Sign in to follow this  
Qodax Qorax

Dawlada Koonfurta Sudan Oo Sheegtay Inay Lagama Maarmaan Tahay In Somaliland La Aqoonsado

Recommended Posts

Written by Saxafi Editor

Friday, 14 January 2011

 

http://saxafinews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=797&Itemid=1

 

Jubba, Koonfurta Sudan, January 12, 2011 (Saxafi) Wasiirka Warfaafinta dawladda Koonfurta Sudan ayaa sheegay in ay Somaliland dunida waxyaabo badan ku soo kordhisay, isla markaana ay tahay in beesha caalamku aqoonsato.

 

“Somaliland aad ayaanu xaaladeeda ula soconaa oo aanu u garanaynaa, hadda oo keli ahna maaha, balse waxaanu is-garanaynaa ilaa xilligii ay halganka ugu jireen, maantana dunida wax badan ayay ku soo kordhiyeen, waxaanay sameeyeen horumar la taaban karo, waxay samaysteen dawladooda oo shaqaynaysa, isla markaana wax kasta oo qaran lahaa wey leeyihiin, run ahaantiina waxaanu rumaysanahay in aanay jirin sabab aqoonsi loogu diidaa, balse annagu (South Sudan) waanu garanaynaa, balse adiga (weriyaha su'aasha weydiiyay) ayaa lagaa rabaa inaad barato” ayuu yidhi, Wasiirka Warfaafinta dawladda Koonfurta Sudan oo u waramayay Wargeyska Saxafi 08/01/2011.

 

Wasiirka Warfaafinta ee Koonfurta Sudan waxa kale oo uu sheegay in ay aad ula socdaan waxyaabaha ka socda Somaliland, isla markaana ay u qalanto in beesha caalamku aqoonsado “Annagu dawlad ahaan waxaanu rumaysanahay in beesha caalamku siiso aqoonsiga ay Somaliland u qalanto, waxbana ka hagran mayno annagu wax walba diyaar ayaanu ula nahay Somaliland” ayuu hadalkiisa raaciyay.

 

Sidoo kale Wasiirka Xidhiidhka Gobolka ee Koonfurta Sudan, ayaa isaguna sheegay inay dawlad ahaan doonayeen ka hor intii aanay aftidu dalkaasi ka qabsoomin inay casuumad u fidiyaan madaxweynaha Somaliland, balse culayska ay leedahay hawlaha aftida ay qaadayaan awgeed aanay taasi suurto gelin. “Waanu la soconaa xaaladda Somaliland, si weyna waanu uga war haynaa, waxaananu doonaynay in aanu casuumad u fidino madaxweynaha Somaliland, balse suurto gal may noqonin, culayska hawlaha aftida ah ee aanu qaadanayno awgeed. Laakiin xilliga natiijadda lagu dhawaaqayo lafteeda waanu ku casuumaynaa” ayuu yidhi, Wasiirka Xidhiidhka Gobolka ee Koonfurta Sudan oo u waramayay weriyaal tiro badan oo ka socday Somaliland ka dib markii Muha Daahir Faarax Jire oo ah Gudoomiyaha ururka ay leeyihiin saxaafadda Qaaradda Afrika balan uga soo qaaday.

 

Wasiirku waxa uu weriyayaasha u sheegay in madaxweynaha Somaliland ay dawlad ahaan casuumad rasmi u soo diri doonaan xilliga natiijadda lagu dhawaaqayo.

 

“Waxa aanu doonaynay in aanu wefti ka socda Koonfurta Sudan u dirno Somaliland, balse suurto gal may noqonin, haddase waxaanu isku dayi doonaa in aanu xafiis ka furano Somaliland, isla markaana aanu xidhiidhkayaga xoojino” ayuu yidhi Wasiirku.

 

Dawladda Koonfurta Sudan dhammaan madaxdeedu ilaa askartu way wada garanayaan Somaliland, ka soo bilaw askariga ilaa iyo madaxda dawladda ugu saraysa way wada yaqaan Somaliland.

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Debada Somaliland ayaa isagu haatan ku sugan magaalada Jubba ee xarunta u ah dawladda Koonfurta Sudan. “Koonfurta Sudan waa dal ay Somaliland waxyaabo badan wadaagaan, isla markaana ay wax badan ay iska metelaan Somaliland, hogaamiyihii hore ee Koonfurta Sudan John Grang-na waxa uu ahaa nin wax badan dadkiisa u soo halgamay, iyada oo ay aan la odhan karin Koonfurta Sudan oo keli ah uma soo halgamin, laakiin wuxuu ahaa geesi cid waliba aqoonsantahay”.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this