Sign in to follow this  
wyre

Taariikh kooban oo ku saabsan Boqorka boqorrada

Recommended Posts

wyre   

Mucammar Al-qaddaafi ama boqorka boqorada qaaradda Africa waa hogaamiyaha ugu xukunka dheer dalalka African-ka iyo carabta, laga soo bilaabo xilligii uu xilka ku qabsaday inqilaab dhiig ku daatay sanaddii 1969-kii xilligaas oo uu ahaa 27 jir wuxuuna qadaafi ku dhashay meel u dhow magaalada Sirti, wuxuuna ku caan baxay labiskiisa iyo haweenka sida gaarka ah u waardiyeeya.

 

Qadaafi waxa uu soo bandhigay sanaddii 1977 falsafad siyaasadeed taasi uu ku soo banhdigay buug uu ugu magaca daray kitaabkii cagaarnaa.

 

Qadaafi waxa uu guursaday labo haween ah midda koowaad waxa ay ahayd haweenay uu guursaday iyadoo macalimad ah , waxayna u dhashay hal wiil oo la yiraahdo Maxed Alqadaafi, waana ninka madaxda ka ah guddiga Olypic-ada Libya ee xarunta u ah magaalada Tripoli sidoo kale waxa uu madax ka yahay golaha maamulka shirkadda guud ee Post-ada dalka Libya.

 

Haweenayda labaad waa haweenayda u dhashay toddobo kamid ah caruurta Qadaafi waana haweenaydii dhashay mid kamid ah gabdhihiisa oo la oran jirey Hannaa oo ku dhimatay duqeyn diyaaradaha mareykanku ay ku qaadeen dalka Libya sanaddii 1986-dii xilligaas oo ay ahayd 4 jir.

 

Carruurta Qadaafi waxaa kamid ah Seyful Islaam Al-qadaafi oo ah 38 jir, waxaana la’ aaminsan yahay in uu yahay wajiga cusub ee dalka libya.

 

Seyful Islaam waa nin si fiican ugu hadla luqadda Ingiriiska , wuxuuna shahaadada BHD ka qaatay kuliyadda dhaqaalaha London University, wuxuuna maamulaa jamciyada Qadaafi ee Samafalka iyo Horumarka taasi oo qeyb ka qaadatay sii deynta dagaal yahannada islaamiyiinta gaar ahaan kuwa filibiin.

 

Sanaddii 2006-kii dalka ayuu ka cararay kadib markii uu dhaleeceeyey maamulka aabihiis balse waxaa uu dib ugu soo laabtay 2008 kadib cafis uu u fidiyey aabihiis.

 

Carruurta Qadaafi waxaa kamid ah Saacid Al-qadaafi oo horey u ahaan jirey ciyaaryahan ka ciyaara horyaalka dalka talyaaniga , hadda waxa uu madax ka yahay xiriirka kubadda cagta dalka libya islamarkaana waa jilaa filimaanta.

 

Muctasam Al-qadaafi waa jeneraal katisran ciidanka Libya, waxa uu u cararay dalka Masar kadib markii lagu eedeeyey in uu qorsheenayey inqilaab milateri oo kadhan ah maamulka Aabihii, balse cafis ayaa loo fidiyey wuxuuna hadda madax u yahay ciidan isaga u gaar ah oo kamid ah melatariga dalka Libya.

 

Khamiis Al-qadaafi waa sarkaal boolis ah wuxuuna tababar ku soo qaatay dalka Russia, warbaahintu waxa ay sheegtay in uu mas’uul ka yahay xasuuqii loogu geystay dadkii dibadbaxyada kadhigay magaalada Bengaasi horaanta toddobaadkan.

 

Caa’isha Al-qadaafi waa looyarad 34 jir ah waxa ay kamid ahayd kooxdii isu xilsaartay in ay difaacdo madaxweynihii hore dalka ciraaq Sadaam Xuseen.

 

Hanibal Al-qadaafi waa nin qurba joog ah , waxaana lagu eedeeyey sanaddii 2005 in uu hoteel ku yaal magaalada Paris ku dharbaaxay gabar u shaqeynaysay, iyadoo ay dowladda Switzerland ay xabsiga dhigtay Hanibal taasi oo keentay in dowladda Libya ay xiriirka u jarto Switzerland islaamrkaana ka mamnuucday dalkeeda alaabaha laga soo dhoofiyo dalka Switzerland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this