Sign in to follow this  
Humming bird

awoodaha aynu dayacnay

Recommended Posts

Nur   

An effective motivational post HM ! MaashaAllah Tabaarkallah!

 

Awoodaha aynu leenahay wexey muuqataa markii aanu leenahay hadaf ( Goal). Mushkiladda weyn oon jeclaan lahaa inuu Sheikha ka hadlo ( Haddusan mar horeba ka hadlin), waa Mushkiladda qaayo la'aanta ah ( Aimlessness) dadkeennu intiisa badani ay ku sugan yihiin. Waxaan is leeyahay, haddaanu ku guuleysanno inaan yeelanno qaayad aynu ku qanacsan nahay, in ay sahlanaan laheyd in awooddeenna aan maalno oon ku bixinno sidii aan u gaadhi lahayen qaayadaas sare.

 

Culimadii hore, qaayadooda wexey ka qaateen, Risaalada Diinta Islaamka in Basharka la gaadhsiiyo, mana ayan aheyn kuwo wax u barta si ay u nooqdaan " Caalim" ama "Mufti" oo qudha, laakin qaayadooda wexey kuu hiigsan jireen Risaalada ( Mission / Purpose) uu nabigeenna Muxammad SCWS uuga tagay umadda in cilmiga la gaadhsiiyo umadda oo dhan oon laga yeelin cilmiga mid dad gaar ah naficigiisu ku eg yahay.

 

Sheikh Mustaffe, Culimada uu ka hadlay, dadaalkooda ku ma ekeyn wax baridda dadka oo Qudha, haseyeeshee, wexey ahaayeen kuwo hammi weyn iska saari jirey marka hore in Diinta la xafido, dabadeedna in la fidiyo diinta Islaamka, hiil iyo hoona iyo wax walboo qaali ahna loo quudho darteeda, wexey u noolaayeen Diinta darteeda, wexeyna jeclaayeen iney u dhintaan ayagoo diintaas xafidaya sidii uu noogaa dardaarmay Suubbanihii SCWS

 

Waxaan mar hore ku soo qoray SOL Islam pages, qoraalkan u yara dhow fikradda aan ka hadlayo, aan filayana iney taakuleyso Shiekh Mustaffe mawduuca uu ka hadlay oo ah Awoodaha aan Dayacnay oo uu Alle na siiyay.

 

Riix Halkan: <a href="http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/5284-Are-You-Fit-For-The-Purpose?highlight=success

">Qaayadeenna Ma U Diyaarsan Nahay?

 

Nur

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this