Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president opens new bridge Hargeysa Pics

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Goor Dhaweyd Xadhiga ka jaray dhismaha biriijka 2-aad ee caasimada + Sawiro

 

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd xadhiga ka jaray dhismaha biriijka 2-aad ee caasimadda, oo uu dhismihiisu socday muddo sannado ah.

 

 

Hargeysa (HWN) Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa goor dhaweyd xadhiga ka jaray dhismaha biriijka 2-aad ee caasimadda, oo uu dhismihiisu socday muddo sannado ah.

 

Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa Wasiirada, Mayorka Caasimada, Taliyaha ciidamada Booliska, saraakiil sarsare oo ka socota Xukuumadda iyo dadweyne aad u tiro badan ayaa ka dib markii uu xadhiga ka jaray dhismaha biriijka socod ku lug ah, waxaana sacab aan kala joogsi lahayn ku soo dhaweeyay boqolaal ka mid ah dadweynaha iyo waliba ardayda wax ka barata dugsiyada oo iyagu ku labisnaa dirayskooda gaar ka ah.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhoola cadayn iyo gacmo haadis dhamaanba dadkii ku sugayay Dhismaha cusub ee Biriijka ku qaabilay, waxaana wajigiisa ka muuqatay farxad iyo rayn rayn.

 

 

Ma jirto wax hadal oo uu ka jeediyay Xafladda xadhiga lagaga jarayay Biriijka, balse sida uu qorshuhu ahaa waxa ay xaflad lagu xusayay dhamaystirka Biriijka 2-aad ay ka dhacaysaa Huteel Ambsador ee magaaladda Hargeysa, halkaas oo la filayo in madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee xukuumaddiisu ay hadal kaga soo jeediyaan.

Dhismaha biriijka 2-aad ee caasimadda ayaa 6-dii sanno ee ugu dambeeyay socday, waxaanay xukuumaddan cusub ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku guulaysatay qabyo tirikiisa.

 

Si kastaba ha ahaatee Biriijka 2-aad ayaa halbawle u ah isu socodka labada damood ee magaaladda Hargeysa iyada oo xaafadda Koonfurtu ay caqabad weyn kala kulmi jirtay wakhtiyada roobka uu jiro dooxa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaa oo sawir ah and not even a singel picture of the bridge? :confused:

The Cameraman did a bad job.

 

Mise the new suit baa nala tusayey, I hate somalis with suits, oo wayn. Waligay ma arag soomaali suudh ku qurux badan, kuli mid gacmaha ka wayn yahay, iyo mid garbaha ka wayn yahay uun weeye lol. Just keep the Khamiis(Paakistaani) like Al-shabaab :P

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this