Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Banaanbax balaaran oo looga so horjeedo xiritaanka Maxamed dheere oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa saakay isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, kuwaasi oo dalbanayay in la sii daayo hoggaamiyaha siyaasadeed ee ugu firfircoon beesha Muddulood, iyagoo dibadbaxayaasha socod dheer ku soo maray qaar ka mid ah degaanada ay dowladdu maamusho.

 

Dadweynaha dibadbaxayaalka ah ayaa sheegay in Maxamed Dheere uu yahay hoggaamiyaha kaliya ee gargaarka u fidin jiray, gaar ahaan marka ay degaanadooda ka dhacaan dhibaatooyinka dabiiciga ah, isagoo u samafalayay qoysaska barakacayaasha ah ee degan degmooyinka Shangaani iyo X/Weyne, waxayna ka dalbadeen dowladda KMG ah iyo ciidamada AMISOM inay xoriyadiisa dib u soo celiyaan.

 

Sidoo kale bannaanbaxayaasha ayaa dalbaday in dowladda KMG ah wax ka qabato xaaladda ammaanka goobaha ay maamusho, iyagoo ku dhaliilay sida ay uga gaabisay gurmadka dadka dhibaateysan ee guryahooda uga soo barakacay nabadgelyo la'aanta.

Maxamed Cumar Xabeeb (M/Dheere) oo ah hoggaamiyaha siyaasadeed ee beesha Muddulood ugu cadcad oo dhowaan ciidamada AMISOM ay ka kaxeysteen gurigiisa, waxay bannaanbaxayaasha Muqdisho sheegeen inuusan heysan wax hub ah, isla markaana uu wixii hub iyo saanad milateri ee uu lahaa uu wareejiyay saddex sano kahor.

 

Dhinaca kale bannaanbaxaasi oo u muuqda inuu yahay mid ay soo abaabuleen dadweynaha Muqdisho, ayaa waxa uu yahay midkii ugu weynaa ee loo sameeyo hoggaamiye sumcad ku leh dadkiisa iyo dalkiisa, waxayna ka hadleen qaabka xarigiisa inuusan ahayn mid sharciga waafaqsan, waayo bay yiraahdeen arrintaasi waxay u muuqataa mid lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyayaasha siyaasiyiinta beesha Muddulood ayna ka dambeeyaan shaqsiyaad dibad joog ahaa oo haba yaraatee aan waxba kala socon xaaladda dalka kana tirsan Dowladda KMG ah.

 

"Ciidamada AMISOM Maandheydkooda ma ahan inay xarig siyaasadeed ka sameeyaan dalka, waa inay sii daayaan hoggaamiye Maxamed Dheere" ayay tiri haweeney ka mid ah dibad baxayaasha Muqdisho oo sheegtay in haddii Maxamed Dheere lagu tuhmayo dembi loo yeero kaliya balse ma aha in AMISOM Kaarayaal ku soo weerarto gurigiisa, ayay tiri haweeneydaasi oo sheegtay in Muqdisho dembiyada ka dhaca ay fara badan ayna ugu dambeysay dhacdadii 20-ka ruux ku dhimatay ee ay ka dambeeyeen ciidamada Dowladda "Maxaa taas wax looga qaban waayay?" ayay isweydiisay haweeneydaasi.

 

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_11.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_2.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_3.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_4.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_5.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_6.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_7.JPG

 

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_10.JPG

 

Taageero_Maxamed_Dheere_Banaanbax_9.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

loool@bannaanbax ballaaran oo ay ka qayb galeen! Aaway kumayaalku? Cantoobo haween iyo carruur ah ayaan u jeedaa! Ma dafirayo in dad badan oo ka xun xarigga Maxamed Dheere ay jiraan qaab qabiil, balse dadka yaan la marin habaabin isagana ma aaminsani in xuquuqdiisa Soomaalinnimo iyo muslinnimoba la duudsiiyo balse waxaan aaminsanahay in haddii ay ku caddahay dembigiisa lagu qaado. Waxaanan jeclaan lahaa inaysan arrintaan Maxamed Dheere ku koobnaan oo dadka dhan sharcigu wada qabto!

 

Dowladdu needs to shut Salaad Jeelle who I beleive is provoking and creating tensions in la xiro isagana amase uu ka waantoobo hadallada maalayacniga ah ee uu idaacadaha la taagan yahay.

Who is he to say Maxamed Dheere halla toogto? Ma judge baa?

 

loool...Hoggaamiye siyaasadeed xaal ha qaato!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Soomaali waa taas....Intaan hebel la xirin hebelna in lala xiro ma aaminsan tahay. who cares even if Qaybdiid iyo wixii dembi geystey in la xiro haddiiba ay suurtogal tahay? Did you expect inaan sida dadka qaarkiis leeyahay hebel waa mujaahid ee halla daayo?....Moonlight now maadaama aan dhahay Qaybdiid halla xiro Salaad Cali Jeelle in La xiro ma ogoshahayna...Illeen Soomaali waxaa Wareeriyey hebel illaa la xiro hebelna la xiri maayee....?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this