Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Wasiirka Gaashaandhiga Waxaan la wareegnay Wasaaradii gaashaandhiga, Shiirkole, iyo Warshadii Canah

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ay la wareegeen Fariisimo hor leh oo ay ka qabsadeen Xoogaga Al-Shabaab.

 

C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in dagaalada wali soconaya ay ku qabsdaeen Wasaaradii hore ee Gaashaandhiga, Xeradii Shiirkole, iyo Warshadii Caanaha, isagoo tilmaamay in dagaalada ay wali si xoogan u socdaan.

 

"Waxaa ugu bishaareynaynaa shacabka Soomaaliyed in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen Fariisimaha Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale iyo Warshada Caanaha"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

 

Isagoo la hadlayay Idaacada afka Dowladda ku hadasha ayaa sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka oo uu ku sifeeyay inuu yahay qorshe dagaal oo dib looga xoreynayo Gobolada Al-Shabaab.

 

"Dhaq dhaqaaqyada ka socda Gobolada dalka, waa qorshaha Dib u xoreynta dalka, waxayna ka socdaan Doolow, Yeed, Hiiraan iyo meelo ka mid ah Gobolada Dhexe"ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga.

 

Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeysanaya, waxaana wararku sheegayaan inay jiraan madaafiic xoog leh oo ku socota qeybaha magaalada, iyadoo si dhab ah loo heyn qasaaraha dagaalada geysanayo.

 

La soco Jowhar.com daqiiqad kasta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wararkii ugu dambeeyay Dagaalada iyo AMISOM oo ku sii siqaya Xarunta Guulwadayaasha

 

Dagaalo muddo saacado badan oo si xiriir ah uga soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jidka dheer ee Warshadaha, iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay gadaal marsadeen Xarumo muhiim ahaa oo ay kala wareegeen Shabaabka.

 

Inkastoo dagaalka iminka socda aanu sidaa u buurneyn sida dagaaladii saakay ka qarxay aaggaas, ayaa hadana wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay ku sii dhowaanayeen Xarumo dhowr ah oo ku yaala Jidka Warshadaha.

 

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi oo dagaalka Efandari ahaan uga qeyb qaadanaya ayaa la sheegayaa inay kaabiga ku hayaan Xaruntii Guulwadayaasha, kadib markii ay soo qabsadeen Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale iyo meelo kale.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay aaseen godod difaac u ahaa Shabaab, kuwaas oo ay ka faageen wadada dhexdeeda, waxaana gododkaas qaarkood ahaa kuwo si dhulka hoostiisa aad loogu qoday.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay sii qorsheynayaan inay sii qabsadaan saldhigyo hor leh oo ay doonayaan inay xoog kaga saaraan Xarakada Al-Shabaab, waxaana ka mid ah Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo Shabaabka saldhig u ah.

 

Qasaaraha dagaalka ayaa ah mid baaxad leh oo labada dhinacba uu gaaray dhimasho iyo dhaawac fara badan, hase ahaatee tira koob rasmi lama haayo, dagaalka oo socda awgiis.

 

Dowladda KMG ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo xustay inay gacanta u soo galeen Saldhigyo muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Kooxda Al-Shabaab.

 

Wadada Warshadaha ayaa maanta ah mid guud ahaan xiran, waxaana hareeyay dagaalada tooska ahaa ee sida fool ka foolka u dhex marayay labada dhinac ee saaka dagaalka iskula kalahay.

 

La soco daqiiqad kasta Jowhar.co wixii ku soo kordha.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalo hor leh oo ka bilowday Gobolada Hiiraan iyo Gedo

 

Dowladda KMG ayaa xaqiijisay in howl galo iyo dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ka bilowday Gobolada Dalka Soomaaliya, iyadoo saacado kadib dagaalo culus ay ka bilowdeen deegaano ka tirsan Gobolada Gedo iyo Hiiraan.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi ayaa sheegay in howl galada ka socda Muqdisho uu la xiriiro midka haatan ka bilowday Gobolada dalka, kaasoo uu magac daray qorshaha Dib u xoreynta Soomaaliya.

 

Sida ay wararku sheegayaan dagaalo ayaa goor dhoweyd ka bilowday degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay shalay u soo jiheysteen Ciidamo ka tirsan Dowladda oo ka soo dhaqaaqay Magaalada Doolow.

 

Dagaalka oo markii hore ka qarxay duleedka ayaa daqiiqado kadib ku soo fiday gudaha degmada, iyadoo xaalad walaac iyo jahwareer ay galeen dadka deegaanka, oo markii hore ka warqabay dhaq dhaqaaqyada iyo xiisada socday.

 

Sidoo kale dagaalo kale ayaa lagu soo waramayaa inay ka bilowdeen duleedka Magaalada Beledweyn, halkaas oo xalay dagaalada ka dhaceen, hase ahaatee dib mar kale u qarxeen.

 

Saraakiisha Dowladda ee Gobolada ay dagaalada ka furmeen ayaa sheegaya inay duulaano ballaaran kula wareegi doonaan Gobolada ay maamulaan Shabaab, si ay meesha uga saaraan.

 

Xukuumada Farmaajo ayaa kol hore shaaca ka qaaday in boqol maalmood ay kula wareegeyso dalka iyo Caasimada Muqdisho, iyadoo dagaaladan maanta bilowday ay yihiin kuwo qorsheysan oo ay Dowladda dooneyso inay kala wareegto Shabaab qeybaha ay maamulaan.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe

Share this post


Link to post
Share on other sites

WAR DEG DEG AH.

 

Ra'iisul wasaaraha Somallia Farmaajo uu shir Jaraa'id ku qabtay magalada Muqdisho aya kaga hadlay dagalada maanta ka soconaya dalka somalia

 

Mr Farmaajo ayaa shirkiisa Jaraa'id kaga hadlay qodobo badan goor dhow aya idin soo gudbinaynaa waxa uu ka hadlay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada midkood ha uharo oo waliba dowladda ha u harto ayaan oran lahaa ileen shacabku dhibkaan kuma sii jiri karaan.

 

Bahuuko waxuu yiri .. I Cannot Match their "Fadhi ku dirir", war ileen tanoo kale.. Af soomaaligii ayay bareen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

More bloodshed ,,, Allow sahal

 

Wax lagu kala baxayaa ma jirtee sidaasuun baa marba dhinac loogu yaaci. The tfg is trying to safe face and try do something in the last 6 months. The AS know this and will try to resist until the tfg term finishes .................. others who are against the tfg will try "secretly" to tackle the government's attempt to defeat AS ..... Hence it is back to square one.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah : Dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Amisom oo la-wareegay Xerada Guul Wadayaasha

 

Ciidamadda fara-badan oo ay dowladda kusoo daadisay Jidka Warshadaha ayaa waxay xoog kula wareegeen Xerada Guul Wadayaasha ee gobolka Banaadir, kadib dagaalo xoogan oo halkaasi ka dhacay.

 

Ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo Taangiyada ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa xoog kula wareegay Xerada Guul Wadayaasha ee gobolka Banaadir, kadib dagaalo qaraar oo halkaasi ka dhacay.

 

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamadda xoogga dalka Soomaaliyeed kusoo daadisay Jidka Warshadaha, waxayna iminka ay dowladda u muuqataa mid kala fur fureysa awoodda ciidamadda Xarakada Al Shabaab.

 

Ciidamadda Amisom gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi, ayaa gudaha u soo gallay Xerada Guul Wadayaasha, waxaana halkaasi lagu arkaayaa iyagoo Raadiyaha Gacanta ugu gudbinaaya Taliska ciidamadda Amisom ee Xalane.

 

Waxaa iminka Xerada Guul Wadayaasha ku sugan saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, waxaana la-filaayaa in saacadaha soo socda ay u soo bandhigaan Bahda warbaahinta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo sheegay inta badan Muqdisho ka saareen Shabaab

 

Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay dagaalada saaka ka qarxay Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay inay la wareegeen goobo fara badan oo ay kaga sugnaayeen Caasimada.

 

Ra'iisul Wasaaraha oo shir jaraa'id ku qabtay Xafiiskiisa ayaa cadeeyay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay sameeyeen horumar la taaban karo, isagoo xusay in aanay ka laaban doonin goobihii ay la wareegeen sida uu yiri.

 

"Muqdisho inta badan waxaa gacanta uga dhignay kooxaha nabad diidka, waxaan hada gacanta ku heynaa saldhigyadii muhiimsanaa, sida Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale, iyo Warshada Caanaha"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale tilmaamay in askariga Shabaab ee la dagaalamaya ee firxadkiisa u cararay dhinaca Balcad sida uu hadalka u dhigay.

 

Hadalka Ra'iisul Wasaaraha ayaa ku soo aadaya xilli dagaalo culus ay ka socdaan Caasimada Muqdisho iyo Gobolada dalka qaarkood, kaas oo horay ay u iclaamisay Dowladda KMG oo ay dooneyso inay kala wareegto Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

War deg deg ah : Dagaalo iminka ka soconaaya garoonka dayuradaha ee Baladweyne iyo Shabaab oo dagaalamaaya

 

Dagaalo xoogan ayaa waxay iminka ka qarxeen garoonka dayuuradaha Buurta Qowleed ee duleedka magaaladda Baladweyne, iyadoo uu u dhaxeeyo ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda maamulka Dooxada Shabeelle iyo ciidamadda Itoobiyaan ah oo si wadajir ah ula dagaalamaaya Xarakada Al Shabaab.

 

Dagaalada ayaa waxay xoogoodu ay ka soconayaan garoonka dayuuradaha ee Buurta Qowleed ee magaaladda Baladweyne, isla-markaana ciidamadda dowladda Itoobiya ayaa madaafiic xoogan la-dhacaaya buuraha waaweyn ee ku hareereysan magaaladda Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

 

Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo aagag culus kaga jira buuraha dhaadheer ee hareereysan magaaladda Baladweyne ayaa madaafiic oodda uga qaadaaya ciidamada dowladda Soomaaliya, ciidamadda maamulka Dooxada Shabelle iyo ka socda dowladda Itoobiya.

 

Weerarada ay maanta yihiin dhinacyda duulaanka ah ayaa wuxuu saameyn balaaran uu ku yeeshay dhaq dhaqaaqa magaaladda Baladweyne, isla-markaana Xarakada Al Shabaab ayaa shacabka ugu baaqday in’ay difaacdaan Diintooda, Sharaftooda iyo hantiiduba.

 

Dagaalada qaraar ee maanta ka ka soconaaya garoonka dayuuradah Buurta Qowleed ee magaaladda Baladweyne ayaa waxaa si weyn looga maqlayaa gudaha magaaladda Baladweyne, iyadoo ay shacabka xir xiranayaan buursooyinkooda.

 

Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dowladda Somaliya “Waxaan saacadaha soo socda la-wareegi doonaa gobolada Gedo, Bakool, Banaadir iyo Hiiraan”

 

Dowladda Soomaaliya ayaa *****lka ka qaaday in gobolada dalka Soomaaliya ay ka sameysay hawl-gallo looga soo horjeedo Xarakada Al Shabaab, iyadoo sheegtay in saacadaha soo socda ay qabsan doonto gobolo badan.

 

Xukuumadda Somaliya ayaa *****lka ka qaaday in gobolada dalka Soomaaliya ay ka sameysay weeraro qorsheysan oo ay uga soo horjeedo maamulka Xarakada Al Shabaab oo ka taliya inta badan dalka Soomaaliya, balse waxay dowladdu sheegtay in saacadaha soo socda ay kala wareegi doonto.

 

Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi oo warbaahinta la-hadlay ayaa sheegay in dowladda saacadaha socda ay qabsan doonto gobolada Gedo, Bakool, Banaadir iyo Hiiraan.

 

“Waxaan saacadaha soo socda la-wareegi doonaa gobolada Gedo, Bakool, Banaadir iyo Hiiraan waxaana goobahaasi ka hirglin doonaa maamulka xukuumadda Soomaaliya” ayuu yiri Raa’isal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Gaanshaandhiga ee dowladda Soomaaliya Cabdi Kariin Xaaji Maxamuud Fiqi.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa ka dhawaajiyay in xukuumadda Soomaaliya uu qorshaheedu yahay, sidii ay cagta ku marin laheyd Xarakada Al Shabaab, oo uu sheegay inay dhibaato ba’an ay ku heyso shacabka Soomaaliyeed.

 

Qorshaha ay xukuumadda Soomaaliya ay ka wado gobolada ay maanta dagaaladu ka holcayaan ayaa waxaad mooddaa in’ay dowaldda Soomaaliya ku qabsaneyso goobo hor leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this