General Duke Posted December 30, 2010 Waxaa Maanta Deegaanada Puntland soo gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Gobalka Banadir maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo isla Maanta ka soo Ambabaxay Magaalada Muqdisho. Wafdiga Gudoomiyaha oo abaare 11:00 barqanimo ka soo Degay Gagida Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo ayaa Kulamo gaaban oo uu la qaatay Maamulka Gobalka, kan Degmada gaalkacyo iyo Waxgaradka kadib Wuxuu u sii gudbay Magaalada garowe halkaasi oo la filayo in ka qaybgalo Ciyaarta Finalka ah ee Malinimada bari ah ay Wada Ciyaarayaan Kooxaha Banaadir iyo Bari oo u soo baxay Wareega ugu Dambeeyay ee Ciyaaraha Goballada Soomaliya ee Dhawaantan ka socday Magaalada Garowe ee Caasimada Puntland. Wafdiga Gudoomiyaha Gobalka Banaadir maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa la filayaa isla maanta in ay Garowe kulamo kula qaataan Madexda Sare ee Dawlada puntland iyo Madexda Xiriirka kubada Cagta Soomaliya, Waxaa sidoo kale iyana la filayaa gudoomiyuhu in uu Dhiirigalin ku sameeyo kooxda Gobalka Banaadir Matalaysa ee u soo baxday Ciyaarta Finalka ee Koobka kubada Cagta Soomaliyeed. Safarka Wafdiga Gudoomiyaha Gobalka banaadir ayaa ka dambeeyay kadib Markii uu Casuumaad ka helay Dawlada Puntland si uu Dhiirigalin ugu noqdo Ciyaaryahanada Goballada Banaadir Matalaya, inkastoo sidaasi si la mid ay Magaaladaasi Garowe ku suganyihiin Xubno ka socda Maamulka Gobalka Bari oo iyaguna Diirigalinaya Kooxda ka socota gobalka Bari, Waxaana aad loo hadalhayaa Cida Malinimada Bari ah ay Guushu raaci doonto Xilli labadani koox ee Finalka Ciyaarah u soo baxay ay yihiin Laba Koox oo aad u Ciyaar adag islamarkaana haysta Ciyaaryahano ay ku xisaabtamayaan taas oo Muujinaysa in ay suurtagal tahay in ay Kooxwalba Guushan hanan karto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 Waan ku Faraxsanay In Dhulka Puntland Aaan Soo Gaaro”Godomiyaha Gobolka Banaadir. Posted by Ali on December 30th, 2010 Galkacyo(Puntlandi.com);- Godomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmad Nuur Tarsan ayaa maanta ka soo dagay Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo waxaana uu u sii gudbay magaalada Garowe ee caasimada Dawlada Puntland. Tarsan ayaa Garoonka waxaa uga hortagay madaxda Gobolka Mudug waxaana ay is gacanqaadeen Godomiyaha Gobolka Mudug Col. Axmad Cali Salaad ismarxabayn kadibna waxaa uu u anbabaxay magaalada Garowe. Godomiyaha oo hadalkooban siiyay warfidiyeenada ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay amaanka iyo hormarka kajira deegaanada Puntland waxaana uu sheegay in imaatinkiisa salka ku hayo ka qaybqaadashada koobka Gobolada oo ciyaarta kama danbaysta wada cayaaridoonaan Bari iyo Banaadir. “Waligay Galkacyo ma’imaan hadana waxaa rumaysanayaa riyadaydii hore ee ahayd dhul amaana dadkiisa hormariyeen ayuu hadalkiisa raaciyay Tarsan oo hanbalyo udiray shacabka iyo madaxda Puntland. Ugu danbayn waxaa uu wax lagu farxo ku tilmaamay cayaaraha Gobolada somaliya ee lagu qabtay Garowe waxaana uu sheegay in tashigooda ahaa in ay ka qaybgalaan balse aysan filayn in heerka maanta ay imaandoonaan. Ali Ahmed Abdi Ali@puntlandi.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 “Waan ku Faraxsanay In Dhulka Puntland Aaan Soo Gaaro”Godomiyaha Gobolka Banaadir. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted December 30, 2010 Tarzan waa qabiiliiste xun balse in lagu daydo ma ahan. Kusoo dhawoow dhulkaaga hooyo iyo Garoowe Mr. Tarzan, bal inuu kuwaano qaato isna badalo sifiican haloo marti sooro. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Waxaa Maanta si diiran Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug loogu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir islamarkaasna ah Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo horkacayey Wafti balaaran oo ka socda Maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Soo dhaweynta Waftigan oo ay ka qeybgaleen Dadweyne aad u fara badan ayaa Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Mudug,Kuxigeenadiisa,Maamulka degmada Gaalkacyo & Mas’uuliyiin kaladuwan,waxaana Waftigu ay mahadcelin balaaran usoo jeediyeen Shacabkii sida diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Gaalkacyo. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Islamarkaasna ah Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) oo la hadlayey Dadkii soo dhaweeyey ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay imaanshihiisa Puntland oo ah markii ugu horaysay ee uu abid yimaado,waxaana uu sheegey in Daqiiqadihii uu garoonka kusugnaa ay dhagihiisu ka raysteen Dhawaqa Rasaasta iyo madaafiicda oo ay caan kutahay Magaalada uu madaxda kayahay. Tarsan wuxuu sheegey in uusan marna malaysanayn in Puntland ay kajirto maamul intaas le’eg oo uu sheegey in uu ku qancay habka Maamul ee Garoonka,waxaana uu sidoo kale sheegey in Soo dhaweynta loo sameeyey ay tahay mid uusan ilaawi doonin islamarkaasna uusan marna ku fakaraynin,Wuxuuna sheegey in uu usii gudbi doono Caasimada Puntland si uu goobjoog uga ahaado Ciyaarta kama danbaysta ah ee gobolada dalka Soomaaliya. Gudoomiyaha Gobolka Mudug Col,Axmed Cali Salaad ayaa Waftiga u sheegey in ay yimaadeen Dhulkoodii hooyo islamarkaasn ay soo dhaweynayaan,waxaana uu sheegey in ay Puntland markasta diyaar u tahay isku keenista Soomaaliya,isagoo Tusaale usoo qaatay Ciyaaraha gobolada dalka ee Garoowe ka socda. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 30, 2010 General Duke;684120 wrote: “Waan ku Faraxsanay In Dhulka Puntland Aaan Soo Gaaro” Godomiyaha Gobolka Banaadir. Kudos to Sharif for sending the mayor of Banadir to PL. Tarsan sheekooyinkaan wuu ku fiican yahay. Hal markab ransom-kiisa ma loo haayaa loooool (jk)? Go Banadir! Great tournament ! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 Sharif did not send the man. He came to get of the heat he is facing back in the 4km square area. Anyhow Puntland will welcome him, he should be suprised at how big the State is and thats only between Galkacyu & Garowe.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 30, 2010 Qandalaawi what makes you different than him. You here to promote your enclave so called Puntland. We are that and that so save dime don't point fingers others. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 30, 2010 Stop hating, and enjoy the games. Wax walba waad ka ganuunaceysaa. You never been a team player I guess. Faanka xoogaa naga yareey. He is lucky if he doesn't get kidnapped. Afkaada ka leexi Tarsan. Oh! and there is no 4KM sheeko anymore, that's what the cadaan man and the Somali wannabees (real enemy) maalin walba ku celceliyaan to mislead ppl. Get your facts straight Duke (verification n such) and ku noqo mar labaad. Anywho, lets all be happy that Muqdishu's Mayor will be watching the finals tomorrow. InshaAllah! It is historic (Tarsan in erm...hmm..eh! Garowe). Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 Mayani adeer, dont be so jelous and enjoy the games... Here is what Tarzan, hum just said. Pss, dont tell anyone lad. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 Gaalkacyo:”Waa Arin Mucjiso ah oo la yaableh sida Dhiiran ee ay Puntland u isugu keentay Dhamaan Dhalinyarada Soomaaliyeed”G/Gobolka Banaadir. 30. december 2010 Gaalkacyo:(Allpuntland)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir islamarkaasna ah Duqa Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka Soomaaliya oo maanta deegaanada Puntland u yimid inuu ka qeybqaato daawashada Ciyaarta kama danbaysta ah ee gobolada Soomaaliya ayaa sheegey in martigelinta koobkani uu yahay mid aad loola yaabo. Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa sheegey in ay tahay mid layaableh islamarkaasna buuga taariikhda ee Dahabiga ah u geli doonta Dawlada Puntland oo markii ugu horaysay mudo labaatan Sano ah isku keentay Dhalinyarada Soomaaliyeed,waxaana uu sheegey in ay taasi cajab galisay guud ahaan shucuubta Soomaaliyeed. “Runtii Waa Arin Mucjiso ah,oo layaableh aanan marna la malaysan Karin…Sida ay Dawlada Puntland oo kaashanaysa Shacabkeeda ugu dhiiratay in ay isku keento Dhamaan dhalinta Soomaaliyeed oo 20-Sano aanan si walaaltinimo ah isku salaamin bishaan ka hor,Waana mid taariikhdu ay xusi doonto Talaabadan lama ilaawaan ka ah”Ayuu yiri Tarsan oo maanta la hadlayey Dadweyne farabadan oo kusoo dhaweeyey gedida diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo. Dhinaca kale Duqa Magaalada Muqdisho oo islamaantaba u gudbay magaalada Garoowe ee caasimada dawlada Puntland ayaa sheegey in kasokow ka qeybgalkiisa Koobkan ay faraxad u tahay inuu arko Asxaab farabadan oo ay Waqtigii Nabada Saaxiibo ahaayeen imikana Puntland jooga,waxaana uu booqashadiisa Puntland ku tilmaamay mid uusan ilaawi doonin. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Qandalawi Posted December 30, 2010 Somalina, historic indeed, if Tarzan oo ninkaan aqaanay is in Garowe loolz Somalina, Walal ha ubixin waa lasoo dhawaynayaa walibana sifiican baa loo marti sooraayaa. Mayaani, adeer sibaan uyara kacsantahayee bal isdaji. Tarzan has a bad history in calling reer Puntland as foreigners aan Somaali ahayn (its on record) but cidina taas uma haysato hada waa dhulkiisa hooyo ee hakusoo dhawaado unbaan niri. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalina Posted December 30, 2010 Duqa Magaalada Muqdisho Oo Soo Gaarey Puntland (Sawiro) Gaalkacyo (RBC Radio):- Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug. Duqa Magaalada Muqdisho iyo wafdiga uu horkacayo ee gobolka Banaadir ayaa ku wajahan magaalada Garowe ee caasimada Dowladda Puntland halkaasi oo uu ka soconayo tartanka kubada cagta ee gobolada dalka Soomaaliya. Wafdiga Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ku soo dhoweeyay Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad iyo Saraakiil kale oo katirsan maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Tarsan ayaa warbaahinta u sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinkiisa Puntland, isagoo mahad celin u diray mas’uuliyiintii ka qeybgashay soo dhoweynta wafdigiisa, wuxuuna intaa ku daray in safarkiisu ku wajahan yahay degmada Garowe ee caasimada Dowladda Puntland. Mudane Tarsan ayaa sheegay in uu rajeynayo in uu ka qeybgalo ciyaaraha kama dambeysta ah ee Final-ka ee dhexmari doonta xulalka kubada cagta ee gobolada Banaadir iyo Bari, ciyaartaasi oo ah tii ugu dambeysay ee koobka 18aad ee ay ku baratamayeen xulalka 15 gobol oo Soomaaliya gudaheeda ah. Gudoomiyaha gobolka Mudug Mudane Axmed Cali Salaad ayaa dhigiisa gobolka Banaadir ku soo dhoweeyay magaalada Gaalkacyo, isagoo warbixin guud ka siiyey amniga iyo horumarka ka jira degmada Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, wuxuuna sheegay in maamulka Puntland uu yahay maamul u taagan isku keenista Soomaaliweyn, isla markaana uu hoostago Dowladda FKMG Soomaaliya. Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan ayaa ku farxay soo dhoweynta iyo marxabeynta uga imaneysa dhiniciisa, wuxuuna Duqa Muqdisho ka dhawaajiyey si kaftan leh in ay tahay markiisii ugu horeysay ee uu yimaado gobolada Waqooyi Bari ee dalka Soomaaliya ee uu haatan ka dhisan yahay maamulka Puntland, isagoo intaa ku daray in ay Puntland ku nool yihiin Ardey farabadan oo saaxiibo ay ahaayeen bariisamaadkii. RBC Radio. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mayaani Posted December 30, 2010 Duke, jelous for what? Qandalawi, i point waxaan adigana aadan ka hufnayn oo qabyaalada. Ninka Tarzan ma aqaan i just don't like when people act saint. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted December 30, 2010 ^^^Adeer I know Tarzan, well myself from my days in London. However I welcome him on his trip and for getting to know Puntland. Once you have seen its beauty, there is no turning back. Quote Share this post Link to post Share on other sites