Sign in to follow this  
Maaddeey

Dhaawaca ciidamada Amisom oo la daad gureynayo!

Recommended Posts

Maaddeey   

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Dhaawacyada in ku dhow labaatan askari oo ka tirsan Ciidamada AMISOM ayaa shalay siyaabo kala duwan ay diyaarad uga qaaday Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, kuwaas oo la geeyay Magaalada Nairobi.

 

Dhaawacyadan ayay Askartan ayaa waxay yihiin kuwo ku dhaawacmay dagaaladii shalay ka dhacay, Muqdisho, gaar ahaan Jidka Dheer ee Warshadaha, halkaas oo Ciidamada AMISOM weerar efandari ku qaadeen.

 

Wararka ayaa sheegaya in dhaawacyada badankood la geeyay Magaalada Nairobi, halkaas oo Isbitaalka loo dhigay, hase ahaatee waxaa jira dhaawacyo qaar oo ahaa kuwo fudud, kuwaas oo lagu daaweynayo Xarumaha Caafimaadka AMISOM Muqdisho ku leeyihiin.

 

Ciidamada AMISOM ayaa dagaalo toos ah ka qeyb qaadanaya, kaas oo ay kula jiraan Xoogaga Al-Shabaab, waxaana qorshahooda uu yahay sidii ay magaalada qeybaheeda isugu fidin lahaayeen, hase ahaatee waxay la kulmayaan iska caabino xoog leh.

 

Labadii maalmood ee u dambeeyay Shabaab waxay soo bandhigeen Meydadka Askarta AMISOM oo gaareysa ilaa toban askari, shalay waxaa ku jiray Askari nool oo dhaawac qaba, taas ayaana muujineysa in AMISOM ay ku sambariiraxatay dagaalada aan la iska kala adkaan ee Muqdisho xaafadaheeda lagu dagaalamo

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Maaddeey   

Khasaara aad u culus ayaa ciidamada shisheeye ee ku sugan magaalada Muqdisho kasoo gaaray dagaalada culus ee maalintii 2-aad ka socda magaalada.

 

 

 

Dhimashada ciidanka Afrikaanta ayaa inta la ogyahay gaartay 85 Askari oo badankood ay Meydadkooda soo bandhigeen Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

 

 

Deegaanada lagu barakacay ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa maanta lageeyay Meydadka ilaa iyo 10 Askari oo ku dhimatay dagaal xalay saqdii dhexe ka dhacay wadada isku xirta Gaashaandhigga iyo kuliyadda Jaalle.

 

 

 

 

 

Dibad baxyo xoogan oo ay shacabku ugu dabaal degayeen guulaha mujaahidiintu ka gaareen dagaalada B/xaawo iyo Muqdisho ayaa maanta ka dhacay inta u dhexaysa Muqdisho iyo Afgooye.

 

 

 

Saraakiil katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa deegaanka Calamada kula hadlay Kumanaan Shacab ah oo daawanaya Bakhtiga ciidanka Burundi oo maanta lageeyay Ceelasha Biyaha.

 

 

Shacabka ku dhaqan Ceelasha Biyaha,Lafoole,KM13 ayaa maanta Indhahooda ku arkay Bakhtiga ciidanka shisheeye oo halkaasi lageeyay.

 

 

 

 

 

Dhinaca kale garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa soo caga dhigtay diyaarado uu lahaa Ururka Midowga Afrika waxayna daad gureeyeen dhaawqacyo iyo Meydadka ciidanka shisheeye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this