Sign in to follow this  
gooni

Banaan bax ka dhan ah maxkamada m.cali samatar oo ka dhacday g/kacyo

Recommended Posts

gooni   

Gaalkacyo:(Allpuntland)-Banaanbax kooban ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Gaalkacyo kaas oo ay kasoo qaybgaleen tiro kamid ah dadka kunool magaalada Gaalkacyo,waxaana banaanbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen ehelada Jen.Maxamed Cali Samatar madaxweyne kuxigeenkii hore ee dawladii Soomaaliya looga soo horjeeday maxkamadaynta Jen.Samatar oo dalka Maraykan ka dhici doonta,iyadoo shacabkuna ay banaabaxooda ku muujiyeen sida ay uga xunyihiin maxkamadaynta & eedaymaha sida gaarka ah loogu soo jeediyey jen.Samatar.

 

Banaanbaxan oo ay dadkii ka qeybgalay wateen boorar ka dhan ah dadka ka danbeeya dacwadaynta Jeneraal Samatar ayaa lug kumaray meelo kamid ah gudaha magaalada Gaalkacyo iyagoo sidoo kalena watay gawaari ay ku rakibnaayeen codbaahiyeyaal laga dhagaysanayey heeso wadani ah,waxaana markii danbe ay isugu yimaadeen afaafka hore ee xarunta maamulka gobolka Mudug halkaas oo ay kula hadleen madaxda maamulka gobolka Mudug & kan degmada Gaalkacyo.

 

Xildhibaan Farxiyo Yuusuf Xirsi (Bilig) oo kamid ah golaha deegaanka ee degmada Gaalkacyo islamarkaasna kamid ahayd dadkii soo abaabulay banaanbaxa ayaa sheegtay in ay ula jeedaan inay muujiyaan dareenkooda & sida ay uga xunyihiin maxkamadaynta Jeneraal maxamed Cali Samatar oo ay sheegtay inuu ahaa nin wadani ah dadkiisana u shaqayn jiray,waxaana ay dhanka kale Maamulka Somaliland ku eedaysay inay ka danbeeyaan dacwadaynta Samatar.

 

Gudoomiyaha gobolka Mudug,duqa magaalada Gaalkacyo & Taliyaha ciidanka Daraawiishta Aaga Mudug oo iyana banaanbaxan gabagabadiika hadlay banaanbaxan,waxaana ay sheegeen in ay shacabkooda la qeybsanayaan sida ay uga xunyihiin in si gaar ah loo bartilmaameedsado Madaxweyne xigeenkii hore ee Soomaaliya marna soo ahaa Wasiirka Gaashaandhiga ee dawladii Kacaanka iyagoo taas ku tilmaamay in ay taasi tahay Faquuqid.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this