Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Dowlada Somaliya oo hadana goobo hor leh Ku qabsatay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Dagaalada xoogan ee maanta ka soconaaya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa guulo balaaran ka sheegatay xukuumadda kmg ee Soomaaliya, oo iyadu wada olalaha dagaalada ka soconaaya caasimadda.

 

Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya Mudane Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi oo Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa *****lka ka qaaday, in dagaalada ka soconaaya magaaladda Muqdisho ay guulo ka gaareen.

 

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamadda dowladda oo garabsanaaya ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, in’ay la-wareegeen Isgoyska Aadan Cadde, Geed Jaceyl, Xararyaale, Isgoyska Filoranza iyo Siinaay, oo ay intuba gacanta ku heysay Xarakada Al Shabaab.

 

Fiqi oo boorinaaya ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom ayaa tibaaxay in guulaha ay gaareen ay yihiin wax muuqda, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay ay Shabaabku u geysteen khasaaro aad u culus.

 

Sidoo kale wuxuu ka gaabsaday khasaaraha soo gaaray ciidamadda dowladda Soomaaliya oo ay kaabayaan ciidamadda nabad ilaalinta ee ka socda Midowga Afrika, balse wuxuu qeexay oo qura in’ay khasaaro u geysteen dhinacyada kale ee kasoo horjeeda.

 

Dhanka kale Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya Mudane Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa ku hanjabay in’ay sii wadi doonaan dagaalada qaraar oo ay ku qaadeen Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray inaysan marnaba dagaaladu joojin doonin, ilaa buu yiri aanu caasimadda xoog uga saarno Al Shabaab.

 

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo ku aadan guulaha balaaran ay dowladdu ka sheegatay dagaalada culus ee maanta ka soconaaya magaalada Muqdisho, inkastoo saacadaha soo socda ay ka hadli kara

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

Xamartu weynaa? It is bigger than Columbus, Ohio? Columbus is about 30 miles square and someone could conquere it in two days. Mise they are announcing every drive and alley they capture lol.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this