Sign in to follow this  
Liqaye

Sheekh Xasan Daahir: Al-Shabaab waa ku jabeen Dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Recommended Posts

Liqaye   

Hoggaamiyihii hore ee ururkii burburay Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay oo dhex maray

ciidamada Dowladda oo kaashanaya AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab kana dhacay magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka, iyadoo Xasan Daahir uu Wareysi uu siiyay Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga uu ku sheegay sheegay in dagaaladii ka dhacay gobolada dalka marka laga

reebo degmada Luuq oo ay ka qeyb qaateen dagaalada ka dhacay taangiyada ciidamada Itoobiya sida uu sheegay.

 

Waxa uu sheegay Sheekh Xasan Daahir inay weli jirto cududii Al-Shabaab ay dagaalada dalka ku sii wadi kareyso, hase yeeshee isagoo ka hadlayay dagaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Dowladda oo garab ka helaya AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab waxa uu sheegay in dagaaladaasi ay ku jabeen Al-Shabaab, isagoo tusaale u soo qaatay awooda labada dhinac oo uu sheegay in dhinaca Dowladda ka badan tahay dhinac kasta sida hubka iyo ciidamada.

 

"Inta Shabaab dagaalada Muqdisho ay ku riteen waxaa ka badan inta iyaga laga ritay" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys oo qirtay in Muqdisho looga awood badan yahay, hase yeeshee waxa uu sheegay inay Muqdisho ka wadaan dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ilaa iyo inta ay

iyagu ka guuleysanayaan.

 

Dhinaca kale waxa uu sheegay Xasan Daahir Aweys in cidiyaha lagu dagaalamayo, wuxuuna sheegay in dhinacooda dagaalada ay ka qeyb qaadanayaan dadka birima geydada ah, isagoo dhinaca kale si cad u diiday shirka QM ay qabanqaabineyso inuu ka dhaco magaalada Nairobi ee

dalka Kenya.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this