Sign in to follow this  
Liqaye

Garabyadii iskhilaafsanaa ee Ahlu Sunna oo heshiis ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka

Recommended Posts

Liqaye   

Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta maamulka Culimaa’udiinka Ahlu Sunna Waljamaaca oo u dhaxeeyay khilaaf ayaa shalay heshiis hordhac ah ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ka dib kulamo ay todobaad ku lahaayeen magaaladaasi.

 

Sheekh Ibraahim Sheekh Xasan oo ah Guddoomiyaha garab ka mid ah labadan garab ee heshiiska kala saxiixday oo la hadlayey Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in heshiiska ay u gaareen si ay midnimadooda u ilaaliyaan, wuxuuna xusay inay isku afgarteen dhowr qodob.

 

“Qodobada aan isku afgaranay waxaa ka mid ah inaan shir degdeg ah ku qabsano dalka gudihiisa marka la gaaro 1-da July ee sanadkan, mudadaasi inta ka horeysana lagu ixtiraamo mas'uul walba xilkiisa” ayuu yiri Sheekh Ibraahim oo intaas ku daray in marka uu shirku dhaco la qabanayo doorasho guud oo Ahlu Sunna ay ku soo dooraneyso ruuxii hogaamin lahaa.

 

Sheekh Ibraahim wuxuu sheegay in heshiiska ay saxiixeen isaga iyo Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo kala matelayey labada garab ee Ahlu Sunna Waljamaaca, isla markaasna waxa uu diiday inay wax ka jiraan warar sheegayey inay halkaasi u tageen sidii loo sixi lahaa khilaaf soo kala dhexgelay iyaga iyo dowladda Itoobiya, wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Itoobiya uu xiriir wanaagsan kala dhexeeyo.

 

Khilaafka u dhexeeya Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka dhashay markii hogaamiyaha sare ee kooxdaasi loo magacaabay Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax, waxaana taasi ay keentay in qeyb ka mid ah Ahlu Sunna ay maamul cusub oo maamulka guud ka madaxbanaan kaga dhawaaqaan degmada Caabudwaaq bishii hore, waxaana xusid mudan in xubin sare oo ka tirsan Ahlu Sunna, kaas oo ah Guddoomiyaha talada ee Ahlu Sunna Sheekh Cumar Sheekh C/qaadir uu isna sheegay inuusan ka warqabin shir Ahlu Sunna ku leedahay dalka Itoobiya, isla markaasna Macalin Maxamuud Sheekh Xasan uusan aheyn Guddoomiyaha guud ee Ahlu Sunna Walajaamaca.

 

Wadahadal labada garab ee Ahlusunna ayaa waxaa soo abaabushay dowladda Itoobiya oo xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo, iyadoo labada wafdi ay siyaabo kala duwan uga dhoofeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Caabduwaaq oo ka tirsan Gobolka Gal-guduud markii ay u socdeen Itoobiya mana cadda waxa uu heshiiskani ka bedeli karo khilaafaadkii hareeyey dhinacyada Ahlu Sunna waljamaaca ee gobolada dhexe.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this