga qayb-galay shirkii lagu doortay Madaxwayne Cigaal ee Somaliland 23.5.1993, ayaa banaanka soo dhigay dhacdooyin ku dhararan taariikhdiisa siyaasadeed, sida shirkii Boocame, kii Boorama, dagaaladii sokeeye ee 1994-kii iyo sidoo kale qaabkii uu ugu goostay Garoowe iyo waxyaabihii uu markii dambe ugu soo guryo noqday Somaliland.

 

Wasiirka warfaafinta Somaliland Axmed Cabdi Maxamed Xaabsade oo dhawr bilood ka hor Madaxweyne Sillaanyo u Magacaabay Xilkan ayaa Xog-warankiisan oo TV-ga dawladdu baahiyay waxa uu soo faqay qaabkii ay ergooyinka beelaha Sool kaga qayb galeen shirkii Boorama iyo sidii lagu soo dhisay Xukuumaddii labaad ee Somaliland, waxaa sidoo kale Md. Xaabsade Qodob qoddob u taxay duufaanadii colaadeed ee ku kacay xukuumadii Cigaal oo laftiisu wakhtigaas ahaa shirgudoonka baarlamaanka.

 

Md. Xaabsade oo muddooyinkii u dambeeyay ahaa qunyar socod waxa uu Xog-warrankiisa ku bilaabay shir gogol xaadh u ahaa ergooyinka gobolka Sool ee ka qayb galayay shirkii boorama, kaasi oo Garaad Cabdi Qani u wakiishay hogaamintiisa, “Imaatinka aan anigu imid shirkii Boocame waxa uu ahaa mid deg-deg ah oo uu I soo diray Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo markaa xanuunsanayey oo joogay Sucuudi Arabiya, waxaanu igu yidhi shirkaas baa dhacayee hadaanad ka qayb-galin waxa suurtowda shirkaas inuu noqdo mid aynaan Boorama kaga qayb-galin….”. Sidaa ayuu yidhi Mr. Xaabsade, waxaanu intaa ku daray “shirkii markii aanu ka qayb-galnay doodii waa la furay oo waxa la yidhi maxaa inoo dan ah, waxa la falan-qeeyay waar Garoow ayaynu tagnaa mise Boorama, waxa la eegay dhaqankii, wax wada lahaanshihii, waxa la eegay sida la isugu xidhan yahay ee aan look ala maarmayn, miiska waxa la soo saaray inaynaan Somaliland ka maarmayn. Rag-baa ka shaqaynayay oo doonayay in halkaas (Shirka boocame) lagu kala tago, markaa food-baa la qaaday ah, waxaana loo batay in Boorama la taggo, sidaasna waxa loo sameeyay 8 qodobn oo la yidhi haddii aad ka soo jawaabtaan fasax ayaad u tihiin waxaad samaysanaysaan, markaa guddoomiyihii iyo ku xigeeenkii halkaas ayaanu ku tagnay shirkii Boorama, guddoomiyuhuna nin hadda dhintay oo la odhan jiray Ina Cabdilaahi Shulle, guddoomiye ku xigeenkuna aniga ayuu ahaa, 8-daa qodob waxa ka mid ahaa (qodob odhanaya) hadaad heshaan cid aad dawlad la dhisataan la dhista, beelaha nabad-galyo ku wada noolaada, taladiina anaga ayaa la noo xambaariyey, markii aanu Boorama tagnayna muddo dheer ayaanu joognay, shan ilaa lix bilood ayaa la fadhiyey, waala is-hayey oo colaad ayaa dadka ka dhaxaysay, ragga aan anigu hogaaminayey qaar-kood guriga kamay soo bixi jirin, waxa aniga xil iga saarnaa maadaama SNM la shaqaynayay, Dhulbahantana aan ahay, SPN madax ka ahaa, nin dhinac ka baqanayana maan ahayn, kolkaa waxaan isku dayey inaan dadka ku qanciyo inaan wax colaad ahi dhex oolin, maalin walba shirka ka kici jiray, maalin walba shirkaan joojin jiray, malain walba shirkaanu ka bixi jiray, mudadaa waxaan tusayey in la wada doodi karo, oo la wada hadli karo oo la is diidi karo, oo la kala qaybsami karo. Hawshiina halkaas ayay noogu dhamaatay oo waala heshiiyey, waxaana lagu heshiiyey in halkaa dawlada lagu wada dhiso, waxyaabihii reer Sool ahaan na taabanayey waxa ka mid ahaa inaan Badhasaab Hargeysa looga dirin gobolka Sool ee ay qolo walba isa soo dhisto oo ay madax-banaanaato, hase yeeshee muddo ka bacdi markaanu dawladii dhisnay ee Hargeysa la isugu yimid, ee goboladii waxba soo dhisan kari waayeen, waxa la arkay in dadkii aanay u bislayn gooni isku taaga (Gobolada), markaas waxa dhacday in la yidhaahdo haloo soo dhiso (Maamulka), dadkeenu ilbax may ahayn oo maamulka Ingiriiska iyo Talyaani ayaa inoo tagay, sidii uu u soo burburayeyna markii dambe waxay keentay in la kala taggo, haddaba waxa adkaatay sidii la isugu soo celin lahaa, ilaa maantana adag, maxaa yeelay wax inoo dhaqan ah may ahayne inaga geed-kaa ayaa la isugu imam jiray marka la is-qabto oo cuqaal iyo waxgarad ayaa talin jiray oo go’aan gaadhi jiray”. Ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

 

Waxa kale oo awaala-warankiisa ku soo qaatay Qalalaasihii ka hor yimi xukuumadii Cigaal “Waxa dhacay dagaalo, Madaarka Hargeysa qolaa haysatay, wadada laamayga ah qolaa haysatay, hadda, dawladii way jirtaa, baarlamaankii wuu jiraa oo odayaashii way joogaan, waala dhamayn kari waayey, aakhirkii waxay noqotay haddaanu nahay baarlamaankii anaga halanagu eego, markii Madaxwaynuhu yidhi soo dhameeya anigu u taag-waayee ee tallo keena, ayaa anaga saddex cisho lana siiyey, saddexdii cisho waxay nagu qaadatay 157 maalmood, qoladii laamayda fadhiday waanu ka qaadnay oo waanu soo xeraynay oo ciidankoodii waanu la wareegnay oo meel-baanu geynay, laakiin qoladii madaarka ayaa nagu adkaatay, halkaas ayaa (Clash) isku dhicii ka bilowday oo dagaalkii Hargeysa ee 1994-kii ka bilaabmay.” Ayuu Md. Xaabsade yidhi.

 

Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in Madaxweyne Maxamed Ibraahin Cigaal ahaa Siyaasi Ruug Cadaa ah, wallow ay isku dhaceen haddana uu qirsan yahay hogaamintiisii “Cigaal anagu waanu is-qabanay laakiin waxaan qirayaa inuu ahaa siyaasi rug cadaa ah, waanan qiri jiray, inkasta oo ahaa raggii ka cadhooday ee ka tagay ee Puntland sameeyay aan ka mid ahaa, haddana waxaan ogahay oo rag badan oo halkan joogaa ay markhaati iiga yihiin in aniga oo Garoowe jooga aan Wakiil uga ahaa Somaliland”.

 

Axmed Cabdi Xaabsade ayaa ka soo goostay Maamul goboleedka Putland kadib markii Madaxweynihii hore ee Maamulkaasi Mr. Cadde Muuse ka Xayuubiyay Xilkii Wasiirka Arrimaha Amniga oo uu hayay ilaa Markii Cabdillaahi yuusuf Hogaaminyay Putland. “Si kastaba ha ahaatee, iyaggiina (Puntland) waanu heshii-waynay, waanu soo noqonaynay oo maanta sidaas ayaanu ku joognaa”. Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this