Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowladda Somaliya “Waxaan kusii soconaa deegaanada Baardheere, Garbahaareey iyo labada Jubba”

Recommended Posts

Dowladda kmg ee Soomaaliya oo dagaalo xoogan ka wado Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay u soo tafa-xeedatay dagalao culus oo ay Shabaab uga saareyso gobolada ay gacanta ku heyso.

 

Afhayeenka ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Axmed Maxamuud Cabdi “Axmed Carab” ayaa wuxuu warbaahinta uu u sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay cagta mariyaan xoogaga Xarakada Al Shabaab.

 

Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay kusii socdaan Baardheere, Garbahaareey, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, oo uu sheegay inay ku nool yihiin ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in Shabaab uu dhibaato ba’an ku haayo shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

“Waxaan kusii soconaa deegaanada Baardheere, Garbahaareey iyo labada Jubba, waxaana meeshaasi ku sugan waa Shabaab, waxaanu dooneynaa inaanu ka saarno, waayo Shabaab dhibaato buu ku haayaa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Axmed Carab.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay in waqtigii Xarakada Al Shabaab uu dhamaaday, isla-markaana sida ugu macquulsan ay dalka ula wareegi doonto dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waa sida uu hadalka u dhigay’e.

 

Si kastaba ha-ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inaysan marnaba joojin doonin dagaalada culus oo ay kula jirto Xarakada Al Shabaab, ilaa bay tiri aanu Shabaab ku sameyno hub ka dhigis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku wajahantahay degmooyinka Garbahaareey, Baardheere iyo guud ahaan gobolada Juubooyinka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidinita Al Shabaab.

 

 

 

Afhayeenka Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo Axmed Max’uud Cabdi Carab oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin gobolada Jubooyinka oo ay ka taliyaan Al Shabaab.

 

 

 

Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan qorshooyin dagaal oo ku wajahan Al Shabaab Islamarrkaana haatan ay meel wanaagsan marayaan, waxaana uu intaasi ku daray in goordhow ay la wareegayaan degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere iyo guud ahaan gobolada Jubooyinka, waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab.

 

 

 

Ciidamadaani ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa dhowaan waxaa ay tababaro kusoo qaateen degaanka Siyeeloow oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana dagaal ay la galeen Xarakada Al Shabaab u suuro gashay inay kala wareegaan gacnta ku haynta degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo.

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this