Sign in to follow this  
Saalax

olaha Degaanka Ceel-afweyn oo Hambalyeeyey Safarkii Wasiirka Daakhiligu ku Tegay Gobolka Sanaag

Recommended Posts

Saalax   

Golaha Degaanka Ceel-afweyn oo Hambalyeeyey Safarkii Wasiirka Daakhiligu ku Tegay Gobolka Sanaag

THURSDAY, 28 APRIL 2011

Ceel-afweyn (Togdhnews)- Xidhibaannada Golaha Degaanka Degmada Ceel-afweyn ee Gobolka Sanaag,

ayaa si weyn u soo dhaweeyey safarkii uu dhawaan Wasiirka Daakhiligu ku tegay gobolkaas, kaas oo ay ku tilmaameen inuu xambaarsanaa yididiilo waxqabad ay degaannadaasi muddo dheer ka sugaayeen xukuumadihii kala dambeeyey ee soo maray Somaliland.

 

Mudanayaasha golaha degaanka oo kulan ay gelinkii dambe shalay ku yeesheen Ceel-afweyn kadib khadka telefoonka kula soo xidhiidhay Jamhuuriya xalay fiidkii, waxa ay sheegeen inay maamul ahaan iyo shacab ahaanba si weyn u soo dhaweynayaan, una hambalyeynayaan tallaabooyinka waxqabad ee xukuumadda Somalialnd, gaar ahaan socdaalkii Wasiirka Arrimaha Guduhu ku soo maray degaannada degmada Ceel-afweyn.

 

“Haddii aannu nahay masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Ceel-afweyn waxaannu ammaanaynaa guud ahaan tallaabooyinka waxqabad ee xukuumadda cusub u qaadday dhinaca horumarka dalka Somaliland , gaar ahaan gobollada bariga oo muddo dheer tabayey waxqabadka xukuumadda dhexe.

 

Sidii kala waxaannu hambalyeynaynaa kormeerkii Wasiirka Daakhiligu ku soo maray degaannada degmada Ceel-afweyn, kaas oo ahaa mid taariikhi ah oo uu si buuxda uga soo ogaaday duruufaha shacabka degaannadaas iyo dib-u-dhacyada ka muuqda adeegyada bulshada Gobolka Sanaag oo go’doon ka ah dalka intiisa kale, waxaannu wasiirku wax ka qabtay qaar ka mid ah dhibaatooyinkii ka jirey degaannada Ceel-afweyn oo ay ka mid yihiin gadiid la’aan,” ayey yidhaahdeen xildhibaannadu.

 

Geesta kale, xildhibaannada Golaha Degaanka Degmada Ceel-afweyn, waxa ay si kulul u cambaareeyeen dad dhaliilay safarkii Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo gaadiid uu siiyey qaar ka mid ah masuullada dawladda ee degaannadaas, iyagoo mudanayaashu ku sifeeyey dadkaas shaqsiyaad danaystayaal ah oo ka soo horjeeda horumarka iyo wanaagga ummaddooda u soo kordha, waxaanay ugu baaqeen dadkaas inay hambalyeeyaan cid kastoo wax u soo kordhisa qaranka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this