Sign in to follow this  
Liqaye

Al-Shabaab oo u digtay mid ka mid ah beelaha degan degmada Balcad

Recommended Posts

Liqaye   

Maamulka xarakada Al-Shabaab ee degmada Balcad oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe ayaa xalay bandow ku soo rogay degmadaasi, kaddib markii ciidamo ka tirsan maamulka ay ku wargeliyeen dadka degan degmada Balcad inaan la socon karin xilliyada habeenka isla markaana magaalada ay tahay mid bandow ah oo ka bilaabanaya maqribka kuna eg marka laga soo baxo salaadda subax.

 

Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaraya degmada Balcad ayaa sheegaya in xaalada degmadaasi ay tahay mid ka sii dareysa, kaddib markii maamulka xarakada Al-Shabaab uu bilaabay inuu cadaadis saaro dadka ka soo jeeda beesha Daa'uud oo ka tirsan beel weynta ******, isla markaana Shabaabka degmada ay ku eedeeyeen in dadka u dhashay beeshaasi ay taageeraan jameecada Ahlu Sunna iyo Dowladda KMG ah.

 

Ciidamo ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe waxay albaabada u laabeen qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee ay leeyihiin dadka u dhashay beelaha ****** Cusmaan gaar ahaan jilibka beesha Daa'uud, waxaana hanjabaado loo jeediyay dhallinyarada iyo ragga ka soo jeeda beelahaasi.

 

Bandowga lagu soo rogay degmada Balcad oo xalay ka dhaqan galay magaalada Balcad, kaddib markii ay hakadeen dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidka isaga goosha degmadaasi, ayaa hadana dadka degaanka waxay qabaan welwel iyo cabsi la xariirta hanjabaadaha ka soo yeeraya Al-Shabaab, halka dadka u dhashay beelaha ******na ay bilaabeen inay isaga baxaan degmada Balcad, kaddib markii loogu hanjabay in haddii lagu arko Degmada ay muteysan doonaan ciqaab adag.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Haddii ay arrintaani run tahay. Yaa Al-habaab la taliyo oo dhaha dagaalka ha beeleynina haddii kale waa la idiin yaabaa! Waayo haddii beesha degaankaani dagaal ku qaadaan siday ku joogaan waa adag tahay. Maxaa ka rabtaa AL-Habaab halla cayrsadee!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this