Sign in to follow this  
nuune

Garaad haween lama garan karo

Recommended Posts

nuune   

Maskaxda iyo caqliga ku jiro gabadha Soomaaliyeed lama xisaabi karo, waa murti socota gidigood, allow inoo daa hablaheena.

 

 

Waa baa waxaa jirey wiil iyo gabar aad isu jecel, waxeyna damceen in ay is guursadaan. Hayeeshee, wiilka iyo gabadha waalidkood ma oggolaan in ay is guursadaan, maxaa yeelay waa hore bey colaadi dhaxtiil labada qoys.

 

Wiilkiise in uu gabadhii iska daayo oo ka quusto wuu diidey, barigii danbe buu intuu reerkoodi ka soo kacey u tegey gabadha reerkoodi si uu iyada ku arko, hadii ay arkaan isagoo la jooga gabadha, in la dilayo wuu ogaa oo gabadha walaalaheed ay dilayaan.

 

Sidaa darteed baa wuxuu ku tashadey in goor habeen ay tahay mugdina uu yahay arligu uu tago gabadha reerkeeda si uu iyada qarsoodi ku arko, ulana baxo sidaasna ku mehersaado.

 

wuxuu yimaadey gurigii gabadha reerkooda xilli uu gabalka dhacey isla markiina wuxuu arkey meel gees ah oy gabadha fadhido kulana sheekeesaneyso wiilasha walaalaheed meel yara baxsan oo ardaaga ka mida, wiilkii baa gadaal inta ooda ka soo marey gabadhii oo sii jeeda dhabarka ka taabtey si ay u dareento in uu isaga yahay gacaliyaheedi, wiilashiina ma dareemin waxba waayo dhulku waa mugdi.

 

 

Gabadhii baa markey ogaatey in saaxiibkeed meel danbe ku dhuumanaya hadalka sheekadana maqlaya ayaa walaalaheed baa waxey ku tiri sidan:

 

 

"Ninkaad ii diideen inuu i guursado hadaad caawa meeshan ku aragtaan sideed yeeli laheedeen"

 

mid ka mida wiilashii baa yiri waan gowrici lahaa gaalka, ku kalaa yiri haragaan ka siibi lahaa asoo nool, kii kalaa asna yiri hilibkiisaan duban lahaa,

 

 

gabadhii baa tiri aniguna hadaan arko caawa waxaan weydiin lahaa sadex waxyaalood oo ah:

 

 

"war ma hed baa ku wada" hadduu haa yiraahdo walaalahay hortooda imoow baan ku oran lahaa.

 

"ma hawo guur baa ku wadda" hadduu haa yiraahdo geedkaas lebiga ee la harsado orodoo tag baan ku oran lahaa

 

"ma hunguraa ku wada" hadduu haa yiraahdo dhiisha caanaha oo aqalka raartiisa taal orodoo qaado baan ku oran lahaa , bey tiri gabadhii

 

 

Garaad haween lama garan karee naa tag buu yiri mid ka mida walaalalheed, iyaga oo aan midkood waxba dareemin wiilashii sheekadii dheereyd ay habeenkaas yeesheen kadib.

 

 

Gabadhii wiilkii ay is jeclaayeen hadaladii hore ayay sidaas ugu baaqdey oo ay siisey saddex waxyaalood kala doorran siisey, waana uu fahmey meesha ay ka hadashey, inta uu guur guurtey buu iska tegey.

 

 

goor ay habeen barkii tahay ayey wiilashii seexdeen oo la wada hurda tegey ayay gabadhii imaatey geedkii lebiga ahaa ee la harsan jirey, halkiii bey gacaliyaheedi kula kulantey,

 

 

Alloow maskaxda idiin daa iyo caqliga, farsama wanaagsanaa smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this