Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Fuad Shongole ''Hala joojiyo Gaaleeysiinta iyo dadka oo dhiigooda la baneeysanaayo''

Recommended Posts

Fu'aad Shongole ka digay sabab la'aan in qofka Murtad lagu xukmiyo dhiigiisana lagu baneysto

Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Fu'aad Shongole) ayaa markii u horeysay Khudbad ka duwan khudbadihii adkaa ee uu horay uga jeedin jiray meelaha fagaaraha ee ay dadka isugu yimaadaan jeediyay isagoo si layaab leh u badalay mowqifkiis.

 

Fu'aad Shongole oo ah nin ad adag, hadaladiisana ay kulul yihiin ayaa Khudbad lidi ku ah kuwiisa hore jeediyay, isagoo ka digay in si fudud dadka lagu gaaleysiiyo, deetana dhiigiisa la baneysto.

 

"Carabkiina ka ilaaliya inaad qof Murtad dhahdaan, sabab la'aan hebel waa gaaloobay, oo aad dhiigiisa ku baneysataan dhalinyaroy"ayuu yiri Fu'aad Shongole oo u muuqday nin mowqifkiisa wax iska badaleen.

 

Mr Shongole oo u qaabilsan Shabaab dhinaca dacwada iyo soo saarista Fatwooyinka ayaa warar soo baxaya sheegayaan in xilkaas laga qaaday, kadib markii uu dhamaadkii sanadkii hore lahjad kulul ku weeraray Amiirka Al-Shabaab.

 

"Qof hadii Gaalnimo uu ku tuuro qof kale isagoo mu'min ah ogaada taas waa ku soo laabaneysaa, Gaalnimaa nin hebel ku arkay, muxuu u aaday meelahaas ma ahan wax lagu deg dego, dhiigiisana lagu baneysto"ayuu sii raaciyay Fu'aad Shongole oo ugala jeeday dadka taga xarumaha Dowladda ee aan ka tirsaneyn in isagoo aan la ogeyn wuxuu u aaday in la dilo, taasoo marar badan ay u dhacday dilalkaas gardarada ah.

 

Mar Fu'aad uu soo hadal qaaday Xukuumadihii dalka soo maray ee kala ahaa Maxamed Siyaad Barre, Gen. Caydiid, Cali Mahdi, C/llaahi Yuusuf inay ahaayeen Xukuumado aan marna ogoleyn Shareecada islaamka, hase ahaatee Xukuumadan Shariif ay qaadatay shareecada Islaamka, balse ma uusan sii faah faahin sababtiisa.

 

"Waligeen Jabhad miyaa ahaaneynaa, waxaan marqaati ka ahan in qaladaad badan inuu jiro"ayuu si kooban u yiri Fu'aad Shongole oo hadalkiisa u muuqday mid calaamad su'aal ahaa.

 

Khudbadaha kulul ee uu jeedinayo Fu'aad Shongole ayaa muujinaya sida mowqifkiisa uga soo dabcay, sidii hore, iyadoo Fu'aad horay goobaha fagaaraha uga hadli jiray hadalo uu ku weerari jiray Xubnaha Dowladda, isla markaana ku tar tarsiinayay in lala dagaalo.

 

Fawto uu sanadkii 2007-dii soo saaray Fu'aad Shongole ayaa waxaa uu ku gaaleeysiiyay Xubanaha Dowladda, sida Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Baarlamaanka in aragti lagu dilo, xaasaskoodana ay ka furan yihiin, sidoo kale waxaa uu dil ku xukumay dadka baabuurta u wata, kuwa biyaha u dhaamiya iyo dadka taageeraya, khudbadaas oo muuqaal Video laga haayo.

 

"Dhamaan inta biyaha u dhaamisa, baabuurka u wada, kuli waa Murtad, Madaxweynaha waa murtad, Ra'iisul Wasaaraha waa murtad, Baarlamaanka waa Murtad, waa inaad aragti ku dishaan, diinka ilaahey waa ka baxeen"ayaa ka mid aheyd Khudbadii Fu'aad ka jeedin jiray Masaajidada.

 

Ma cada waxa xilligan ku soo beegay in Fu'aad Shongole uu wax ka badalo mowqifkiisa hore, waxaana ay ku soo aadeysa xilli Shabaab ay qorsheynayaan inay bilaha soo socda ku dhawaaqaan Dowlad Islaami.

 

 

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fu'aad Shongole" ma banaana isqarxinta, dilka iyo gaaleysiinta dadka

 

 

Fu’aad Shongole oo dhawaan ku biiray garabka qunyar socodka ah ee Shabaab ee ka soo horjeestay garabka uu hogaamiyoAxmed Godane ayaa markii ugu horeeysay dhaliilay in qof Muslim ah uu isqarxiyo.

 

Fu’aad Shongole oo ka mid ah horjoogayaasha Shabaab isla markaana hore looga bartay gaaleeysiinta dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah een aaminsaneyn afkaartooda xagjirnimada ah ayaa Maleeshiyaadka Shabaab u sheegay in aaneey banaaneyn isqarxinta.

 

“Waxaan idinkaga digayaa in dadka la gaaleeysiiyo laguna degdego dilkooda, iyadoo lagu eedeeynayo qofka la dilayo inuu tagey meelo ay Dowladu joogto, ama Jaajiisnimo, Wallaahi taasi maalinta qiyaamo qiil idiinma noqoneyso ee halaga fiirsado dilalka gumaadka ah eed u geysaneysan Shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah” ayuu si caro ka muuqato u yiri Fu’aad Shongolo.

 

Sidoo kale Fu’aad Shingole ayaa isweydiiyay waxa ay doonayaan Soomaalida, mar hadii ay diideen Dowladihii dalka isaga danbeyay, haatana ay ka soo horjeedaan Dowladan oo qaadatay Shareecada Islaamka.

 

Waxa uu ku dhaliilay Shabaab in ay doonayaan in ay isaga jiraan Jabhadnimo, taasina ma aha wax la qaadabkaro ayuu ku celceliyay, isagoo xusay inaanuu jirin Nidaam la qaato oo ka wanaagsan kan ay qaadatay Dowlada Shariif oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

Hadalka Fu’aad Shomgole ayaa ka soo horjeeda aragtidiisii hore ee uu ku xalaaleyn jiray dhiiga Muslimiinta, isla markaana uu ku xukmiyay in dadka ka soo horjeeda Fikradooda ay riddo yihiin naagahoodana la guursan karo.

 

Horjoogaha Shabaab ugu sareeya Aadan Godane ayaa hoos u dhigay xilkii Fu’aad uu ka hayay Maleeshiyaadka Shabaab, taas ayaana loo arkaa in ay kentay hadalada dabacsan een hore looga baran horjooge Shongole, waxa uuna ka mid noqday garabka qunyarsocodka ah ee Shabaab.

 

 

Radiomuqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fu’aad Shongole oo dhaliilay Xarakada Al Shabaab, taageerayna dowlada madaxweyne Shariif

 

Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab oo maanta laga maqlaayay warbaahinta magaaladda Muqdisho ayaa si weyn u dhaliilay maamulka Xarakada Al Shabaab ee uu Amiirka ka yahay Axmed Godane, ammaan balaarana u jeediyay dowladda madaxweyne Shariif Sheekh Axmed.

 

Fu’aad Shongolle oo horey looga bartay xukunada deg deg ah iyo in ruux Muslim ah uu ugu yeero “Riddo, Murtad iyo dhiigiisu waa banaan yahay, ayaa waxaa maanta kasoo yeertay hadalado cajiib ah.

 

Wuxuu uga digay dagaal-yahanada Xarakada Al Shabaab in’ay ku deg degaan in ruux Muslim ah loogu yeero diinta buu ka baxa, waa uu gaaloobay iyo dhiigiisu waa uu banaan yahay, isla-markaana wuxuu xusay in maalinta Aakhiro loo-qabsan doono, haddii uu ku kaco qaladaadkaasi.

 

Wuxuu kaloo uu sheegay in Xarakada Al Shabaab looga baahan yahay in’aysan weligeed Jabhad ahaan oo ay la-imaado siyaad fur furan oo ay wax ugu qaban karto ummada Soomaaliyeed oo dhex dabaalaneysa dhibaatooyin aan dhamaad laheyn.

 

Sidoo kale Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ku dhaliilay in’ay sii wado dagaaladda aan dhamaadka laheyn ee ka soconaaya caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho, isagoo ka digay in lasii daadiyo dhiigga dadka Muslimiinta ah ee ku nool magaaladda Muqdisho.

 

Dhanka kale Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf “Fu’aad Shongolle” ayaa khubadiisa kusoo hadal-qaaday dowladihii Aadan Cadde, C/Rashiid Cali Sharmarke, Maxamed Siyaad Barre, C/Qaasim, C/Laahi Yuusuf iyo tan madaxweyne Shariif, isla-markaana wuxuu sheegay in dowladda madaxweyne Shariif ay tahay dowladda kaliya ee ugu wanaagsan, maxaa yeelay buu yiri waa dowladda kaliya ee qaadatay Shareecada Islaamka.

 

Wuxuu sheegay in dowladda madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ay tahay dowladda wanaagsan oo ogol buu yiri in’ay ku shaqeyso Shareecada Islaamka, isagoo si maldahan u sheegay in loo-baahan yahay in dadka ka tirsan dowladaasi aan loogu yeerin Murtad, Rido iyo dhiigiiso waa uu banaan yahay.

 

Hadalkaan maanta kasoo yeeray Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf Khalaf “Fu’aad Shongolle” ayaa wuxuu noqday hadal ay si weyn ula yaabaan shacabka ku dhaqan caasimadda, isla-markaana waxay wax iska weydiiyeen sida uu isu badalay Sheekha.

 

Dhacdo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

He is useful if he is against them! marka ha is dhiibo intaan la qarxin. Been ama run waa loo tashanooyaa koley (indhashareer camp).

Share this post


Link to post
Share on other sites

oba hiloowlow;690196 wrote:
LOL awalba kan xaa laga dheefaye

it is mentality like that - that get people - going around in circles - looking for the way out.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jacaylbaro;690201 wrote:
Imisuu laayay horta ?? or imikaa u dhintay coz of his previous fatwa ??? ,,,,,,, ha la xukumo qudhunka

yep and lets forgive Gadone the minute he says somaliland and gooni in the same sentence

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Jacaylbaro;690201 wrote:
Imisuu laayay horta ?? or imikaa u dhintay coz of his previous fatwa ??? ,,,,,,, ha la xukumo qudhunka

Riyaale madexweyne soo maad ka dhigan?

 

This dude is useful in many ways, duh!. I say keep him hadduu ka tawbad keeno.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this