Sign in to follow this  
The Zack

FIIDSOOH: Azania, waa “leedha iggee”

Recommended Posts

The Zack   

Taliyaha ciidamada Siyaloow lagu soo tabobaray ee Dhoobleey ku sugan ayaa la hadlaya xildhibaan Xamar ku sugan, wuxuu leeyahaya “Aniga ma jirto cid aan hoos tago iyo maamul aan aqoonsanahay, illaa Kismaayo laga tagaayana howshaasi ma galaayo”.

 

Wuxuu u taliyaa 6 boqol oo ciidamo ah iyo 15 tikniko, qof ayaa weeydiinaya bal in uu ka amar qaato Prof. Gaandi oo dhawaan loo magacaabay madaxweynaha maamulka Azania, wuxuu ku jawaabayaa “haddii uu doonayo in aan isaga ka hoos shaqeeyo waa inuu yimaadaa furunta dagaalka ”.

 

Hadalka ninkani gaar ahaan kalmadiisa ah “illaa Kismaayo laga tagayo” ayaa ah halka ay taalo halista iyo dhibaatada ugu weyn ee ka jirta Jubooyinka, waxa ayna sawir calawsan kaa siineysaa waxa uu ku dambeeyey maamulkii loo hanweynaa ee Azania ee Kenya lagu dhisey qeyb ka mid ah.

 

Dhoobleey waxaa jooga barasaabka Jubbada Hoose Ilyaas Badal iyo Cabdirisaaq Cusmaan Maxamuud ah oo ah gudoomiyaha degmada Afmadoow, markii warfidiyeeno magaalada booqdey ay weeydiiyeen aragtidooda iyo in ay warbaahinta hadal siinayaan waxay yiraahdeen “qilaaf ayaa jira, haddii aan hadalnana kuwa kale ayaa naga dabahadlaya ee ka aamusa arrimaha siyaasada”.

 

Arrintani sow kama dhigna Barfuunkii mar Soomaaliya laga heli jirey ee dadka u bixiyeen “leedha iggee” oo loola jeedo in barfuunkaasi uu yahay mid aad u udgoon badan balse marka hawada iyo banaanka lala tago ay hawada la tagayso caraftiisa? Dhab ahaantii waxa meesha ka jira oo dhan ayaa leedha iggee ah haddii ay ahaan lahayd Kaanbooni, iyo DKMG ahba.

 

Azania waxay tabobaranaysaa ciidamo cusub, DKMG ah ciidamo cusub oo illaa shan boqol gaaraya ayay ku xaraysay Dhoobleey, Kaambooni iyana gaarkeeda ayay ciidamo hor leh u abaabuleysaa, iyadoo sargaal kaanboni ka tirsan laga soo xigtey isagoo dhahaya “cid aan Kaanbooni ahayn oo halkan maamul ka sheegan kartaayi ma jirto”.

 

Xusuuso marka ay waxani oo dhan dhacayaan, ciidamadani huwanta waxa ay qabsdeen magaaladii ugu horeysey ee gobolka ka tirsan, ka waran marka ay tagaan Kismaayada loo wada xusul duubayo.

 

FIIDSOOH

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this