Sign in to follow this  
Liqaye

Iskaashiga Shariif Xasan iyo Itoobiya VS himilada dawladnimo ee madaxweyne Shariif

Recommended Posts

Liqaye   

Waxaa beryahanba warbaahinta warhayeen isqabsi hoosaad arrin ku bilaabatay oo war helisteeda shacabku inta badan aay la aheyd kutiri kuteen laakin runteeda soo banaanbaxday ka dib magacaabisti Ra'isul-wasaare Farmaajo, Taasoo keentay in laba Shariif is qabsigooda saaxadda soo fuusho,Mudane Farmaajana daaha gadaashiisa uu mowqifku ka noqdo Safa wa Marwa uuna ilaawo halganki loo maray in la helo Dawlad Dhalin wax baratay hogaamiso, In badan dadka u kuurgala siyaasadda Soomaaliye waxey ku macneeyaan Gudoomiyaha Barlamaanka in uusan laheyn mabd'a siyaasadeed ee uu higsanayo ama dareen Wadaniyad tusi kara marxaladda adag ee dadka iyo wadankuba ku jiraan balse leeyahay shaqsiyad gashay nidaam aay ku dhib badantahay fahamkeeda iyo aqrinteeda taasoo ku abuureysa baqdin didineysa markuu cabaar qof ama koox uu la wado siyaasad hawleed, Naftiisana waxey degenaan heshaa inta uu qofku ku cusub yahay, Dhanka Maal abuuristana waxey ku cabireen in uu qabo fikirka ah haku daahin Suuq keliya oo macna kooban lagu fasiri karo caqliga dadka ka ganacsada Muqaadaraadka oo aan la garan karin meesha uu nidaamkan danbe ka soo qaatay!

 

Marka,Madaxweynaha si loo helo nidaam dawli ah wuxu u soo maray marxalado kala duwan ilaa uu ka gaaro in laga quusiyo rag badan hogaanka Wadanka aaysan gaar u laheyn in kooban oo caadeystay ku soo noqnoqoshada hogaaminta, Iyagoon wax isbadal ah keeneyn....Waxey dadka qaar la barbardhigaan hogaamintiisa Mudane Nelson Mandela,Waxaana daliil u ah hadal uu yiri Nelson Mandela mar uu la hadlaayay Xisbiga (ANC)da taageerayaashooda, kuna yiri, Waxey gacanteyda inta badan gaari doontaa kuwa aan fikirka siyaasadeed wax badan isaga soo horjeednay, Waxaa culeyska iyo dhibka dhabarka ku sii sidi doona (ANC)da iyo taageerayaashoodaba si loo helo buundo kalsooni ku dhisanta oo dadka isaga talaabaan sidaas ayaan South Africa Caafimaad qabta ku dhsi karnaa.Taas waxaa u daliil ah Dawladda Federaalka ah qeybsigeeda oo lagu saleeyay 4.5, wuxuu u diiday reerka hoose uu ka dhashay in aay ka helaan qeybtoodii dhisidda dawlada,Wuxuu ogolaaday in la xiro Mudane Maxamed Dheere isgagoo waxa lagu eedeynaayo aay tahay tuhmo, Iyadoo weliba rag la mid ah denbiyo waaweyn iyagoo faraha kula jira aanan gacan loo taagin, Wuxuu ka diiday dawlado magacaabista Rai'sul-wasaaraha iyo Dawladdaba wax badan gacan ku lahaan jiray, In uu ka qaato talo quseysa Soomaalida dhismaha hogaankooda iyadoo la ogyayahay tabar inteey la'egtahay....Wuxuu kaga dooday shirki dhawaa ee Adisababba ka dhacay in kordhinta Baarlamaanka iyo Dawladda Soomaaliyeed aay u taalo Soomaalida, Lama koobi karo waqtiga iyo tabarta uu Madaxweynaha geliyay isu soo celiska Soomaalida iyo yagleelida Qaran Soomaaliyeed.

 

Waxaa Cad in qof keliye uusan hagaajin karin Qaran dumay, Haddii aan u leexdo Gudoomiye Shariif waa ninki gaaray in uu ka qeyb galo shir ***** ku sheeganayaan Dawlad Goboleed ka kooban Lix Gobol ee Koofurta Soomaaliya ah kuna taageeray, Intaa kuma ekaanine wuxuu kala hadlay Dawlada Itoobiya in aay arrintaa la xaqiijiyaan reer **** iyo arrimo kale oo badan oo xiriir la leh dhisid Dawlad ku soo noqoto meeshi laga xukumi jiray...Waxaa kale uu abaabulay shirar in la qabto looga soo horjeesanaayo ka qaadista Taliyaha Nabadsugidda heer Qabiil iyo inta la gaarsiin karo, Marka ninkan isaga ah ee Shaqsiyaddisa aan hore u soo misaanay iyo ficiladanba ma istaahilaa in uu fadhiyo mansabka uu hadda hayo iyo wax la mid ah?..Waxaa kale oo isweydiin mudan dadka uu soo horistaago marka laga reebo inta dareenka cusub ee qabiiliga ah ku raacday iyo shisheeye u shaqeynta marna caqligooda ma siiyay in aay miisaamaan ruuxan shaqsiyadiisa mise ayaguba waa ku Miisaan?

 

Maxamed Axmed Du'aale

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this