Sign in to follow this  
oba hiloowlow

FU'AAD SHONGOLE Shabaab iyo dadka shacabka ah wax xiriir ah kama dhaxeeyaan , taasna waa guuldarro

Recommended Posts

Maleeshiyada Shabaab ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaaday in sababaha ay dagaallada ugu jabaan ay tahay dadka Shacabka ah oo aysan wax xiriir ah la lahayn.

 

Hadal uu shalay Fu’ad Shongole ka jeediyay Degmada Afgooye ayuu ku sheegay in maleeshiyada Shabaab aysan wax kalsooni ah ka heysan shacabka Soomaaliyeed taasna uu ku tilmaamay in ay sabab u tahay guul darrada sanaddada badan heysata kooxda Shabaab oo god ku ridday kumanaan Soomaali ah.

 

“sababta ay Mujaahidiintu (maleeshiyada Shabaab) u guuleysan waayeen gaaladana looga adkaan waayay waa xiriirka aan wanaagsaneyn ama aan jirin ee ka dhaxeeya Shacabka iyo Shabaab” ayuu Yiri Fu’aad Shongole oo aan qarin guul darrada ay Shabaabku dhaxleen.

 

Wuxuu qiray dagaal ooge Shongole in aan guulo la gaari Karin inta shacabku ay col ka yihiin kooxdooda, wuxuuna nasiib darro ku sheegay in la kasban waayay Umadda oo sida uu sheegay muhiim u ah jiritaankooda.

 

Fu’aad Shongole wuxuu shaaca ka qaaday in aysan wanaagsaneyn in umadda loogu faano Hubka, isla markaana lagu takri falo waxa uu ku sheegay masuuliyadda, isagoo saadaaliyay in dhibaato weyn ay ka imaan doonto haddii la sii joogteeyo Tacadiyadaha lagu hayo dadka aan awoodda lahayn ayadoo la adeegsanayo Hubka iyo Maleeshiyaadka.

 

“Haddii aan dadka ka awood badanahay annaga Allaa naga Awood badan” ayuu yiri Shongole oo hadalkaas ku weerarayay sida loo fahmay Axmed Godane iyo kooxda taageersan oo ka awood badan Isbaheysiga Shongole ee uu calanka u sido Muqtaar Rooboow Cali.

 

Maleeshiyada Shabaab wixii ka dambeeyay qaraxii Shaamoow waxaa soo kala dhex galay khilaaf xooggan oo hareeyay Dagaal Oogayaasha Soomaalida iyo Ajaanibta isugu jira ee kooxdaan maamula, waxaana arrinta sii huriyay Go’aankii lagu galay dagaalkii Ramadaanka oo ay ku jabeen kooxda Shabaab.

 

Axmed Cabdi Godane, Abuu Mansuur Al-Ameeriki iyo Faadil Cabdalla oo ah kuwa ugu tunka Weyn Shabaab ayaa lahaa ammarka dagaalkaasi, waxaana ka hor yimid oo gul darro mid ku dambeyn doona ku sheegay Muqtaar Rooboow iyo Fu’aad Shongole oo aan hadalkooda dheg loo dhigin, waxayna taasi sababtay in Muqtaar Rooboow uu dagaalka kala baxo maleeshiyaad uu si gaar ah uga keenay gobollada Bay iyo Bakool, dagaalkiina sidaas ayuu ku dhamaaday, ayadoo wixii markaa ka dambeeyay aan geedna la isugu imaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Labada xabo ee 'public relations' Reer Iswiidhan kasoo bartay muu meesha keenay.

 

Yaa u sheego in dadweynaha masaakiinta iyo Barbaar ku sheegaas xiriir aad u sareeyo ka dhaxeeyo, taas oo ah qoor goyn, isbiimeyn la isku qarxinaayo, karbaashid, garaacid, gacmo iyo lugo goyn iyo maalkooda maalin walba la dhaco. Intaas ka sare xiriir kale maaba jiri karo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;682781 wrote:
Labada xabo ee 'public relations' Reer Iswiidhan kasoo bartay muu meesha keenay.

 

Yaa u sheego in dadweynaha masaakiinta iyo Barbaar ku sheegaas xiriir aad u sareeyo ka dhaxeeyo, taas oo ah qoor goyn, isbiimeyn la isku qarxinaayo, karbaashid, garaacid, gacmo iyo lugo goyn iyo maalkooda maalin walba la dhaco. Intaas ka sare xiriir kale maaba jiri karo.

kkkkkkk,,,, shabaab 2 garab ay uu jabeen marka taageerayaal uu raadsanoya ee inuu ka naxayo mahan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Polanyi   

they probably have more support than the tfg or ahlul suma. infact, they have the support of entire subclans. of course, we don't like the truth on sOl, do we?kkkkkkkkkkkk.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Bashiir   

Shabab can reconcile with the weak regime, and build a strong emirate if they want to lead the nation. But I am this will also be a another wasted chance to reconcile and unite the Banana Republic. Some real man with real Somali weyn vision should step forward.

 

Stand up for your republic.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Al shabaab oo qiratay inaanay shacabku taageersaneyn

 

Shangole.jpg

 

2010/12/25, 11:10 am

 

Maleeshiyada Al shabaab ayaa sheegtay inaanay shacabka Soomaaliyeed ku taageersanayn dagaalka ay kaga soo horjeedaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Fu’aad Maxamed Shangole oo ka mid ah horjoogayaasha Al shabaab oo dadka kula hadlayay fagaare ku yaalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay waajib ku tahay in ay taageeraan maleeshiyadooda.

Fu’aad Shangole ayaa xaqiijiyay in aysan shacabka ka helin taageeradii ay uga baahnaayeen, isagoo dadka deggan degmada Afgooye ka codsaday in ay Al shabaab siiyaan dhallinyaro ay maleeshiyo u qortaan iyo dhaqaale ay ku huriyaan dagaallada ay wadaan.

Horjoogaha ayaa sidoo kale maleeshiyada Al-shabaab ee dhowaan la wareegay degmada Afgooye u soo jeediyay in aysan dhibaatayn shacabka degmada Afgooye si ay u helaan taageeradooda.

 

Maleeshiyada Al shabaab ayaa dhowaan kala wareegtay degmada Afgooye iyo deegaanka Ceelasha Biyaha kooxdii Xisbul Islaam ee la midowday, iyagoo durbaba meelahaasi ka billaabay in ay waddooyinka ku karbaashaan dadka xilliyada salaada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this