Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Parliament Passes New Law: The National Communication Law

Recommended Posts

Xildhibanada Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta Cod ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta Qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011. + DHAGEYSI

Halkan ka Dhageyso Fadhigii Golaha ee Maanta

 

Hargeysa(Waaheen) Xildhibanada Golaha wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa maanta Cod yar ku ansixiyay xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Xeer Nomber 50, 2011.

 

Fadhigaasi maanta ay yeesheen Xildhibanadu ayaa waxa shirgudoominayey gudoomiye ku-xigeenka koowaad Md. C/casiis Maxamed Samaale, waxa ka soo xaadiray 67 mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee uu ka kooban yahay Golaha wakiiladu.

 

Fadhigan ayaa ahaa mid aad u xaasaasi ah iyada oo amaanka guud ee golahana aad loo adkeeyay, waxana iyaguna ka soo xadiray fadhigaasi marti sharaf aad u badan iyo Masuuliyiin ka kala socoday Shirkadaha Somcable iyo Dalkom.

 

Xildhibanada Golaha Wakiilada ayaa cod gacantaaga ah ku Meel mariyey Xeerka Isgaadhsinta Qaranka waxan u codeyay 34 mudan, waxaana diiday 29 mudane, halka ay ka aamuseen 3 mudane, gudoomiyuhuna Mu codeynin, sidaasina uu ku ansaxay Xeerka Isgaadhsiinta qaranka.

 

Waxanu yidhi Samaale“xeerka isgaadhsiinta qaranka ee Somaliland Xeer Nomber 50, 2011. waxa uu ka kooban yahay 81qodob, waxa uu xeerkani ka soo gudbay Xukumada, waxana la galiyey Isbedelkii ay guddida dhaqaluhu ay soo sameeyen, waxa madasha ku sugan 67 mudane, 34mudane ayaa xeerkasi u codeyay, 29 mudane ayaa xeerkasi ka soo horjeedsaday, 3mudane ayaa ka aamusay Gudomiyuhuna muu codeyaynin Xeerkasina sidaas ayuu ku ansaxay”.Ayuu yidhi Samaal.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this