Sign in to follow this  
Abdirazak_PTL

Garowe District Council Opens Up 5 new Feeder Roads in Garowe. PICS

Recommended Posts

Dawladda Hoose ee Garoowe Oo Hawlo Dayacir ah Ka Bilowday Magaalada Garoowe(Sawiro)

January 3, 2011 | 11 comments

 

Dawladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa maanta hawlo dayactir ah ka bilowday shan wado oo ka mid ah wadooyinka magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

 

Shantaasi wado saddex ka mid ah ayaa dawlada hoose maanta dhagax dhigtay,wadada kowaad ayaa isla markiiba hawsheeda la bilaabay taasi oo dhararkeedu yahay 1200(Kun iyo labo boqol oo mitir).

 

Guddoomiyaha dawlada hoose ee magaalada Garoowe Cabdinuur Cilmi Koor ayaa sheegay in shantaasi wado ay qayb ka yihiin kuwa magaalada Garoowe isla markaana mid ka mid ah ay maanta bilaabeen hawsheeda,wuxuuna sheegay in saddex shirkadood ay qandaraaskooda ku kala guulaystay in ay fuliso hawshaasi.

 

Cabdinuur Cilmi Koor ayaa sidoo kale sheegay in ay burburin doonaan goobaha kusoo durkay wadooyinka isla markaana aysan jiri doonto cid loo cafin doono.

 

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Puntland Gen.Cabdillaahi Axmed Jaamac ”Ilkajiir” oo ka hadlay goobtii lagu dhagax dhigay wadada ayaa sheegay in hawshaan ay ka mid tahay hawlaha dawlada qorshaha ugu jirtay.

 

Gen.Cabdillaahi Axmed Jaamac ”Ilkajiir” ayaa sidoo kale sheegay in barnaamijkaan uu ka mid yahay JPLG,kaasi oo qayb ka qaateen shan hay’adood kuwaasi oo sanadkii tagay wax badan ka qabtay deegaanada Puntland.

 

Dawladda hoose ee magaalada Garoowe ayaa maanta bilowday saddex wado oo ka mid ah wadooyinka ugu waaweyn ee caasimada Puntland kuwaasi oo lagu sameynayo dayactir balaaran.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

Wakiilka Horseed Media

Garoowe,Puntland

 

Dawlada-2.jpg

 

Dawlada-4.jpg

 

Dawlada-1.jpg

 

Dawlada-5.jpg

 

Dawlada-3.jpg

 

Dawlada-9.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this