Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Axmed Daaci '' TARSAN WUXUU KU GUUL DARAYSTAY INUU SUGO AMAANKA DAD BANANBAX DHIGAYAY''

Recommended Posts

Maamulka sare ee gobolka banaadir ayaa lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibkii kaga aadanaa in ay ilaaliyaan amaanka dadweynaha muqdisho kadib markii dad mudaaharaad dhigayay todobaadkaan lala beegsaday rasaas ay fureen ciidamo ka tirsan dowladda kmg ah soomaaliya halkaaas oo qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka dhacday.

 

Gudoomiyaha maamulka degmadda wadajir ee magaalada muqdisho Axmed Xassan Adow AXMED DAACI oo u waramayay V O A-da ayaa sheegay in mas’uuliyad darro ku tahay maamulka gobolka banaadir in ay goob isugu geeyaan dadweyna rayid ah isla markaana aysan sugin amaanka dadkaas.

 

 

 

Sidoo kale guddoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci waxaa uu sheegay in Abaabulka Dadka banaanbaxayay ay ahayd mid siyaasaded mana jirin qorshe ay isku ogaayeen maamulka gobolka Banaadir oo ay ka wada hadleen.isagoo sheegay inuusan ka warqabin in Gobolka Banaadir uu dhigayo bananabaxaas.

 

 

 

“aniga waxaa ahay Gudoomiyaha degmada Wajir kamana war qabin banaanbaxaas oo leeguma soo wargalinin ayuu yiri Axmed Daaci.

 

 

 

Axmed Daaci waxaa kalooo ka hadlay falkii lagu rasaaseyay dadweynaha cida ay ahayd in loo soo xero,balse wuxuu sheegay in ay falkaas geysteen Maleeshiyaad.

 

 

 

Laakin gudoomiyaha degmada Wadajir Axmed Daaci waxuu sheegay in dowladda aysan lahayn awood ay kusoo qabato Maxamed DHeere,cidda soo qabatay inay tahay Taliska AMisom oo si nabad ah gacanta ugu heyso.

 

 

 

Eedeeyntaan loo soo jeediyay maamulka gobolka Banaadir ayaa duqa magalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan uusan ka jawaabin eedeymahaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

Tarzan qofkii guul ka sugayey ayaanba wax badan la socon. The guy is a manipulative looser, one of the cheat-lords ku qaraabta magacyada community-yaasha; oo marba kaar ciyaaraya kuna hamminaya inuu mar Soomaaliya madax ka noqdo!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this