Sign in to follow this  
Saalax

Ciidamada Somaliland Oo Qabtay 37 Baastooladood Oo Laga Soo Dajiyey Dekeda macmalka Ah Ee Laanta Caw

Recommended Posts

Saalax   

Ciidamada Somaliland Oo Qabtay 37 Baastooladood Oo Laga Soo Dajiyey Dekeda macmalka Ah Ee Laanta Cawl.

 

 

Hargeysa(Ramaas) Mar.18, 2011 – Taliyaha guud ee ciidamada Booliska Somaliland Md Cilmi Rooble Furre (Cilmi-Kabaal) ayaa sheegay in ciidamada qalabka sida ee Somaliland xalay gacanta ku dhigeen 37 baastooladood, kuwaas oo laga soo dajiyey dekeda macmalka ah ee Laanta Cawl oo ku dhawaad 30KM u jirta Magaaladda Lughaya.

 

Taliyaha boolisku waxa uu sheegay in ciidamada booliska iyo kuwa milatariga oo iskaashanayaa gacanta ku dhigeen nin gaadhi Zusuki ah ku sida hubkan isla-markaana dhanka Magaaladda Boorama ula soo jeeda “.

 

Haa Warkaasi wuu jiraa.” Sidaa ayuu yidhi Md Cilmi Kabaal oo wargeyska Saxafi u waramay, waxanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya tirada hubka la qabtay “Ciidamada qalabka sidda ee Milatariga iyo booliska ayaa gacanta ku dhigay nin watta gaadhi Zusuki ah oo uu ku siday 37 baastooladood.”

 

Taliyaha oo la waydiiyey bal in hubkaasi ahaa hub loo soo iiibgeeyay Somaliland iyo in ujeedo kale ka dambayso ayaa yidhi “anigu maantagin, laakiin marka maxkamada la geeyo gaadhiga iyo ninka hubka sita ayaa la kala ogaan doonaa.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this