Sign in to follow this  
xiinfaniin

Dhagartii Oogle

Recommended Posts

Fiid cilcillaw ay sharka iyo khayrku kala carraabeen waxaa surin mugdi ah ka soo baxay noole dad iyo bahal u dhexeeya oo aad u dhuuban. Tallaabada dirqiga ah ee uu lawyaha isla dhacayo lagama garto qurbac muqlaysan. Laakiin marka uu soo dhowaadaba wuxuu sii yeelanayaa muuq bani aadam. Wuxuu gacmaha ku sitaa qori Ak ah oo isaga ka culus kaas oo afkiisa yuubani ka soo horreeyo. In uu daroogaysan yahay, in uu waalan yahay iyo in uu gaajaysan yahay intaba waa la moodi karaa. Nin da dhexaad ah oo keli lugaynaya ayuu dhankiisa qorigii ula dalanbaabiyey. Labadooda cid kale uma dhowa. Waxaa u dhow daaro burburay iyo waddooyin haawanaya oo mugdi iyo dhaxan ah. Waa magaalo u eg meel qunbulad durriye ku dhacay.

 

– Dhig lacagta, haddii kale wallaahi in aanan soddonka xabbadood mid kaaga reebayn!

 

Ninka la weeraray ma hubaysna haddana isma dhiibin mana cararin. Inta uu soo jeestay ayuu tallaabooyin digtoon dib u qaaday. Mintidnimada iyo yasidda dhimashada isaga iyo ka weerarka ahi waa iskaga mid waxaase la dheer yahay qoriga cabbaysan.

 

– Dhig lacagta, haddii kale adiga oo mayd ah ayaad dhigaysaa!

 

Maya, nin wax dhigaya uma ega. Tallaabooyinkii digtoonaa ayuu dib u sii wadaa. In uu mugdiga ku ordo ayuu malaha ku talo jiraa, yaase isugu simaya. Saddex xabbadood oo baas ah ayaa laabta ka daldalooliyey, naftuna waxay ka dhacday isla markii uu dhulka ku dhacay, isla markaas ayey gacan dhuubani lacagtii jeebkiisa kala baxday.

 

Sii aqri: waa sheeko gaaban oo uu qoray mid ka mid ah raga maanta Soomaalida wax qorta ugu qoraal wacan! !

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Ninkaan, Ibraahim Hawd, waa faylasuuf walle!

 

Sideebuu ugu dhiirraday inuu gacanku-dhiigle u beddelo geesi caddaaladda u hoggaansama oo si mintidnimo ah u aqbala garsoorka? Sideebuu xammaasaddii iyo caadhifaddiiba uga siibay qalbiga reerkii aabahood la dilay?

Maxaa ku dhacay aanadii soomaalidu curfi iyo caadaba u lahayd?

 

Waxaas oo dhan waxaa ka daran sida islaantu aanay hoogay iyo ba'ay midna ulahayn ee ay iskaga wardinayso! Show waa hore bay Ilaahay isku dhiibtay!

 

Sow uma eka in qoraagu si xalladi ku jirto ugu bareeray inuu musiibadda soomaaliya ku habsatay khaatimo fiican u yeelo?

 

Maxay adiga kula tahay? Bal malee!

 

Where are SOL’s people, or as good S.O.S would say, where are the men of understanding :D ?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this