Sign in to follow this  
Buuxo

Maxaa Gaal loogu yiri geesigi Shariif

Recommended Posts

Buuxo   

Buranbur qiimo-badan.

 

Maxaa Gaal loogu yiri geesigi Shariif- Haliimo Hassan

 

 

Gafanihii naaxay nimankii gondaha kajaray

 

Sanaawi ragii gambiyey geyshashkuu dirsaday

 

Ragii iga gooyey caradaan hurdada lagabay

 

Hadaan calaf iiga kiin gaarin gob banana

 

Inaan gabdhahayga idinsiiyo waa go aan

 

Markaanu gumowney giyigeena cadowgu galay

 

Gegida iidaale markii geyruhu igu dhacay

 

Rag aan garanaayo maantii galayrku cunay

 

Markaan garanweyney meeshuu gargaarku jiro

 

Ragii la godoon shayoow geesiyaa tihiin

 

Inaan gabdhahayga idinsiiyo waa go aan

 

Guriga sheydaanka bush weydinkii gilgiley

 

Idinka oon gaarinbuu qayladiina gabay

 

God hoosaa looqodiyo meel gadaal kutaal

 

Wallee gacalkaygiyoow geesiyaatihiin

 

Ana inaan idin gargaaraayo bayga go an

 

Balse haduu guurey nacaskii gondaha xumaa

 

Oo godey dhaafay asagoo gubtaanyo qaba

 

Gegida ardisababa haduu dhaawicii ka guray

 

Shalaytana uu lagoohaayo goob banana

 

Gacalka inaan layno gardarey umuuqataa

 

Ilaahey garabkooda garwadeenaduu kabaxay

 

Kuwii ugargaarey sanaawiye islamka gabay

 

Haduu gabalkoodii dhacay guulma gaarayaal

 

Oo guxushkii ugu weynaa qolokale daraad ugalay

 

Gacalka inaan layno gardarey umuuqataa

 

Gaal maxaa loogu yiri geesigii shariif

 

Guusha aan gaarney sowkii gardaadin jirey

 

Sowkii xaqlasoo gamiyo garabka noo aha

 

Anugu garanmaayee goormuu islaamkla gabay

 

War aynuka gudubno fakarkaan gadaal kayimid

 

Haduu gafey waa dunuub uu ilaah kagalay

 

Adna inaad waano gaarsiiso waagartaa

 

Ee madfacaad ku garaacday sheikhee daliil ku galay

 

War aynu kagudubno fakarkaan gadaal kayimid

 

Intaan goobayno gacalooyinoow jahaad

 

Oo janada gaar leenihiyo geedo aad ubaxay

 

xawrarciin guurso gabanada intaan ku niri

 

Intaynu xadgudubno yeynaan cadaabta gelin

 

Ee halaga guuro fakarkaan gadaal kayimid

 

Shariif waxa uu lagubanaayo gacaliyoow

 

Giyiga soomaaliyeed gaalku wowtashaday

 

Oo waxaa la go aanshey inaynaan garaad lahayn

 

In nalakala gooyaa garaadkooda qalin kudhacay

 

Oo dhulkaan gaaxsan gaawaha nin kale u culo

 

Shariifna wuxuu ka gubanaayo waa gedaas

 

Oo nabad inuugoobo gar ilaahey bay u tahay

 

Oo dadka lakala geeyey guryahoodii lagu ceshaa

 

Oo gobolaas goostay dibloosoo gardaadiyaa

 

giyigii soomaaliweyn guul inlagu hantiyo

 

Waa wax noowada garee maad qarwaaqsataan

 

Maduul rabigey gaboo gooyey baynu nahay

 

Nabad inaangaarno miyaan guule nooqadarin

 

Sabaankii galaba dagaal baan ugeyfanahay

 

Dunuubtaan guranay miyaa guudka nooga raran

 

Godbaa lagu siisocdaa aan lagaranahayn

 

Go aankii culumadiyo waa nadii magelin

 

Ilaahoow guulow qaluubaha adaa gadiya

 

Ee waxaan garanayo garaadkii rag geena geli

Rageenow garo waxay dumarku goobayaan

 

Qurbaan ku godoonay gabalkiina noogudhacay

 

Madfucu meeshuu igeeyaan ka giisayaa

 

Caruurtii geyrahaa goob banana kuhelay

 

Xabsiga gaalada barbaa qowmu luud ugalay

 

Garowshana idinka weynaye maxaa gashaan

 

Miyeydaan gaarin soomalidii galbeed

 

Hubkaad guraneysaan maad godey ku weerartaan

 

Gargaarka dhulkeena maqan maad ugeyfataan

 

Amxaarku ragbuu gigaayaaye maad gashaan

 

Gabdhaha la kufsanaayo gacalkooda somatihid

 

Gurmad hadaatahayoo gar ilaah dagaalku yahay

 

amxaaradii guurtey gadaashooda ciidan dhiga

 

oo banbada ku garaaca goobtay hodhow degaan

shaRiifna gartiisa siiyoo gadaal kasuga

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

gaal waxa loogu yidhi geesi la moodkii shariif

gacanta markuu saaray gabadh yarana tuutuujay

ee uu gaalada ku dhegay sida guullow kitaab

shumisna gabanku uu ku sigtay kanase gabbaday

Gaaladu ay ilaasisaa markuu baladka soo gaadho

Gadh dheerayaasha bal maxaa u diiday gabanku waa yaabe

 

 

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mandhow

Gardaradu ma fiicne gooriyo ayaane

Ma garbaa in gaar loo xiraa gabanki sharife

Gaal buu gacanta ka salamay looga saara islaamko

Gooni loo xiraayo la yiraa waa gaal

Gar Allay taqaanaye maxa godobta lo gali

Wax makastiyo gabanada gudinta loogu dhiibi

Gawda ka haaya lo dhihi gooriyo ayaane

War dadyahow gaabsada gunimo ma fiicne

Guulaheena barino gobonimo u dirirno

Gardaradda aan diidno Gacmahanu isqabsano

 

.... icon_razz.gif yanan la isku kaa kicinin!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxay tidhi ? ,, Buraanbur aa ???

 

 

Malaa inantu buraanburka iyo maansadaanay kala aqoon ,, aheeeey ah ,,,, where is Gaarriye when you need him ,, lol

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this