Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2011 Dawlada Itoobiya Oo Somaliland U Soo Dhiibtay Gacan Ku Dhiigle Hargeysa Nin Ku Dilay March 4th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)- Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin magaalada Hargeysa ku dilay Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil, 14-kii Bishii Febarwari ee sanadkan. Kaasi oo laga soo qabtayt magaalada Jigjiga ee xarunta Kililka shanaad ee dalka Itoobiya. Hoggaanka hawl gelinta wuxuu sidaasi ku sheegay shir saxaafadeed uu galabta ku qabtay xarunta ciidanka CID-da ee magaalada Hargerysa wuxuu u mahad celiyay dawlada Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya waxaanu yidhi “Aniga oo wakiil ka ah taliyaha Ciidanka Booliska waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya ciidanka booliska Jig-jiga oo gacan naga siiyey qabashada ninkan gacan ku dhiiglaha, iyada oo ay dawlada Ethiopia xidhiidh la soo sameysay dawlada Somaliland sidaana lagu soo qabtay ninkan.” Hoggaanka hawl gelinta ciidanka Boolisku oo faah faahin ka bixinayay hawl galkaasi wuxuu yidhi “Waxa Magaalada Hargeysa ka dhacay 14/2/ 2011 dil, kaas oo ka dhacay agagaarka Istaanka Burco ay baabuurtu uga baxdo, oo uu geystay gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Nuur, waxaanu qudha ka jaray Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil, ciidanka boolisku iyaga oo adeegsanaya dadweynaha la shaqeeya iyo khibarada ay leeyihiin, markiiba waxay ******** Ciidanku inuu gacan ku dhiigluhu uu u talaabay dhinaca dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay. Taas markii aanu ogaanay dawlada Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wuxuu suurtageliyey in gacan ku dhiiglaha lagu qabtay Magaalada Jigjiga, taas oo markii ay heleen ninkaasi gacan ku dhiiglaha ay na soo wargeliyeen Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2011 Ciidanka Booliska Somaliland Oo Gacanka ku Soo Dhigay Gacan Ku Dhiigle Maxamed Xasan Nuur Oo Nin Qudha Ka Jaray, isla Markaana Baxsaday. Hargeysa(HWN):-Madaxa hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa sheegay inay gacan ku soo dhigeen gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Nuur oo horaantii bishii labaad sanadkan 2011 qudha ka jaray Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil agagaar Istaanka baabuurta Burco uga baxdo. Sidaa waxa uu Cabdilaahi fadal ku sheegay mar uu maanta gelintii danbe saxaafada ugu waramayey xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa, Madaxa hawlgelinta Ciidanka Booliska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan Ugu horeyn Cabdilaahi Fadal iimaan oo ka hadlayey sida ay u soo qabteen ninkaasi gacan ku dhiig lahaa ee baxsaday ayaa waxa uu yidhi Waxaan idinla socodsiinayaa waxa Magaalada Hargeysa ka dhacay 14 Feb 2011 dil, kaas oo ka dhacay agagaarka Istaanka Burco ay baabuurtu uga baxdo, oo uu geystay gacan ku dhiigle Maxamed Xasan Nuur, waxaanu qudha ka jaray Marxuum Nuux Ismaaciil Jibriil, ciidanka boolisku iyaga oo adeegsanaya dadweynaha la shaqeeya iyo khibarada ay leeyihiin, markiiba waxay ******** [Ciidanku] inuu gacan ku dhiigluhu uu u talaabay dhinaca dalka Ethiopia ee aynu jaarka nahay. Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhiTaas markii aanu ogaanay dawlada Somaliland iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga[DDS] xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wuxuu suurtageliyey in gacan ku dhiiglaha lagu qabtay Magaalada Jigjiga, taas oo markii ay heleen ninkaasi gacan ku dhiiglaha ay na soo wargeliyeen. Ciidankan booliska ah ee aad halkan ku aragtaan waa ciidankii hawlgalka lagu soo qabtay gacan ku dhiiglaha ka daba tagay oo ay sidaana kala soo wareegeen Aniga oo wakiil ka ah taliyaha ciidanka qaranka Somaliland waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqaya ciidanka booliska Jigjiga oo gacan naga siiyey qabashada ninkan gacan ku dhiiglaha, iyada oo ay dawlada Ethiopia xidhiidh la soo sameysay Dawlada Somaliland sidaana lagu soo qabtay gacan ku dhiiglahanayuu yidhi Cabdilaahi Fadal iimaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted March 4, 2011 Indeed ......... Quote Share this post Link to post Share on other sites