Sign in to follow this  
BOB

How Well Do You Know Eto'o?

Recommended Posts

BOB   

Salam Aleikum W.W,

 

A friend of mine sent me this story and i have to admit i couldn't stop laughing as i don't believe one bit that Eto'o is Somali or ever been to Somalia...but its up to you to decide what you want!

 

 

Sooyaal News

 

MA DHABAA LAACIBKA SAMUEL ETO'O WUXUU KA SOO JEEDAA SOOMAALI?

 

 

 

Ma Dhabaa In Laacibka Caanka Ah Ee Samuel Eto,O Una Dhashay Dalka Camaruun Una Ciyaara Naadiga Reer Spain Ee Barcelona Inuu Ka Soo Jeedo Soomaali Arintu Si Kasta Ha Ahaatee Qayb Ka Mida Taariikh Nololeedka Laacibka Eto’o Waxaa Ka Mida Inuu Magaalada Burco Yimi Markii Dadiisu Ahayd 3 Jir Isla Markaana Uu Barashada Kubada Cagta Ka Bilaabay Magaalada Burco Isagoo Da,Diisu 5 Jir Tahay Halkaasna Uu Ku Gacan Qabtay Nin Soomaaliya Oo Ahaa Macalin Kubada Cagta Ah Welise Waxaan Kala Cadayn Waxa Laacibkan Keenay Magaalada Burco Isagoo Ilmo Yar Ah Ee Uu Weliba Ugu Noolaa Sanadada Badan Oo Lagu Sheegay In Ku Dhaw Toban Sanadood Laakiin Halkaas Waxaa Inooga Cadaanaysa In Laacibka Samuel Eto’o Qayb Isirkiisa Ka Mid Ahi Ka Soo Jeedo Soomaali Gaar Ahaana Magaalada Burco Taas Oo U Saamaxday Inuu Qayb Noloshiisa Ka Mida Ku Qaato Magaalada Burco: Sida Dadka Qaarkiis Sheegeena Af Soomaaligu Wuxuu Ka Mid Yahay Luqadaha Laacibkani Ku Hadlo Waana Sababta Aabihiis U Keenay Wadankiisii Si Aan Ilmahiisu U Ilaawin Afkii Hooyo Waxaana La Sheegayaa In Awoowgii Ka Haajiray Burco Qiyaastii Afartanaadkii Oo Ku Meegan Markii Dagaalkii Labaad Dunida Ka Socday Si Kasta Ha Ahaatee Laacibkani Wuuxu Noqday Mid Ka Mida Laacibinta Kubada Cagta Kuwa Loogu Jecel Yahay Ee Sida Aadka Loo Xiiseeyo Ciyaartooda, Wuxuu Ka Ciyaara Afka Hore Ama Weerarka Waxaana Illaahay Hibo U Siiyey Sida Loo Kala Daadiyo Ee Khalkhal Loogu Rido Difaaca Ka Soo Hor Jeeda Isla Markaana Kubada Loo Dhamaystiro Mudadii Uu Spain Joogay Waxay Saaxiibeen Shebega Wuxuuuna Guulo Wax Ool Ah Gaadhsiiyey Naadiga Barcelona Oo Uu Hada U Ciyaaro Wuxuuna Kula Baxay Naanaysta Ah Libaaxi Madoobaa (Black Lion )

 

 

 

Taariikhda Samuel Eto.O

 

Wuxuu Ku Dhashay Magaalo Taal Wadanka Kamaruun Oo La Yidhaahdo Nkon Bishii March 10, 1981 Wuxuuna Ku Soo Shaac Baxay Naadiyada Dalka Isbayn Gaar Ahaan Wuxuu Markii Ugu Horeysay Isagoo 16 Jir Ah Heshiis La Galay Naadi Derejada Labaad Ah Oo Ka Dhisan Dalka Spain Magaciisana La Yidhaahdo Leganes Wuxuuna La Joogay Hal Xili Ciyaareed Oo Keliya Taas Oo Ahayd Sanadkii 1997-1998 Wuxuu U Saftay 28 Ciyaarood Wuxuuna U Dhaliyey 3 Gool Dabadeed Waxaa Iibsatay Naadiga Awooda Badan Oo Real Madrid Oo La Gashay Heshiis Lix Sanadood Ah Laakiin Wuxuu Joogay Hal Xili Ciyaareed 1998-1999 Sida La Sheegay Wuxuu Boos Ciyaareed Ka Waayey Teemkii Waxaana Shiiqiyey Labada Weerar Yahan Ee Ronaldo Oo Reer Baraasiil Ah Iyo Raul Oo Reer Spain Ah Kuwaas Oo Naadigu Haystay Wuxuuna Inta Badan Ahaa Ciyaar Suge Wuxuu Real Madrid U Saftay 3 Ciyaarood Wax Goolal Ahna Uma Dhalin Sanadkii 1999 Ayuu Amaah Ku Tegay Naadiga Kale Ee Reer Spain Ee La Yidhaahdo Real Mallorca Wuxuuna Halkaas Joogay Ilaa 2004 Wuxuu Real Mallorca U Saftay 133 Ciyaarood Wuuxuna U Dhaliyey 54 Gool Ka Dib Markay Ciyaar Wanaagiisa Arkeen Waxaa U Hanqal Taagay Inay Iibsadaan Naadiga Barcelona Oo Cadaawad Guun Ahi Ka Dhaxayso Naadiga Real Madrid Oo Laacibkan Amaah Ku Bixiyey Kama Danbaystiina Waxaa La Kala Saxeexday Heshiis Saddex Geesood Ah Oo Qiimuhiisu Dhan Yahay 24 Million Euros Laacibkiina Waxaa Gacanta Ku Dhigay Barcelona Lacagtiina Waxaa Qaatay Real Mallorca Iyo Real Madrid Oo Si Isle’eg U Qaybsaday Maadaaba Real Madrid Markii Hore Amaah Ku Bixisay Halkaas Ayey Ka Bilaabantay Guulaha Is Daba Jooga Ah Ee Laacibkani U Soo Hooyey Naadiga Barcelona Labo Xili Ciyaareed Oo Isku Xiga Ayuu U Qaaday Koobka Isbaanishka Ugu Xiisaha Badan Ee Laliga Kuwaas Oo Kala Ah 2004-2005 Iyo 2005-2006 Wuxuu Kale Oo U Qaaday Koobka Ay Isugu Yimaadaan Naadiyada Yurub Ugu Awooda Badan Ee Uefa Champions League Sanadkii 2006 Ciyaartii Faynalka Ahayd Oo Ay Iska Hor Yimaadeen Naadiga Reer England Ee Arsenal Waxay Dhacday Bishii May 17, 2006 Waxayna Ka Dhacday Magaalada Paris Wacdarihii Uu Habeenkaas Dhigayna Waa Kuwo In Badan La Xusuusan Doono Wuxuuna Ku Mutaystay Inuu Noqdo Laacibkii Ciyaartaas Ugu Wanaagsanaa (Man Of The Match) Isagoo Goolkii Barbaraha Ahaa U Dhaliyey Naadigiisa Daqiiqadii 76 Goolkaas Oo Si Wayn Uga Nixiyey Taageerayaashii Arsenal Iyo Weliba Tababarahooda Wenger Oo Dhalashadiisu Faransiis Tahay Gurigiisiina Joogay Naadiga Barcelona Wuxuu U Saftay 73 Ciyaarood Wuxuuna U Dhaliyey 53 Gool

 

 

 

Ka Sokow Wacdarihiisa Barcelona Wuxuu Kale Oo Laacibkan Jabiyey Rikoodho Badan Oo Kubada Cagta Ah Oo Hore Loo Dhigay Wuxuu Ku Guulaystay Inuu Saddex Sano Oo Isku Xigta Noqdo Laacibka Africa Ee Sanadka (Afrcican Footballer Of The Year)Wuxuuna Abaal Marintan Ku Guulaystay Sanadadii 2003, 2004, 2005 Taas Oo Ka Dhigaysa Laacibkii Ugu Horeeyey Ee Africaana Ee Saddex Sano Oo Isku Xiga Ku Guulaysta Abaal Marintan Intii La Aasaasay Confederation African Union (Caf) Wuxuu Kale Oo Kaalinta Saddexaad Ka Galay Abaal Marinta Fifa Bixiso Ee Laacibka Dunida Ugu Wanaagsan Sanadkii 2005 (Fifa World Player Of The Year ) Iyadoo Uu Kaalinta Koowaad Galay Laacibka Reer Barasiil Ee Ay Isku Naadiga Yihiin Ee Ronaldinho Kaalinta Labaadna Uu Galay Laacibka Reer England Ee Frank Lambard Ee U Ciyaara Naadiga Chelsea

 

Shaki Kuma Jiro In Laacibka Samuel Eto'o Ka Mid Noqday Mucjisooyinka Kubada Cagta Aduunka Isla Markaana Uu Ku Biiray Liiskii Madaradona Iyo Pelle

 

 

 

 

 

La Soco Qayb Kale Oo Xiiso Badan

 

 

 

Jaamac Cabdillaahi Suleymaan

 

Cigaal215@Hotmail.Com

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jaylaani   

Why wouldn’t you believe it? I don’t know anything about soccer or this dude but I know it’s possible. Somali men were having babies all over since the beginning of time. The question is, does this guy claim his partial heritage of being Somali. If he doesn’t, then h.ell with him.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somali men were having babies all over since the beginning of time.

:eek: :eek: Is that your way of saying you have children out in the world you might not know about...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this