Sign in to follow this  
Wiilo

GABAY:

Recommended Posts

Wiilo   

"Nin walbow digtoonow"

 

Deelkiisa gabay waayadaan waanigaan deyine

 

Hadaan oday dagaal noola iman maba danayeene

 

Balaan didiyo maantoo kaloo diirad leeyahaye

 

Odagii doolaalayoo waxbadan dunida soo meeray

 

Oo wuxu damleeyaba u dhacay diinta inu maago

 

Dawbuu u leeyahay khalqigu inay ladoodaane

 

Dariiqii rasuulkiyo hadaad diidey hadalkiisa

 

Oo aadan dooneyn waxyiga eebe nagu daahay

 

Dacwadaadu maxamadow iima sii duxine

 

Hayeeshee dad badan baa jiroo diinta garnayne

 

Oon sahal u daalacana karin waxa ad dooneyso

 

kuwaasaan digniin siinayaa yaadan dabargoyne

 

Dadow maqal dabuubtana lasoco ama dan hawyeelan

 

Dulucdiyo iyo ujeedada ninkani ma’aha diindoone

 

Deelqaaf iyo wuxuu damacsan yahay xaqa inuu duugo

 

Ninkii diin leh lama dagi karoo kaa damiir adage

 

Dajaalanna horaa loo arkoo waan digtoonahaye

 

Doqontiyo waxuu doonayaa ducuful iimaanka

 

War intuu aayadaha daalacduu qayb dafirayaaye

 

Hadii aanad doonayn inaad dawga ka habowdo

 

Ruuxwalbow digtoonow Richard daahsan baa yimiye

 

Hadii oday duqooboo ciradu duudka wada saaqday

 

Uu qaar dafiro aayadaha xaqana dii daayo

 

Durdurada xageebey ku tegi ubadkan duulaaya ?

 

Markii aan daraasadaa cilmiga fiirshey dacalkooda

 

Oon aan duruus badan kadeyey camalka dawgaaga

 

Nin ibliis dureewal uyahoo duufsadaad tahaye

 

Kol hadaad da’daas gaartayoo deelna garnaynin

 

Oo xaqiina soo daahiroo diirka ka cadaaday

 

Darooriga waxa kaaga roon diinta inad raacdo

 

Dariiqaad ku joogtaan adeer kaaga digayaaye

 

Cisyaankaad daldalaysaan walee lagu deynenye

 

Jaxiimada intaan lagugu dubin dib uga soo joogso

 

Naar buu durduurtaa ninkii diinta caasiya’e

 

War si aan ilaah kuu dirin dalowga naaraaba

 

Aan kula dardaarmee hadeer daacada u jeenso

 

(daayinow alahayow soomaali daba qabo)

 

 

Gabaygaan waxaa tiriyay Faisal Mussa

Share this post


Link to post
Share on other sites

ALLE TUUG - Waxa Tiriyay Abwaan Dhoodaan

Boqoroow Allahayoow adaa baaqiyoo jira e

Bari iyo adigaanay galbeed kula balaadhnayne

Sawaariikhda adigaan ka baqin oo iska soo baxa e

Adaanay bir orod dheer ku helin amase baabuure

Baylood cirkaa mari adaan buur ka hoos galine

Adigaa wixii aad burburin berina joogayne

Baryadayda ii yeel adaan kuu bandhigayaaye

 

Barashada cilmiga diinta yaan baafiyaa waliye

Masaladii la baadhoo dhan baan baal ka taagnahaye

In aad diinta ii badisid baan kaa baryahayaaye

 

Nin waliba bilaadiisa wuu barako maalaaye

Baradaydii gaal baa fadhiya buuran tabartaye

Mana badheedhi karoo ninkaa baaqsadaan ahaye

Inaad iga bixisaan rabaa oon kaa baryahayaaye

 

Boqollaal rag oo wada fadhiya badhaha suugyaasha

Oo turubka baandhayn hayoo adigu ii baaq leh

Oon baabka waysiyo salaad boqonta maydhaynin

Bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye

Umad baylahda u diid yaan kaa baryahayaaye??

 

Bangi lacag ah geel badan rag loo adhigu uu buuxo

Oo aanay baahiyi haynoo lo'dii bowdka miranayso

Oon bakhaylnimo sakada barina dhiibaynin

Bogga naar inay dhigahayaan baabka lagu sheegye

Ummad bixisa oon diidin baan kaa baryahayaaye

 

Xeroow aan bilowgii cilmiga baran kitaabkiisa

Oo imaamyadii wada billaa balah u sheegeeya

Isaguna inuu ******* yahay baabka lagu sheegye

Barqankaa inaad bi'isid baan kaa baryahayaaye

 

Barbaar aan cibaada Alliyo Boqor adeecaynin

Oo baarka siinaay kalkii bal u budlinaaya??

Oo buuri nuugoo ilkaha dabarku uu buuxshay

Inay bohosha naar galahayaan baabka lagu sheegye

Dhallin aan ibliis bi'inin baan kaa baryahayaaye

 

Bogga kale haweenkiyo haddaan baal kale u leexdo

Iyadoon Billaaahi iyo Islaanimo ku buuraanin

Asturkii kolkii laga baxay bay sii burburiyeene

Waxay baratamaayaan kob aad uga ba'aysaaye

Boggaa qaawan bowdada cad iyo naaska badhidiisa

Barta xaluska kaga taala iyo bari dabkii gaadhay

Adoon baadhin baad heli kartaa booska uu yahaye

Hablo badanka soo wada qarshaan kaa baryahayaaye

 

Beeshii haddii aan wada marayoon baal walba u eegay

Biyo lagu rogyaa iyo Jibriil baalka mariyaaba

In halaag kusoo beegan yahay baabka lagu shegye

Bulsho kheyrka wada raadisaan kaa baryahayaaye

Waxa Tiriyay Abwaan Dhoodaan

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Asc wr wb;

 

Kobtani ma labadiina basay u xidhan tahay mise waa la idinkula dabbaalan karaa;

gabaygaan soo shanqadh raacay.

Wiilo gabadhaha Soomaaliyeed waxaa ku jira kuwo aad u gabay fiican runtii Faiza cid ay la hadlaysayba way gabayday, ma jiraan gabayo kale oo ay tirisay ,,,,,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Fandhaal,

 

Cidna uma xidhan ee ku soo dhowow laakiin waa keliya hadii aad wax isla hayso ,, ,,,,, hadii kele yaan boodhku kugu diline iskaga carar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Jacayl baro

mahadsanid sxb maansadaa isoo jiidatay marka waad garan kartaa inaan sidii ceel soo burqan doono lol

Qarnigaa badalay maansadii qaaliga ahayd e

kan qudh qudhiya geeraarka aad looma qaayibo e

Dhoodaan

 

ma cid gabaydaa iminka hadhay waxaan mooday in waa hore ay god galeen intii gabyi jirtaye

bal site kan ila fiiriya anigana

www.doollo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Anigii iyo mar kale;

 

Gabayaaga soomaaliyeed inta badan murtidooda waxay ku cabiri jireen wax kasta oo maankoodu dareemo maskaxdooduna u muuqda. waxaa inta badan caadi ahaan jirtay inay ka hadlaan guurka, geela, gulufka, deegaanka, jacaylka IWM. Laakiin waxaa jira gabayaa kooban oo murtidooda ku cabiri jiray waxa ka dhacay deegaamo aad uga fog fog oo sawir buuxa uga bixin jiray dadka ay la daganyihiin sidii iyagoo aqoon dheeri ah u leh. Haddaba ma haysaa gabayadaas, aniga midkan iga qabta;

 

Eebow Casiisow adaa, caadiloo talinee

Dadkii cudur ka yaabaa diloo, lagu cabsiiyaaye

Waxaa colkiisa laga khoofayaa, caasi gaalo ahe

 

Cadwa nimanka yaalaan hurdada, caafimaad ladine

Cowbaartii Xamar looga caag, calafkii dheefeede

Carradaynu joognana waa, caabuq lagu reebye

 

Faransiiska soo cararayee, camanka tuuraaya

Iyo Talyaanigaa colkiyo bursashada, looga caalwaayey

Ee cagaha meel uu dhigo iyo, ciirsashaba waayey

 

Jarmalkaan cadaan iyo madow, qollo ka ceesaynin

Colka dumay cawayskii marshada, soo cidgali wayday

Cadka waaga ciiryaamadaa, caddar la moodaayo

 

Cirka waxa lalaayeen lahayn, cago iyo raad toona

Iyo saarkaa ciyaayeen ladayn, caw oiyo leyl

Een cashana joogsanayn sanno, col weeyaane

 

Rabbi nama cidhiidhyine dad, waa cabsanaayaaye

Cawyaha badeed maydku waa, cowskan oo kale e

Mowjadaha dhiigii camirray, maanyada caseeye

 

Cumdow dhimo coomaadibaa, cunay ragoodii

Ingiriis ka soo carar hadduu, Cadan ku fiicnaaye

Cishriin lag baa laga dilloo calankii, soo duubye

 

Wuxuu ciidan iyo xoog lahaa, ceejiyaa helaye

London kuma caweeyaan kobtay, cudud u yiileene

 

Ceegada dadkii caydhsan jiray, dirirkii caatowye

 

 

Caatibo la’aan buu Bankii, ceeg usoo dagaye

Rabboo caynsha mooyee ninkaa, saanad lagu ciirye

Caawimo haddii uu doonana waa, caynka raaciye e

 

Gaaladan is cayntaarin ee la isku, cayn qaaday

Ee qaarba qaar cunahayee, caymo kala wayday

Culimadu siday sheegeen waa, camal jihaadkiiye

 

Calankiyo Islaamkaa u dambayn, cudud la sheegtaaye

Cilmi qaarkii laysma cudriyee, cayn kalaa imane

Marbuu dirirku noo curan oo, ceesh naloo furiye

Ciqaabna ha kayaabina haddii, Diinta la cusleeyo

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fandhaal   

Mahadsanid Wiilo;

waan iloobay inaan xuso gabaygaa waxaa tiriyay Maxamed Cumar Dage, wuxuuna leeyaya dhawr gabay oo kale oo uu ka tiriyay dagaalkii II ee adduunka.

Mahadsanidin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this