Sign in to follow this  
Herer

...Dunida intaa leeg Majiro Meelna sharci kagama Taalo Nin Buka oo la Yidhaahdo Talo noo Hay.. G

Recommended Posts

Herer   

‘..Madaxweynuhu Ma Caafimaad Qabo Mana Talin Karo..'

 

"...Dunida intaa leeg Majiro Meelna sharci kagama Taalo Nin Buka oo la Yidhaahdo Talo noo Hay.."

 

Guddoomiyaha siyaasada ee UDUB Muj Yuusuf Talaabo

 

Hargeysa(Yool)-Guddoomiyaha siyaasada Xisbiga mucaaridka ee UDUB Md. Yuusuf Ciise Du'caale (Talaabo), ayaa ku tilmaamay xaalada Caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo mid aan caadi ahayn, sidaa darteed-na Madaxweynuhu aanu hadda lahayn awood uu dalka taladiisa ku maamulo.

 

Md. Talaabo oo hadalkan ka sheegay Shir-jaraa'id oo isaga iyo Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbigu Md. Cabdixaliim Maxamed Muuse Shalay ku qabteen xarunta dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxa kaloo uu beesha caalamka ka dalbaday in baadhitaan Caafimaad lagu sameeyo Madaxweynaha si loo ogaado xaladiisa dhabta ah.

 

Sidoo kale, waxa Md. Talaabo uu sheegay in Xukuumada Siilaanyo ay si cad u marin habaabisay shacabkii oo ay bilowday qorshayaal lagu burburinayo qaranka, isla markaasna ay ku guuldaraystay dhamaanba ballanqaadayadii ay samaysay.

 

Guddoomiyaha siyaasadda ee Xisbiga UDUB Yuusuf Ciise Talaabo, ayaa sheegay in meesha ay ka baxday kalsoonidii ay dadku ku qabeen dawlada, ka dib markii ay soo ifbaxeen calaamado muujiyeen barnaamijyo dhagaraysan oo ay ku hawlan tahay Xukuumada talada haysa, waxa uu yidhi: "...Waxa maanta jira waxyaabo badan oo aan anaga qarsoonayn waxa socda hawlo qaranimadeenii baabiinaya oo waxa muuqda shirar soconaya oo la doonayo in dib loogu mideeyo Soomaaliya, dawladeenu waxa ay qayb ka tahay arrimahaas oo niman Soomaaliweyn ah ayaa jooga oo Wasiirkii Arrimaha dibada waxa uu maanta u duulay London si uu ug qayb galo shir loo qabanayo qolaada Koonfurtaa oo la yidhi waa idin ku heshaysiinaynaa, waxa kale taa ka sii daran Odayga (Madaxweynaha) barigii dhowayd ee uu tegay Jabuuti waxa lagu soo siiyey Afartan Milyan qaado oo baabii Xisbiyada dalka markaad hawshaas fuliso waxa lagu siin doonaa Afartan kale oo waxa lagaaga baahan yahay in aad meesha ka dhigtaa cidla aad kaligaa ka talisaa, nasiib darose maanta Madaxweynuhu ma Caafimaad qabo mana talin karo ee waxa aanu aduunka ka codsanaynaa in la baadho Caafimaadkiisa oo dunida intaa leeg majiro meelna sharci kagama taalo nin buka oo la yidhaahdo talo noo hay..."

 

Waxa kaloo, isna halkaas ka hadlay Ku-simaha Xoghaya Guud ee Xisbigaa Md Cabdixaliim Maxamed Muuse, waxa uu sheegay in Xukuumadu ku guudaraysatay dhammaan ballan qaadyadii ay u samaysay dadkii doortay, isla markaasna ay ugu abaal guday xadhig, caga juglayn iyo shaqo ka eryid, waxa yidhi: ".. Anagu waxa aanu ku wareejinay dal ay xuduudihiisa la wada gaadhay, laakiin waxa dhacday in dhulki Galbeed la wada qabsaday oo ay soo galeen saddex boqol oo askari oo aan la ogayn waxa ay dalka ka samaynayeen, shaqaalihii dawalad ee ay meesha ugu yimaadeem waxa lagu badelay qaar kale ee maaha shaqaale nidaamin sida ay dawladu ku doodayso.."

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this