Sign in to follow this  
gooni

Qaar kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee England oo taageertay goaankii Puntland ee dib u eegista c

Recommended Posts

gooni   

Iyadoo Wasiirka Tastuurka,Arimaha Federaalka & Dimoqraadiyeynta Puntland Dr.Cabdi Xassan Jimcaale uu dhawaan ku dhawaaqay in Puntland ay codsanayso islamarkaasna dooneysa in dib u eegis lagu sameeyo caasimada soomaaliya oo ay iminka Muqdisho ku magacaabantahay taas oo uu ku sheegey in ay 20 sano burbur xoogleh la kulmaysay islamarkaasna ay ku haboontahay in dib loo eego, ayaa waxaa soo baxayo fikrado & Oraahyo kaladuwan oo laga muujiyey hadalka dawlada Puntland.

 

Qaar kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska gaar ahaaana magaalada London ee caasimada dalkaas ayaa kulan balaaran oo ay ku qaateen London waxay ku taageereen islamarkaasna kusoo dhaweeyeen hadalka dawlada Puntland ee ku saabsan in caasimada Soomaaliya Muqdisho laga badalo islamarkaasna la isugu yimaado kulan ku saabsan doorashada Magaalada Soomaaliya caasimada u noqonaysa.

 

Cabdiqafaar Maxamed Guure oo kamid ah Qurbajoogta Soomaaliyeed ee kulanka qaadatay ayaa shirka kadib warbaahinta u macneeyey ujeedada shirkooda oo uu sheegey inay ku taageereen goaanka Puntland, wuxuuna sheegey in Muqdisho ay iminka tahay meel ay colaad badani la degtay islamarkaasna ay beel qura degentahay burbur xooglehna uu ka jiro, sidaas darteedna aysan u qalmin inay sii ahaato caasimada dalka Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this