Sign in to follow this  
General Duke

Raas Casayr the beggining of the development of Eastern regions of Puntland...

Recommended Posts

b-boy   

Bosaso,Jan 02 – Waxgarad kasoo jeeda degmooyinka Caluula iyo Baargaal oo katirsan gobolka Bari ayaa maanta kulan balaaran la yeeshay qaar ka mid ah masuuliyiinta dowladda Puntland.

 

Kulanka oo lagu qabtay Guriga Gobolka ee magaalada Boosaaso ayaa waxaa looga hadlay sugida amaanka iyo sidii bulshada deegaankaasi gacan uga gaysan lahaayeen mashaariic dowladda Puntland ay sheegtay inay ka fulin doonto deegmooyinka Baargaal iyo Caluula.

 

Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax,gudoomiye kuxigeenka gobolka Bari Yuusuf Muumin Bide,Xildhibaan Bile Maxamuud Yuusuf oo katirsan baarlamaanka Puntland,xubno katirsan golaha deegaanka ee degmada Boosaaso iyo Ugaas Axmed Xaaji Faarax oo ka mid ah isimada kasoo jeeda degmada Caluula.

 

Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo waraysi siiyay warbaahinta Daljir markii uu kulanku soo dhamaaday ayaa waxaa uu sheegay,kulanka in la isku afgartay dhamaan qodobadii looga hadlay ee ahaa amaanka iyo hormarinta deegaanka.

 

Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo la weydiiyay qaabka maamulka Puntland uu mashaariic uu uga fulin karo deegaanada Baargaal iyo Caluula xilli siyaasiyiin kasoo jeeda degmooyinkaasi ay ku dhawaaqeen maamul ka madaxbanaan dowladda Puntland ayaa waxaa uu ku jawaabay.

 

"Siyaasiyiinta aniga ayaa ka mid ah oo ugu horeeya raga kasoo jeeda deegaanadaasi,waxaana joogay mudo bil ka badan,shacabka reer Puntland waa u sheegay dadka iyo dhulku inay yihiin Puntland,mana jiraan maamul ka baxsan dowladda Puntland oo ka jira deeganada Caluula iyo Baargaal"ayuu yiri wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo intaasi raaciyay inay jiri karaan wax qabad la'aan deegaanadaasi,bale waxaa uu hoosta ka xariiqay deegaano badan oo ka baxsan laamiga inay ka jirto wax qabad la'aan taasi oo ay ugu wayntahay dowladda oo awood badan aan u lahayn inay *****sho baahiyaha guud ee deegaanada ka baxsan laamiga.

duke the development plans for eastern bari are well under way the president himself have busy all week having meetings with elders and business community of the region!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this