Sign in to follow this  
Kamaavi

Augustine oo shaaciyay xiliga shirka Nairobi

Recommended Posts

Kamaavi   

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa da'boollka ka qaaday waqtiga uu dhacayo shir bilahanba la hadal hayay oo ay Qaramada Midoobay u qabanayso dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya.

 

Sida uu sheegay Mahiga, shirka oo socon doona laba maalmood ayaa ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya 12 April ilaa iyo 13 April.

 

Wararka ayaa intaasi ku daraya in shirkan lagaga wada hadli doono doorashada soo socota DKMG iyo sidii ay u samayn lahaayeen nidaam awood qabysi dhamaanba garabyada arimaha siyaasadda ee ka jira Soomaaliya, marka laga reebo xarakadda Alshabaab.

 

Maamul goboleedyo ay kamidyihiin Puntland, Galmudug iyo Azania ayaa lagu wadaa inay ka qayb galaan shirka, halka dawladda Gooni isu taagga Somaliland ay qaadacday. Xarakadda Ahlu sunna Waljamaaca iyo tan Raaskaambooni ayaa sidoo kale la sheegayaa in lagu casuumay.

 

DKMG ayaa dhawaaq dheer ku canbaaraysay shirkan ay qabanqaabinayso Qaramada Midoobay oo ah matoorka ugu xoogga badan ee abuuray walina dhaqaajinaya DKMG.

 

Waxaa la sheegayaa in madaxda ugu saraysa DKMG ay ku kala aragti duwan tahay ka qayb galka shirka Nairobi, balse Qaramada midoobay ayaa ku adkaysanaysa qabashada iyo dhicitaanka shirka ayadoo sida muuqata aan cidna u joojinayn.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Guriga walaalahiis (SL and PL) ayaa loo wadaa. Lucky for him, Waraabe is on kitchen duty this week. I hear he makes great canjera amxari (goes amazingly with raw camel meat)! :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this