Sign in to follow this  
MR ORGILAQE

Somali Receives a Medal of Hounour

Recommended Posts

Cabdulqaadir Shariif Oo ku guuleystay abaalmarinta geesiga sannadka 2004 ee Sweden.

 

Xaflad ballaaran ayaa lagu qabtay tiyaatarka weyn ee magaalada Gothenburg(Stads Teater ee waddanka Sweden. Xafladdaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen wargeyska maalinlaha ah ee Göteborgs Posten, tiyaatarka magaalada iyo hayadda bixisa abaalmarintaas oo lagu magacaabo Minnesfonden oo ah sanduuq gaar ah oo la aasaasay wixii ka dambeeyay oktober 1998 markaasoo ahayd markii 63 dhalinyaro ah ay ku dhinteen dab kii ugu xumaa ee soo mara taariikhda casriga ee Sweden.

 

Xafladdaas waxaa ka soo qayb galay madax sare oo ka socotay dowladda, maamulka gobolka iyo marti sharaf kaleba.waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay sagaal qof abaalmarinta lagu magacaabo Vardagshjälte Stipendiet ( abaalmarinta geesiga sannadka).

 

Sagaalkaas qof siddeed ka mid ahi waxay ahaayeen Swedish halka qofka sagaalaadna uu ahaa Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa oo ah sharciyaqaan soomaali ah oo deggan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden xubinna ka ah guddiga hoggaminta ee ururka u dooda xuquuqda caruurta ee dalkan Sweden oo magaciisa marka la soo gaabiyo loo yaqaano BRIS ( Barnens Rätt I Samhället) oo micnihiisu yahay xuquuqda ayy caruurtu ku leeyihiin mujtamaca.

 

 

Qofka la siinayo abaalmarintan ayaa waxaa lagu qiimeeyaa inuu yahay qofka u istaaga inuu caawiyo qof dhibaateysan isagoo aysan ujeeddadiisu ahayn inuu magac,maamuus ama hanti kuraadsado howsha uu qabanayo, isla markaana aan u eegin dadka uu caawinayo midabkooda afkooda jinsiyaddooda ama diintoodaba dadkaasoo noqon kara kuwa la yaqaano oo caan ah ama dad iska caadi ah.

 

Cabdulqaadir Shariif ayaa xafiis ku yaala xaafadda Hjällbo ka qabta howl talo siin ku saabsan dhinaca sharciyada isaga oo dadka ajnabiga ah ka caawiyo inuu tuso meesha ama hayadda ay kala xiriiri lahaayeen xallinta baaidooda marka arrin ay la soo gudboonaato.

 

Waxyaabahaas oo ay ka mid yihiin arrimo xagga xafiiska socialka ku saabsan iyo sharciyada socialka( Socialtjänstlagen), xagga sharciyada deganaanshaha dalka iyo magangelyada (asyl frågor) iyo dalabka dhalashada dalkan ( Medborgarskap)

 

Cabdulqaadir waa sharciyaqaan sharciyada ku soo bartay Somalia wuxuuna ka qalin jebiyay kulliyaddii sharciyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, muddadii uu Sweden degganaana wax ka bartay shuruucda Sweden.Howlaha uu bulshada u qabtona waa bilaash

 

Cabdulqaadir Shariif iyo asxaabtiisa kale ee ay isla shaqeeyaan ayaa waxay beryahan ku howlan yihiin sidii ay hayadda socdaalka ee dalka Sweden iyo xukuumadaba uga dhaadhicin lahaayeen in waqtiga aysan ku qasbin qaxootiga soomaaliyeed ee sharciyada loo diiday inay qasabugu laabtaan dalka isla markaan la siiyo sharci deganaansho buuxda ama loo oggolaado in loo sii dheereeyo sharciyada ka dhacay.

 

Sidoo kale abaalmarintaas ka dib waxaa Cabdulqaadir Shariif abaalmarin kale oo mahadcelin iyo hambalyo ah guddoonsiiyay Madaxa shirkadda guryaha Hjällbo wuxuuna ku yiri anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha shirkadda waxaad naga guddoontaa hambalyadan waxaana kaaga mahad celinaya sida hagar laaanta ah ee aad ugu kacday caawinta dadka deggan xaafaddeena iyo xaafadaha kale ee magaalada waxaana maanta reer Hjällbo aan ugu faani karnaa xaafadaha kale inaan anaga nasiib u yeelanay inuu xafiiskiinu ka furnaado xaafaddeena oo aad halkan ka howl gashaan.

 

Cid walba oo doonaysa inay la xiriirto cabdulqaadir Shariif waxay kala xiriiri karaan xafiiskiisa Hjällbo oo ku yaal Bergsgårdsgärdet 72 ka soo horjeedka Rimi ama emailka shekuna2000@yahoo.se.

 

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyay:

Abukar Xaaji

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this