Sign in to follow this  
Sophist

Gaalo Leged]]

Recommended Posts

Sophist   

Gaala-Leged: Somali Text

[1] Awel maanso9 waataan gudboo10 guriyey waayaaye

 

[2] Waataan galbeedkaas u diray guga hortiisiiye

 

[3] Aan gaasheeyo tii xalay hurdada gama’a ii diidday

 

[4] Galladaha Ilaahay ka badan geedahaas baxaye

[5] Guushuu inoo yeelay baan idin garwaaqsiine

[6] Guddiyey I maqal waxaa tihiin gacaladaydiiye

 

[7] Najiska gurta xumaa hadduu shalayto geeryooday

 

[8] Godka lagu cadaabkii haddaan gowrac ugu jiiday

 

[9] Uu guduri cunay waa waxay galabsanaayeene

[10] Dhurwaagii ka giigaan u diri gacan salaameede

 

[11] Isagay gargaaroo dugaag iiga gooniyahe11

[12] Haddaan garan gunaan siin lahaa gooriyo ayaane

 

[13] Gandaldheere waataan wax badan guuyaduu maraye

[14] Gef hadduu ku sii daray wixii lagu gufeynaayey

[15] Anigu wow garaad qabay inuu gigi waraabuuye

[16] Giriirixis aan jrin waa wixii gaabshay oo rogaye

[17] Gaalleefta12 waataan la dhacay gucurradoodiiye

[18] Haddeeyaan abaal gadin sidaa uma gadoodneene

[19] Godolkiyo kasnaantaan u qabay kama galgaaleene

[20] Kamana gaagexeen abid hadday nabad u13 goohaane

[21] Waxse mowd ku gaardiyay markay ganafka taageene

9 Reading maanso for maano.

10 Reading gudboo for gudbo.

11 Reading gooniyahe for goonnihaye.

12 Following Keenadiid’s reading gaalleefta instead of gaaleyska.

13 Reading u for ku.

32 MURSAL FARAH AFDUB AND LIDWIEN KAPTEIJNS

[22] Gabooygii14 Shuxle ahaa haddaan gowsihii jebiyey

[23] Gegida Yuusuf jiifaa tukuu gabas-dhebaayaaye

[24] Geesaaska dumarkaa sidii galow la moodaaye

[25] Geed-joogahoodii haddaan gudurigii siiyey

[26] Guska Taajir15 baa ii hadhaan ugu gamuumaaye

[27] Cismaan iyo waxaan gaadayaa gabannadiisiiye

[28] ******teenka kale inaan ku gudo wayga garanuuge

[29] Garacyada Bahdira haatanaa guuto loo wiciye

[30] Waa lagu gadaal16 xoorayaa gurigi reer Nuure

[31] Gabagaba-rogaalkaa warmaha lagu ganaayaaye

[32] Goobbay ku wada le’an sidii goosan weer helaye

[33] Gafuurraxun sidee Eebbahay guuldarro u raacshay

***

[34] Afartaa geddii aan bartiyo gololo’daydii dheh

[35] Gerbidaan ka soo hoorin jiray godol naqaygii dheh

[36] Madfac gow yidhaahdiyo rasaas gininigtoodii dheh

[37] Guulaamo roob da’ahayiyo gababaxdiisii dheh

[38] Onkod guguguclayn iyo hillaac galalacdoodii dheh

[39] Gufaaciyo gudgude soo curtiyo garamahoodii dheh

[40] Guluuliciyo mayay laysku daray galangalkoodii dheh

[41] Gal xareeda daad soo gabraday gal iyo duufaan dheh

[42] Bad gariirtay mowjada gurxamay gacammadii Ayl

dheh

[43] Shir la gooday waayeel gab yiri garagangartiisii dheh

[44] Xariir lagu gimaamadahayiyo gola firaasheed dheh

14 Following Keenadiid’s reading gabooygii instead of gobeygii.

15 Keenadiid’s reads *** -ka-taajir, an insult, meaning ‘he who

makes money with his penis’.

16 Reading gadaal for galaal.

‘THE DEFEAT OF THE INFIDELS’ 33

[45] Xaajada ninkii garanayiyo gig iyo sheeggeed dheh

[46] Gobo’ kalana waa aniga iyo ged iska sheeggayga

[47] Galiilyoodayeey caro miyey gubatay laabtaydu

[48] Gogoshii la ii dhigay miyaan geydh la qaban waayay

[49] Gabbal dhiciyo waaberi miyaan socod ku gaarraaday

[50] Giddi17 maalin oo idil miyaan gaafka sare meeray

[51] Sidii awr gabraareed miyaan gululubluu rooray

[52] Ma gudoodigiyo suudigaa gubadka ii yeelay

[53] Ma geddaabadhabadkaa sidii geri i boodheeyay

[54] Gooxii aan yuururay miyaan gibil madoobaadey

[55] Raggii igu gadaanna miyaa aakhira u guuray

[56] Goortaan gaqwaaqsaday miyaan gocoshadii eeday

[57] Gamiinkaan xanuunsaday miyaan gorodda

laadlaadshay

[58] Hadba gees miyaan deyay intaan gownaxyada

buuray18

[59] Gelin haddii aan foororay miyaan giirka kor u qaaday

[60] Guhaad iyo calool xumo miyaan geyrtayoo diriray

[61] Guntigaan maroorsaday miyaan labada low geeyay

[62] Gaashaanka iyo tiirigiyo gamas miyaan qaatay

[63] Ma genbaan u taagnahay intay gaadho noloshaydu

[64] War ma Dhooddi baa gaamuuroo garabku weynaaday

[65] Ma galaasya miidaan19 ku shubay gamashigii Dayrta

[66] Gorgor kacay la moodyow durduro ma igu gooraamay

17 Reading giddi instead of gadiid.

18 Following Keenadiid, we take this line as the 58th rather than the

60th line.

19 Reading miidaan instead of midaan.

34 MURSAL FARAH AFDUB AND LIDWIEN KAPTEIJNS

[67] Godobtaydu waa wada jirtaa goonyohoo idile

[68] Gashi niman ku leeyahayba waa dabagelaayaaye

[69] Waxaan goosan karo anigu waa gurubsanaayaaye

[70] Gardarradiyo maaggii i helay waan ka geyllamiye

[71] Gartay weeye dunidaba inaan galalafeeyaaye

[72] Giyigaba waxaan doonayaa inaan gumeeyaaye

[73] Nin ganaananayaan ahaan gabarna dhaafayne

[74] Waxaan geysto oo idili way gun iyo rayrayne

[75] Wixii guul darraystaba naflaha wow gaggabayaaye

[76] Anigaba geddey igu faleen waa gaggaab culusee

[77] Gallad nimaan ka qabo laguma oga gebiga Daaroode

[78] Giddigoodba waatay girliga nagu garaaceene

[79] Anaa gaafahaaygii hadhaye geyste nabarkiiye

[80] Anna waxaan rasaasta u gingimay gini colaadeede

[81] Gabagabaha Bari waxaa ku xigi go’aha ******e

[82] Guban iyo Burciyo Looyo waa gaalib weerara e

[83] Gooddiga Arooraa fardaa lagu garmaamayne

[84] Gaaroodi iyo waa la tegi buurihii Golise

[85] Galaayuubta Hagar-Aadan baan gaaddadow marine

[86] Gembi wowgu ridi fulayadii ganafka dheeraaye

[87] Geeltoosiyaha waa la siin gucurradoodiiye

[88] Sidii garow hadhuudh baan kurtiis guran ********e

[89] Galaamaha haddii aanan ka deyn goor walbaba jooga

[90] Inshaa Ilaahu waa gurahayaan sida gal miireede

[91] Gurraasiyo Iljeex waa la qaban gooshka haatana e

[92] Malahayga waa lagu galgalan gaanka reer Dalale

[93] Gaas baa ku caran reer-Subeyr goborra weyntiiye

‘THE DEFEAT OF THE INFIDELS’ 35

[94] Kolaan Goora-cobolley ka dayo amase Geel-loo-kor

[95] Huwan waa ka gabangaabsan jirey gelin ma waayaaye

[96] Haaruun xagee baa la geyn20 Goha miyuu dhaafi?

***

[97] Afartaa gudbaye balaan mid kale soo gadaal celiye

[98] Sidii goray garraar sare ka baxay garabka maan taago

[99] Waxa guudka iga fuushan iyo galayax maan muujo

[100] Gabgabtiyo galaydheyntu waa godol hortiisiiye

[101] Ninkii goomman wow shubahayaa galaxa caanoode

[102] Gabbaan laguma sooree nin raga balaan ganuun siiyo

[103] Waa gaaxsanaan jiray tan iyo garashadaydiiye

[104] Sidii goodir dhalay haatanaan gaawa leeyahaye

[105] Aan gafleeyo geerarshahaas gaafan baan ahaye

[106] Xaajada nin gunaan ahee aan u garaaddeeyo

[107] Markab aashi gaambiyi sidiis balaan u guurreyo

[108] Meeshuu garraarkeedu jiro gow aan kaga siiyo

[109] Nimaan gedo yarayn baan ahoo Gaaddaweyn jiraye

[110] Waa ii garaad li’i dantay inaan ka gaaftaaye

[111] Gobo’ kalana waa Eebbahay midaan galliimeystay

[112] Eebbow geyiga oo dhan waa nala ka guulaaye

[113] Waa noo gedleeyaan dadkii gaalada ahaaye

[114] Eebbow Giriig kolay ku tahay nala gamuunneeye

[115] Go’na lagama qaadine dulmey nagu gelaayaane

[116] Gabbaad kale hadday noo helaan waa gam’i lahaaye

[117] Eebbow waxay nagu gabreen diinta soo gala e

20 Following Keenadiid’s geyn instead of geyaden.

36 MURSAL FARAH AFDUB AND LIDWIEN KAPTEIJNS

[118] Eebbow gadhka haddaan qabsaday gaaxshe

nabaddiiye

[119] Eebbow gammaan iyo waxaan gini cas dhiibaayey

[120] Eebbow garow kagama helin goolashaan wadaye

[121] Gambalaaligii bay warmaha nagu garraaxeene

[122] Eebbow waa gumaadeen raggii gaanaha ahaaye

[123] Eebbow waxay gabawareen Gaagguf iyo Xayde

[124] Xirsigii garaaraha lahaa gaarufkii dile e

[125] Geydhaale Aw-Aadan bay galowda taabteene

[126] Eebbow geesigii Ina-Dherey ugu guduudhseene

[127] Guxushaaga Baynaxa ilmadu waatan gabaxleyne

[128] Gorroska Muusa-Taaganaa wadnuu ila gariiraaye

[129] Eebbow ways gamaamaa markuu gaarka soo maro e21

[130] Guuleedku wuxuu noo ahaa guurti loo hiranne

[131] Nimankii garaaddada ahaa waa gadow jabane

[132] Eebbow sidii gaanti maro waa la gaasiraye

[133] Eebbow gaari bay reer Warfaa guradii saareene22

[134] Gubni baa ku dhacay reerihii gaannanaan jiraye

[135] Eebbow goonni baa laga heliyo guri qalaadeede

[136] Gaaggii ka hadhay reer Shawaa caydh la golosleyne

[137] Waxa goday sidii qaanso waa gaajo iyo ciile

[138] Eebbow waxa gorof ku raray duul Geshiishaaye23

[139] Caligeri sidii loo gondoloy gobolba meel aadye

[140] Waa gelengal nimankii fadhiyay guriga Ciideede

[141] Eebbow gurbood baa hadhiyo gaban agoomeede

21 This line is absent from Keenadiid’s text.

22 This line is absent from Keenadiid’s text.

23 This line is absent from Keenadiid’s text.

‘THE DEFEAT OF THE INFIDELS’ 37

[142] Eebbow goonji weyn iyo xaq bay naga gullaafteene

[143] Guullow ma helayaan waxay nagu gubaayaane

[144] Eebbow waxay naga gocdaan24 waa galoof olole25

[145] Eebbow sidii guun haween giidu waa aniye

[146] Eebbow nin goba baan ahoo guni rifaysaaye

[147] Eebbow waxaa noo gurmaday gaaya alifleeye

[148] Ma garaysni Eebbow waxaa guufanneyska ahe

[149] Eebbow gabooddii dorraad waan ka gara’layne

[150] Eebbow markaan geyllamey guulmiyo biqiye

[151] Eebbow guddoonkii sharciga gooye bahashiiye

[152] Eebbow kufriga gedeftaley gacanta haystaane

[153] Eebbow anaa kugu garlee guusha ha i seejin

Share this post


Link to post
Share on other sites
lol   

^^ War heedhe... afgaaleedkaadii ayaan qaati ka taagneyn soomaaligadiina ma sidaasuu noqday... bisinka bisinka.

 

By the way...its pleasure to see u r still alive...

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this