Sign in to follow this  
General Duke

Gedo is in flames, the net contribution of Farmaajo..

Recommended Posts

Ciidamada Al Shabaab oo Dagaal kula wareegay deegaanka ABOODA ee duleedka Ceel Waaq.

 

Print here| By: allgedo.com: Wednesday, April 20, 2011 // 2 Jawaabood

 

Related ArticlesDagaalo ayaa saaka ka dhacay hareeraha degmada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo oo saacadihii lasoo dhaafay laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog badan.

 

Saaka aroortii ayay ciidamada Al Shabaab weerar culus kusoo qaadeen inta u dhexaysa Buusaar iyo Ceel-Waaq, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal labada dhinacba ku riiqmeen.

 

Shacabka fara kutiriska ah ee ku sugan Ceel-Waaq ayaa soo sheegay in ciidanka dowladda ay xalay saqdii dhexe dib ugu soo laabteen magaalada oo ay shalay gelinkii dambe xeelad dagaal dib uga gurteen, balse ciidanka dowladda waxay ku sugnaayeen bara difaac oo ay dibadda magaalada ka sameysteen.

 

Saaka markuu waagu baryay ayay ciidamo fara badan oo Shabaabka ka tirsan weerar culus kusoo qaadeen Isgoyska ABOODA, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal qaatay muddo 2 saacadood ah.

 

Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidankooda ay dagaalka guulo ka gaareen ayna la wareegeen saldhig ciidan.

 

Abuu Muscab wuxuu ku faanay in Shabaab gacanta ku dhigeen Saldhigii ciidanka dowladda ku lahaayeen ABOODA.

 

“Mujaahidiinta ayaa qabsaday duleedka Ceel-Waaq Sedax baabuur oo dagaalna waan lawareegay” ayuu yiri Abuu Muscab.

 

Weli ma jirto cid u hadashay saraakiisha dowladda ee Ceel-Waaq.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxgaradka Gedo oo Dowladda KMG ah ku dhaliilay in aysan Wax gargaar ah u fidin shacabka tabaalaysan.

Print here| By: allgedo.com: Wednesday, April 20, 2011 // u Jawaab

 

Related ArticlesWaxgaradka degmada Luuq ayaa sheegay in roobabkii koobnaa ee dhawaan ka da’ay degmada Luuq aysan wax sidaasi ah ka bedelin xaaladii nolol xumo ee kajirta degmada.

 

Nabadoon Xasan Xaajo oo ku sugan Luuq ayaa warbaahinta leyska maqlo u sheegay in dadka ku haray degmada ay u baahanyihiin gurmad deg deg ah iyagoona baaq u diray saraakiisha dowladda ee dhawaan qabsaday degmadaasi.

 

Nabadoonka ayaa dowlada KMG ah ku eedeeyay in aysan wax gargaar ah siin shacabka taasi bedelkeedna markii ay magaalada soo galeen ay joogsadeen wax xoogaa gurmad ah oo ay ka heli jireen guddiga gurmadka abaaraha ee fadhigiisu yahay Baardheere.

 

“dadku way baahanyihiin sicir barar iyo nolol xumo ayaa ka jirta Luuq, dowladda Halkaan joogta waxaan ugu baaqeynaa in ay wax ka qabtaan dhibaatada ilaa markii ay dowladu nasoo gaartay wax gurmad ah namasoo gaarin Raggii halkaan joogi jirey marmar bey wax nagusoo ridi jireen” Nabadoon Xasan Xaaji.

 

R/waasare Farmaajo iyo Wasiirka G/dhigga ayaa Gargaar u balan qaaday Shacabka Gedo xiligii uu socday dagaalkii Beled-Xaawo balse ilaa iyo hadda lama hayo wax gargaar ah oo ay gaarsiiyeen shacabka, xaaladda ayaa sii xumaatay markii ay Al Shabaab go’doomiyeen degmooyinka Gedo.

 

Shacabka Gobolka Gedo ayaa walaac ka muujinaya abaarta sii daba dheeraatay ee kajirta Gobolka iyo Gargaar la’aanta ku raagtay dadka aadka u tabaaleysan ee ku dhaqan Gedo.

 

—————-

 

Allgedo News Desk, Gedo/Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

SOMALIA: 15 killed as fighting renews in southern regions

Raxanreeb Online - Malyun Ali - ‎5 hours ago‎

Mogadishu (RBC) At least 12 persons were killed and nine others wounded after heavy fighting renews today in two southern regions in Somalia. Heavy clashes erupted in Celwak district of Gedo region on early morning of Wednesday after Somalia government ...

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Southern Somalia fighting leaves several dead

 

Mogadishu, Somalia Published: April 20, 2011 07:43 am EDT

 

At least 11 combatants have been confirmed dead and several others wounded during fierce fighting between Somali government forces and Al-Shabaab militants in a village in the southwestern Gedo region before dawn Wednesday.

 

 

The fighting erupted when heavily armed militants launched an ambush on a Somali military base in Aboodo village along the road leading to the border town of Elwaq.

 

An elder in Aboodo who demanded anonymity because of security reasons told All Headline News that he saw the bodies of 11 people from both sides. “There may be civilian casualties but I cannot really confirm it,” the elder said in a telephone conversation.

 

Al-Shabaab spokesman for military affairs Sheik Abdi Aziz Abu Musab, who talked to reporters in Mogadishu, said that his men were successful in early morning fighting against Somali government forces.

 

“Our Mujahideens have attacked the enemy camp and they have killed more un-Islamic soldiers and confiscated more arms and ammunitions—our fighters have established a base in the Aboodo village, we have also taken three battle wagons from them,” the spokesman said.

 

Meanwhile, a Somali parliamentarian in the region, Mahmoud Sayid Aden, told the media that the Somali army base was attacked, but the militants were repulsed and they suffered heavy losses.

 

“I can confirm that there are casualties on both sides, but more terrorists were killed although I cannot give the exact number—we have had the upper hand in the early morning fighting,” the MP noted, adding that government forces still remain in the area.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

It's nearly impossible to mediate two groups with diametrically opposed vision. Even if one opponent emerges victorious and wipes the other out with all its unintended consequences, the Somali civil strife will still drag on for many years to come. I think we should let people decide their own destiny away from imposed, third party solution.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Gedo has been adversely impacted true, but I do not believe Gedo will see a more deadlier war than the Ethiopian-SNF-Al Itihad war in the mid-latter 90's. As for the current war, it stands to be mentioned Beled-Xaawo suffered tremendously but the fact that Al Shabaab has been unable to take back Ceel-Waaq, Luuq, Beled-Xaawo, and Dollow says a lot about the level of defeat the organization suffered. They are on the defense in the region.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The Ethiopian and Kenyan attack has not dislodged them from the region. They are still fighting as the news report highlights and the people are suffering even more than a few months ago..

 

dadku way baahanyihiin sicir barar iyo nolol xumo ayaa ka jirta Luuq, dowladda Halkaan joogta waxaan ugu baaqeynaa in ay wax ka qabtaan dhibaatada ilaa markii ay dowladu nasoo gaartay wax gurmad ah namasoo gaarin Raggii halkaan joogi jirey marmar bey wax nagusoo ridi jireen” Nabadoon Xasan Xaaji.

 

R/waasare Farmaajo iyo Wasiirka G/dhigga ayaa Gargaar u balan qaaday Shacabka Gedo xiligii uu socday dagaalkii Beled-Xaawo balse ilaa iyo hadda lama hayo wax gargaar ah oo ay gaarsiiyeen shacabka, xaaladda ayaa sii xumaatay markii ay Al Shabaab go’doomiyeen degmooyinka Gedo.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Kenya did not attack inside of the Somali border and the Ethiopian involvement is overblown as usual as relating to this region. Also, I believe it is a bit dishonest to include Farmaajo in your title. The offensive was planned by the Dollow boys for the last two years.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Farmaajo was the man who promised a 90 day war of defeat against Al Shabaab. His minister of Defense escorted by the Ethiopians even visited Luuq yesterday, entering from Ethiopian held Somali territory.

As usual the little rag tag clan militia in Dolow have played no role other than allowed to them by Ethiopia, one hears even old Hiiraale is in an Ethiopian jail as we speak.

 

The article from a local website indicates that Farmaajo has failed to take into account the impact his adventures have had on the locals.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Waxaa saaka dagaal xoogleh ka qarxay magaalada Ceel Waaq ee gobalka Gedo halkaasi oo ay maanta ku dagaalamayaan ciidamada taageersan DFKMG iyo xoogaga Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalkan ayaa ah mid hubka noocyadiisa kala duwan la isu adeegsaday, waxayna wararka kasoo baxaya magaalada Sheegayaan in ay halkaasi si weyn uga baro kaceen dadka rayidka ah ee halkaasi ku dhaqanaa.

 

Dagaalka maanta ayaa dhacay kadib markii ay ciidamada taageera DFKMG ay weeraro ku qaadeen goobo ay fariisimo ku lahaayeen maleeshiyaadka Xarakada Al Shabaab.

 

Labada dhinac ayaa kala sheegtay in dagaalkan ay guulo ka gaareen, ayadoo aysan jirin warar madax banaan oo magaalada xiligan laga heli karo.

 

Todobaadyadii lasoo dhaafay ayey ciidamo taageersan DFKMG oo ay gacan siinayaan ciidamada Itoobiya ay la wareegeen qeybo kamid ah magaalooyinka gobalka Gedo, middaasi oo u sahashay in ciidamada DFKMG ay kusii siqaan magaalooyinka kale ee fadhiyaan xoogaga Al Shabaab.

 

Wasiirka Gaashaandhiga ee DFKMG Cabdixakiim Xaaji Fiqi, ayaa shalay [Talaado] booqday qeybo kamid ah gobalka Gedo, sida magaalooyinka Doolow, Luuq iyo Beledxaawo, wuxuuna warsaxaafadeed uu halkaasi kasoo saaray ku sheegay in dowlada ciidamadeeda ay gobalka ka sifeyn doonaan kooxda Al Shabaab.

 

Dhanka Al Shabaab ayaa ayaguna maalmahan waday abaabul dagaal oo ay ku doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalooyinkii laga soo saaray, inkastoo ay jiraan warar madax banaan oo sheegaya in xoogaga Al Shabaab si weyn u wiiqday awoodii ay ku lahaayeen gobalka Gedo, xili ay dagaalo kale xarakada uga furan yihiin dhanka koonfurta gobalka J/hoose iyo magaalada Muqdisho.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

As usual, you are foaming at the mouth every time you hear the name Gedo or anything to do with it. It is redundant to engage you. One would think you would be more concerned about your own hometown of Gaalkayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Poor old Gabbal, always attempting to sell people stale milk. Let’s hope, wonder boy Farmaajo can work with the Ethiopians to have your hero hiiraale released from the dungeons. Now that would be something.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this