Sign in to follow this  
Saalax

Al Shabaab oo Saaka la Wareegay Tuulada Mareeg ee Degmada Ceeldheer Iyo Odayaasha Deegaanka oo Farii

Recommended Posts

Saalax   

Al Shabaab oo Saaka la Wareegay Tuulada Mareeg ee Degmada Ceeldheer Iyo Odayaasha Deegaanka oo Fariin U Diray

 

Ceeldheer (RBC Radio):-Xaaladda degmada Ceedheer gobalka G/gaduud iyo deegaanada ku xeeran ayaa saaka degan kadib dagaallo culus oo maalmihii lasoo dhaafay halkaasi ku dhaxmaray dhinacyo is diidan.

Wararka nagasoo gaaraya Ceeldheer ayaa xaqiijinaya in Ciidanka Al Shabaab ee shalay magaalada qabsaday ay saaka aroortii horay dagaal la’aan lawareegeen Tuulada Mareeg ee dhacda Xeebta.

Dad goob joogayaal ah ayaa RBC Radio u xaqiijiyay in Tuulada Mareeg oo Dekad macmal ah leh ay saaka galeen ciidanka Al Shabaab oo ku hubaysnaa 6 gaari oo nuuca dagaalka ah.

Tuulada Mareeg oo ay ku taal Dekad Macmal ah ayay Shabaabku gudaha ugaleen lamana oga in ay fariisin ka dhiga doonaan iyo in ay dib ugasoo bixi doonaan, Mareeg aya ah goob Istiraatiiji ah waxaana Hubka loogasoo dejin jiray ciidankii deegaanka ee Ahlusuna taageersanaa.

Dhinaca kale Saraakiil Shabaab katirsan iyo Odayaasha deegaanka ayaa shalay gelinkii dambe wadahadal ku yeeshay Garoonka Ceeldheere waxaana lasoo sheegayaa in kulankaasi looga hadlay sidii loo bad baadin lahaa dadka deegaanka iyo Hantida shacabka.

Odayaasha deegaanka Ceeldheer waxay Yuusuf Kaba Kudukade ka codsadeen in aan labiliqaysan hantida ganacsatada iyadoo la adeegsanaya Erayga “Murtad” oo ay shababaku ku caan bexeen adeegsigooda xiliyada dagaalka.

Ilaa hada wax Bililiqo ah kama aysan dhicin Ceeldheer , Bililiqa la’aanta Ceeldheer  waxaa u sabab ah saraakiisha shabaabka ee Ceeldheer qabsaday oo qaabiil ahaan deegaanka kasoo jeeda waxaana kamid ah saraakiishaasi Yuusuf Kaba Kudukade iyo Xasan Wiif.

Al Shabaab ayaa horay u Biliqaystay magaalada Jowhar xiligaas oo ay dagaal uga qabsadeen ciidamo taageersanaa dowlada Federaalka KMG ah Somaliya waxaana xiligaasi laqaatay wax walba oo waxtar lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this