Sign in to follow this  
wyre

Ma Dhabaa Iney Kulmeen Horjoogayaasha Shababka?

Recommended Posts

wyre   

Dagaalo muddo saacado badan oo si xiriir ah uga soconaya qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan Jidka dheer ee Warshadaha, iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay gadaal marsadeen Xarumo muhiim ahaa oo ay kala wareegeen Shabaabka.

 

Inkastoo dagaalka iminka socda aanu sidaa u buurneyn sida dagaaladii saakay ka qarxay aaggaas, ayaa hadana wararka la helayo ay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay ku sii dhowaanayeen Xarumo dhowr ah oo ku yaala Jidka Warshadaha.

 

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Brundi oo dagaalka Efandari ahaan uga qeyb qaadanaya ayaa la sheegayaa inay kaabiga ku hayaan Xaruntii Guulwadayaasha, kadib markii ay soo qabsadeen Wasaaradii Gaashaandhiga, Shiirkole Ofishaale iyo meelo kale.

 

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay aaseen godod difaac u ahaa Shabaab, kuwaas oo ay ka faageen wadada dhexdeeda, waxaana gododkaas qaarkood ahaa kuwo si dhulka hoostiisa aad loogu qoday.

 

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada AMISOM ay sii qorsheynayaan inay sii qabsadaan saldhigyo hor leh oo ay doonayaan inay xoog kaga saaraan Xarakada Al-Shabaab, waxaana ka mid ah Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo Shabaabka saldhig u ah.

 

Qasaaraha dagaalka ayaa ah mid baaxad leh oo labada dhinacba uu gaaray dhimasho iyo dhaawac fara badan, hase ahaatee tira koob rasmi lama haayo, dagaalka oo socda awgiis.

 

Dowladda KMG ayaa guulo ka sheegatay dagaalka, iyadoo xustay inay gacanta u soo galeen Saldhigyo muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen Kooxda Al-Shabaab.

 

Wadada Warshadaha ayaa maanta ah mid guud ahaan xiran, waxaana hareeyay dagaalada tooska ahaa ee sida fool ka foolka u dhex marayay labada dhinac ee saaka dagaalka iskula kalahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this