Sign in to follow this  
Che -Guevara

Jabuuti Oo Somaliland U Soo Dhiibtay Ninkii Gadhwadeenka U Ahaa ONLF

Recommended Posts

Hargeysa (Somaliland.org)- Ciidanka Booliska ayaa xabsiga Madheera ee gobolka Saaxil u taxaabay Maxamed Yuusuf Odawaa (Aleel) oo ahaa darawal gadhwadeen u ahaa 250 ka mid ah Maleeshiyada ONLF oo bishii October ee Kalhore ka soo degay xeebta Lughaya ee galbeedka Somaliland. Ninkan oo baxsaday maalmo ka dib markii dhacdadaasi waxa uu galay dalka Yeman, halkaasi oo uu muddo ku sugnaa.

 

Ninkan ayaa dawlada Jabuuti ay qabatay ka dib markii uu ka soo laabtay Dalka Yeman waxaana dhawr iyo labaatan maalmood ka dib ay ku soo wareejisay maanta ciidamada Booliska Somaliland, sida uu sheegay Taliyaha Ciidanka Booliska Gen. Cilmi Rooble Furre.

 

Taliyaha Booliska ayaa xukuumadda Jabuuti uga mahad celiyay siday ninkan ugu soo gacan gelisay oo uu ku tilmaamay inay soo xoojinayso iskaashiga labada dal ee la xidhiidha dhinaca Ammaanka labada dal.

 

Maxamed Yuusuf Odawaa oo ku magac dheer Aleel waxa isagoo maqan Maxkamada Ciidamadda qaranka ee darajada koowaad ay ku xukuntay 16 sanadood oo xadhig ah.

 

dadka ku dhaqan deegaamada degmada Lughaya waxay ninkaasi maxkamada kaga fureen inuu ahaa mukhalaskii ugu weynaa ee gaadiidka ka kireeyay Maleeshiyadii ONLF ee ka soo degay xeebta Lughaya bilihii ugu horeeyay xil haynta xukuumadan cusub.

 

Cumar Maxamed Faarax

 

Somaliland.Org/Hargeysa

 

cumarmfaarax@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this