Sign in to follow this  
Kornaylka

Sheikh Shariif to visit Garowe and Hargeisa.

Recommended Posts

Talaado, 21 December, 2010(SOL) Warar kasoo baxaya afaf lagu kalsoonyahay ayaa noo xaqiijinaya in todobaadkan dhammaadkiisa uu madaxweynaha dawladda tabcaanka ah ee faleebbadu ku rakibantahay ee TFGda, mudane Sheikh Axmed Sheikh Shariif, kuna magac dheer naanaysyo kale oo tilmaamaya safarradiisa joogtada ah, sida Sheikh dalxiis, socod badane, cagmadhige, iyo Pilotka, uu ku tegi doono caasimadaha labada talis ee Somali diidka ah, ee la magacbaxay Puntland iyo Somaliland. Iyadoo maalmahanba layswaydiinayay sababta uu madaxweynuhu u booqan waayey waddanka qaybihiisa kale, intuu marba Rome ama Qahira usii cararayo, ayuu shir jaraa'id oo albaabada mid u furany inta kalena u xidhanyihiin oo weliba askar African ahina ilaalinayaan ku qabtay xaafadda waxaro cadde ee magaalada muqdisho saaka barqadii markay saacaddu aheyd 9:25am.

 

Waxaa haddaba dadkii goob joogga meeshaas ka'ahaa yaab iyo afkala qaad ku noqoday safarkan kediska ah, kelmadaha qaar madaxweynaha kasoo yeedhay, iyo weliba siduu damacsanyahay markuu gobolodaas woqooyi ka dego, khaas ahaan S/land oo dadka degaa ay aad isula hanweynyihiin, amaba awood xoog leh is bidayaan maadaama ay royal family yihiin, intaa ka sokowna ayba aamiinsanyihiin inay kasoo farcameen rasuulkeenii suubanaa csw.

 

Waxaa kale oo iyana xusid mudan inuu madaxweynuhu xidhnaa dharka milleteriga, wejigiisana ay ka muuqatay cabsi iyo geesinimo iska doon doon ah, isagoo dhanna iska giijinaya dhanna xoogaa ka gariiraya ayuu madaxweynuhu ku bilaabay shirka sidan: Bismillaahi, wasalaatu wasalaamu calaa rasuulilaahi, ammaa bacdu, macaashiral muslimiina wal maryooleey, waxaan keli ah oon rabey inaan maantay ka iclaamiyo safar aan maalmaha soo socdo ku tagi doono Garowe iyo Hargeisa, si'aan masuuliyiinta sar sare ee labadaas talis hadal siyaasadeed oo hoos hoos ah ula yeesho, kor meerna ku sameeyo bal siday u shaqeynayaan, kuna soo ballamiyo inay shicibka ugu adeegaan sida looga baahanyahay,". Isagoo sii faahfaahinaya bixitaanka kusoo fool leh ayuu madaxweynuhu intaa weliba sii raaciyey," waxaa lagama maarmaan noqotay inaan bal mar uun diyaaradahan baas ee dhegaha i qarxiyey ka nasto, koow,oo safarkaan badan ee dibadda ku bedelo mid gudaha ah, labo, xabsigaan aan 24hrska ku jiro ee looyaqaan villa Somalia dhowr maalmood ka fakado ama ka hawo geddisto sidii awalba caadada ii aheyd, saddax, dadka iyo dalkaba tuso inaan aniga silaanyo iyo farooleba ka xiniinyo weynahay oo meeshaan rabo waddankayga ka tegi karo, afar, markaas ka bacdina aan hal dowlad oo kitaabka alle ku shaqeysa ummaddana daacad u ah, anigana aan madaxweynaheedii ahay soo dhiso haddii alla yiraah, shan, halkaas ay xaaladdayda iyo tan waddankaba maantay mareyso, hadalkana aw saas ku jaranyahay, lix,wa billahi towfiiq, adinkoo maalaa yacniga iga ilaalinooyana aad wixii su'aalo ah dhiibtaan ayagoo gaa gaaban amaba mukhtasir ah, insha'allah,". Intaa waxyar ka dib bay su'aalihii bilaabmeen waxayna u dhaceen sidan:

 

 

Wariye# 1: Madaxweyne waxaad noo sheegtay inaad tegeysid Puntland iyo somaliland, adigoon nimanka meelahaas ka taliya idan waydiisan. Marka waxaan ku waydiiyey, Faroole ma xidhiidh fiican baad leedihiin, Somaliland se see ku tegeysaa ma ciidan Ruwandese ah baad u kaxaysanaysaa, illen haddi kale way ku xidhayaane?

 

Shariif: (isagoo dhoola caddaynaya, kalsooni cabsi ku lammaantahayna wejigiisa ka muuqato)', Adi mid maraxaa ba tahay, runtiina in laguu jawaabo ma istaahishid, laakiin maadama ow waddanka dimuqraadi yahay waa ku qasbanahay inaan kuu jaabo aan u maleeyhaa nasiib darrona waaye runtii. Haa Faroole wada shaqeyn fiican aa naga dhaxeyso, in kastoo rer puntland eysan aniga i jecleyn shaqsi ahaan, taasoo ey sababtey duqii dhiigyacabka ahaay een meesha ka buriyey dartiis. Tan labaad aniga nina fasax iyo ruqso aan waddankeyga ku soo booqdo ugama baahni, ciidanna ma wadanaayi, silaanyo haddow far isaarona tan ku dhacda abaaydiis ow hooyo dhahaa, sababtoo ah anigaa ka saxiibo badan. Asi Zenawe keliya ow yaqaanaa aniga illaa Obama iyo Mubarak aa ikasaayo. Asi maa ani far isaari karo maraxa, socodkaaba dhib ku ahe?

 

Wariye# 2: Oo hadda ma waxaad leedahay dowladda S/land wax jiraba maaha?

 

Shariif: War dowladdeyda maahina wax kale oo meesha ka jiraa iska yar.

 

Wariye#2: Ma xitaa al-shabab?

 

Shariif: Xitaa al-shabab

 

Wariye#3: Alla! Oo madaxweyne miyaadan ka baqayn inay ku qarxiyaan?

 

Shariif: Abaayo u sheeg waraa

 

 

Wariye#4: Jaalle madaxweyne, Ina Godane ma istaqaanaan isaga, mana aragtay suu u egyahay?

 

Shariif: Ma'arkin mana aqaani waxa laakiin waxaan u maleynaa inow mid foolxumada addunka ku dhammati yahay, li'anna jilbaab iyo indho shareer lee gashanyahay 24hrs.

 

 

Dhanka kale waxaanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay labada hoggamiye ee puntland iyo S/land, si'aanu wax uga weydiino bal fikirka ay ka qabaan socdaalka Sheikh shariif damacsanyahy inuu ku yimaado waddanka qaybihiisa ay iyagu ka arrimiyaan. Labada Somalidiid waxaanu ku horreyney Faroole wuxuuna wadahadalku noogu dhacay sidan:

 

SOL: Mudane See u aragtaa booqashadan uu madaxweynuhu ku imanayo garoowe?

 

Faroole: Waa fiicantahay, waana sidaanu in badanba rabney, haddana madaxweynuhu hadduu noo imanahayo hade waa soo dhoweynahaynaa boowe. Wax badan baanu ku niri jaale maxaweyne meeshan baas ee xabsiga lagu geliyey iskaga kaalay, caasimadda waddankana aan qardho ka dhigno, adigana berked iyo masaajid yar halkaas kaaga dhisno, waana uu diiday. Waxaana taas sababay daba ka wer wer uu ka qabo canbuulo iyo muufo joogto ah oo aanu heleyn illeen anaga xagayaga waxaas lagama cuno oo cad iyo caano ayaan siin lahayne. Hade ma ila socotaa boowe?

 

SOL: Haa mudane

 

Faroole: Marka hade kaadibadane waa loo gogol badiyaaye, waxaan sugnoba waakaas nagu soo qaxay madaxweynihii, waxayna u egtahay inuu halkan degeyo, sidaan rajeyneyna Qardho caasimaddii waddanka noqoneyso.

Sababtoo ah Xamarna inkaar bay qabtaa oo wataas har iyo habeen holcaysa, Hargeisana niman mafia ah baa iska xukuma oo dadkii masaakiinta ahaa caqliga ka xaday. Marka puntland baa hadda wadnihii dalka ah, Qardhona Caasimaddii, aniguna Aabihii umadda.

 

SOL: Oo adigu haddaad aabihii umadda tahay, shariifna muxuu noqonayaa rolekiisu isaga?

 

Faroole: Hadalku adiga ma meel buu kaa dhaafaa boowe? Sowtaan ku iri mowlac baan u dhisaynaa, dhowr cook oo mufada iyo canbuulada u kariyana xamar baan uga keeneynaa, hilibka iyo caanahana waan bareynaa, tusbax weyna waan u dhiibaynaa ka dibna wuu iska tasbiixsanahayaa noloshiisa inta ka hartay. Xamar buu kasoo cararee maanaad rabtaa inuu Garowe oon kasoo shaqeeyey igu xukumo? Sheeko xamari hadduu la yimaadona hade waan tarxiileynaa boowe.

 

Dhinaca S/land oon iyana ka waraysanay waxay ka yeeli doonaan haddii Sheikh Shariif ka dhabeeyo imaatin uu ku yimaado Hargeisa, waxaa in muddo ah ka dib noo suurto gashay inaan isna kula hadalno Silaanyo khadka telefoonka:

 

SOL: Jaale madaxweyne, maxaad ka qabtaa socdaal uu madaxweynaha dalka Somalia Sheikh Shariif ku yimaado S/land?

 

Silaanyo: Oo muxuu soo doonayaa?

 

SOL: Siduu shirka jraa'id ku sheegay saaka wuxuu u imanayaa inuu bal supervision/kormeer kugu sameeyo, accountabilitigaaga iyo sidaad shicibka ugu shaqayneysidna intuu qiyaaso oo miisaamo, kula xisaabtamo, ka bacdi hadduu dembi kugu helona xabsiga ku geeyo haddii kalena abaal marin billad sharaf ah ku siiyo. Weliba wuxuu intaana ku daray inuu ku tuso inuu kaa xiniinyo waa weynyahay oo uusan kaa cabsaneynin.

 

Silaanyo: Intuu Hargeisa yimaado ayuu aniga weliba kor meer rabaa inuu igu sameeyo?! Anigoo weliba la'idoortay?

Teeda kale maxaa isaga xiniinyahayga tusay waa yaabe?

 

SOL: Bal adba!

 

Silaanyo: Hadday taasi dhacdo waxaa hubaal ah in mandheera prison hore laga geyn doono.

 

SOL: Oo dembi maxay ah baad ku qaadaysaan, illeen waa Somaliye, Hargeisa miyaad ka xigtaa?

 

Silaayo: Somalidu ma isku wada waddanbaa dulliyohow? Miyaadan ogeyn In S/land waddan xor ah tahay oo qofkii sharci darro ku yimaadda xabsiga loo taxaabayo? Ninkani hadduu qaxooti yahay oo political asylum rabo process baa jira loo maro, meeshuu gurigii maamadiisa maaha. Hadduu iska yimaado se hooygiisu waa mandheera. Haddu aniga kursigayga soo faro geliyona gebigiisaba intaan jawaan ku ridaan al-shabka u dhiibi haba gowraceene.

 

SOL:Faroole sxb ma tihiin isaga?

 

Silaanyo: Farole waayo?

 

SOL: Madaxweynaha Puntland

 

Silaanyo: Haa, captain jack baad sheegeysaa? Dee maad saa tidhaahdid?

 

Sol: Yaah?

 

Silaanyo: Captain jack sparrow dee, ma slow baad tahay horta aduu? Sow pirateska aabahood maaha

 

SOL: Ina Godane ka warran?

 

Silaanyo: Ina Godane ma wax la cunaa?

 

SOL: Mayee dee waa inaadeerkaa, miyaadan soo dirin adigu oo dhihin qas koonfurta?

 

Silaanyo: haa ma ka lunticga ah niqaanka xidhaad sheegeysaa? waa inaadeerkay laakiin waa argagixiso wuxu. Kaaga darane indha shareer baas intuu soo gashaduu qalbadda kaa beddeli. Illeen nin kuu badheedhaadba iska celisaaye. Mayee ma soo dirin anigu inkaari ku dhacday. Sheekooyinka aan ka maqlay ninkaa heer waxaan gaadhay gabadhii xijaabanba aan 1km ka durko si'aan qarax kedis ah uga badbaado.

 

Xarakadda islaaamiga ah ee alshabab, hoggaamiyohooda ina godane ayaanu isagana raadinay bal si'aanu fikaradaha kala duwan isugu dheeli tirno waxaana noo suurto geliwaayey meeting face 2 face ah oon lagalno. Markaanu u kuur galnay arrintaas iyo waxa sababayna waxaa naloo sheegay inuu hal pair oo jilbaab ah iyo hal indho shareer ah leeyahay kuwaasoo ka qoyan dartiisna aanu diyaar u ahayn inuu saxaafadda la hadlo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this