Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Galkayo Development News: Gravel Road, Bridge and Sports Stadium Rehabilitated. PICS

Recommended Posts

Cawil Maxamuud Cabdi

 

RBC Radio, Gaalkacyo

 

Cawil@raxanreeb.com

 

Gaalkacyo (RBC Radio):- Duqa Degmada Gaalkacyo Mudana C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay mashaariicda horumarinta degmada Gaalkacyo ee ay taageerayso Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP.

 

Mashaariicda horumarinta degmada Gaalkacyo ayaa ah laba mashruuc oo lagu dhisayo wado dheer oo saddex km ah, taasi oo si toos ah u gasha Garoonka Diyaaradaha magaalada Gaalkacyo iyo sidoo kale dayactir balaaran oo lagu sameynayo Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo.

 

 

Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud oo dhagax dhigayey mashaariicdaasi ayaa RBC Radio u sheegay in mashaariicdani ay yihiin kuwa horumarinta degmooyinka ee ay taageerto Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca horumarinta ee UNDP.

 

 

Mudane C/raxmaan waxaa uu hadalkiisa ku daray in wadada Garoonka diyaaradaha gasha oo 3km ah la dhisayo, qandaraaska dhismaha wadadaasina ay qaadatay shirkada John Consturction Company, iyadoo dhinaca biyo dageenka Cirjiife uu Gudoomiyuhu sheegay in la marin doono buundo yar oo dhirir ahaan gaareysa 10m, balac ahaana gaareysa 6m, si biyaha galaya Cirjiife ay hoos uga maraan jidka loo dhisayo in uu galo Garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo.

 

 

Duqa Gaalkacyo oo dhagaxdhigay wadada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo oo ladhisayo

 

Dhinaca kale Duqa Gaalkacyo waxaa uu dhagax dhigay mashruuca lagu dhisayo Garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium Gaalkacyo, waxaana qandaraaska lagu dhisayo garoonka qaatey shirkada Muumin Construction Company oo maantaba bilowday shaqada Garoonka, iyadoo shaqaalaha shirkadaasi ay guda galeen in dhagxaanta ay ka bixiyaan gudaha garoonka gaar ahaan halka ciyaartooydu kubada ku ciyaarto.

 

 

Garoonka kubada cagta Gaalkacyo oo dayactir ku bilowday

 

Garoonka kubada cagta Gaalkacyo oo mudooyinkan dambe aan helin wax dayactir ah ayaa haatan dib u dayactir balaaran lagu sameynayaa, waxaana la dhisayaa derbiyada garoonka oo uu burbur ka muuqdo, ganjeelooyinka oo dayacan iyo halka lagu ciyaaro oo dhagaxda laga soo bixinayo.

 

 

Wadada Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo lagu bilaabay dhisme

 

Duqa Degmada Gaalkacyo C/raxmaan Maxamuud ayaa sheegay in mashaariicdani ay xigi doonaan kuwa kale oo bulshada looga faa’ideynayo, isagoo intaa ku daray in loo baahan yahay in Jaaliyada dibada ee gobolka Mudug iyo ganacsatadaba ay soo taageeraan mashaariicdani, maadaama sida Gudoomiyuhu sheegay in wadada aada Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo waxa laga dhisayo uusan ahayn laami haddana haddii ay gacan ka geystaan shacabka Gaalkacyo iyo Jaaliyada Dibada ay suurtagal noqon karto in laami laga dhiso.

 

 

Mas'uuliyiinta degmada oo goobjoog ka ah dhismaha wadada garoonka diyaaradaha

 

Labadan mashruuc ayaa dhaqaalaha ku baxaya waxaa uu yahay lacag konton kun kor u dhaafeysa oo ku baxaysa wadada aada Garoonka diyaaradaha Gaalkacyo iyo sidoo kale lacag sodon iyo dhowr kun ah oo lagu bixinayo dib u dayactirka garoonka kubada cagta ee Cawaale Stadium.

 

 

RBC Radio.

 

116-300x210.jpg

 

210.jpg

 

39.jpg

 

57.jpg

 

74.jpg

 

84.jpg

 

93.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkayo has different local mamuls or counties. If you go to minneapolis they have different counties and councils and so forth yet its still one city under the state government of minnesota. This is how galkayo is

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abdi, twin cities are two cities under the same State. Galkacyo is one city with two diffrent clan authorities. Only North Galkacyo is under the control of Puntland. South Mudug and South Galkacyo do not fall under Puntland State.

 

So comparing Galkacyo to Minneapolis and Saint Paul is a joke.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this