Sign in to follow this  
Wiilo

Khatarta Internedka iyo Caruurta Soomaaliyeed

Recommended Posts

Wiilo   

Khatarta Internedka iyo Caruurta Soomaaliyeed

 

 

W/Q: Siciid Cali Axmed

 

 

Internedku waxa uu calaamad u yahay horumarka ay casriggan bani'aadmigu ka gaadheen tiknoolajiyadda. Waa shabakad balaadhan oo aad ka helayso macluumaad kasta oo aad u baahantahay. Waxa uu aad u fududeeyay iswaydaarsiga macluumaadka iyo kala qaadashada wararka bani'aadmiga. Waxa aad odhan kartaa waxa uu aduunka ka dhigay sidii xaafad yar oo kale. Inkasta oo uu faa'idooyinkaas oo dhan leeyahay, hadana internedku waa meel madow oo cabsi badan. Waa meel ay fududahay in si dhib yar loogu fidiyo danbiyada waaweeyn iyo anshax xumooyin fara badan. Waa meel qofkii aan aad uga digtoonaani uu ku dhex lumayo…. khaasatana caruurtu.!

 

Caruurta Soomaalida Iyo Internedka

Soomaalida qurbaha deggani si aad ah ayay u isticmaalaan internedka. Aqaladda Soomalida qurbaha intooda badan lagama waayo combuyuutar ku xidhan internedka. Caruurta iyo dhaliinyarada soo koraysa ayaa u badan Soomaalida aadka u isticmaasha internedka. Caruurtaas qaar badan oo ka middi waxa ay waqti aan yarayn ku qaataan goobaha wada sheekaysiga internedka (chat rooms) iyo boggoga anshax xumidda (in appropriate sites) ee aadka ugu badan internedka.

 

Waalid badani waa mooganyahay khatarta Internedka

 

Inta badan waalidku aad ugama war hayaan meelaha ay caruurtoodu ka booqdaan inernedka iyo dadka ay caruurtoodu hawada kala sheekaystaanba. Waalidiinta qaarkood waxaaba laga yaabaa in ay aad ugu farxsanyihiin in ay caruurtoodu dul fadhiyaan combuyuutarka intii ay dibadaha warwareegi lahaayeen. Hadii uu waalidku waydiiyo ubadkooda waxa ay combuyuutarka ka dul qabanayaan…… jawaabta fudud ee ay ubadku bixiyaan waxa weeye in ay casharadii iskuulka ku diyaarinayaan. Jawaabtaasi waa ay farax galisaa waalidka laakiin mar kasta ma aha jawaabta runta ah!. Jawaabta runta ahi waxa weeye in qaar ka midda ubadkaasi ay combuyuutraka u dul fadhiyaan sheekooyin aan fiicnayan iyo daawashada waxaan khayr u lahayn aduun iyo aakhiroba.

 

Fasaxa iyo internedka

 

Khatarta internedku waxa ay sii laban laabantaa waqtiga kulaylaha oo ay ubadku fasax ka yihiin iskuulada. Kulayluhu waa waqti ay caruurta firaaqadoodu aad u badantahay, meelaha ugu badan ee ay firaaqadooda ku dilaana (lumiyaan) waxa ugu badan internedka. Sidaa daraadeed waa in waalidku uu ku baraarugsanaado khatarta uu arinkani leeyahay.

 

Talooyin

 

Talooyinkan hoos ku qorani waxaan rajaynaaa in ay waalidiinta ka caawin doonto sidii ay uga hortagi lahaayeen khatarta caruurtooda uga iman karta internedka.

 

Waalidku waa in uu wax ka barto qaabka uu internedku u shaqeeyo. Wacyi galintan waalidka waxaa door ka ciyaari kara boggoga Soomaalida ee internedka iyo Soomaalida ku takhasustay cilmiga kombuyuutrada oo is kaashata.

Kombuyuutarka waa in la dhigaa meel muuqata sida fadhiga ama saalada cuntada oo kale. Ha laga ilaaliyo kombuyuutarada makhsinada hurdada caruurta iyo meel kasta oo caruurtu ay dareemi karaan in aanay ciddi arkaynin.

Waalidku ha isku dayo in uu caruurta la fadhiisto ama ugu yaraan uu ka ag dhawaado waqtiyadda ay internedka ku ku jiraaan.

Hadii aad caruurtaada ku aragto in ay habaynkii waqtiyadda danbe ku soo jeedaan internedka, sidaaas oo kale hadaad aragto in marka aad u soo gasho ay bakhtiinayaan kombuyuutarka waxaad ogaataa in ay mushkilad faraha kula jiraan. Isku day in aad kala hadasho kuna baraarujiso khatarta uga iman karata internedka, sidaas oo kale u sheeg waxyaabaha aan u haboonayan in ay sameeyaan waqtiyadda ay ku jiraan internedka.

 

Ubadkaaga u sheeg in ayna la sheekaysan cid aanay si fiican u garanayan. Marar badan dad waaweeyn oo xumaan raba ayaa si ay caruurta uga ugaadhsadaan internedka waxa ay iska dhigaan da' yar. Sidaa daraadeed waa in caruurta looga digaa khaarta ka imana karta in ay caruurtu la shekaysataan cid aanay garanayan.

Waa in looga diggo ubadka in sawiradooda ,macluumaadka shakhsiga ah sida reerkooda iyo telefonkooda meesha ay degenyihiin ay siiyaan cid aanay garanayan. Marar badan waxa dhacda in sawiro la diray loo isticmaalo hab ka baxsan anshaxa wanaagsan.

Waxaa intaa dheer asaasna ah in caruurta inta ay yaryaryihiin lagu koriyo Ilaahay in ay ka cabsadaan,waayo cabsida Ilaahay waa arinka ugu wayn ee caruurta iyo dadka waaynba ka ilaalilnaya xumaanaha oo dhan.

 

Gabagabo

 

Internedku waa tiknoolojiyo horumar badan ku soo kordhisay ban'iaadmiga, laakiin khatartiisuna ma yara sidaa daraadeed waa in laga faa'idaystaa wanaaga badan ee ku jira waana in laga digtoonaadaa xumaanaha badan ee dhex yaala. Ilmahaaga habayn badow ku sii dhex dayn maysid meel khatar ah sidaa dareedeed caruurta yaan lagu ilaawin internedka dhexdiisa.

 

Mahadsanidin

 

Siciid Cali Axmed

E-mail: Saidahmed67@rogers.com

 

Wabillaahi:...............

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this