Sign in to follow this  
Maaddeey

Guddoomiyaha garsoorka: Janaqow Ibbi ayaa faragelin igi haya

Recommended Posts

Maaddeey   

Eedeynta garsoorka

 

Guddoomiyaha maxkmadda sare ee Soomaaliya Maxamuud Cumar Faarax (Indha-buur) ayaa ku eedeeyay xubno ka tirsan wasiirada dowladda KMG ah ee Soomaaliya inay soo faragelinayaan madax banaannida garsoorka Soomaaliya.

 

Dhegeyso wareysiga BBC

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in markii uu oggaaday in waddanka uu ka soo maqan yahay in wasiirka wasaaradda Kalluumeeysiga Cabdiraxmaan Ibbi uu wareegto u sameeyay garsoorayaasha oo uu ammar ku siinayo inay ka soo qeybgalaan shir, taasi oo uu sheegay in loogu gabanayay arrimo nabadgelyo.

 

Maxamuud Cumar Faarax (indha buur) waxa uu sheegay in hawshiisa ay soo farageliyeen wasiirada garsoorka iyo kalluunka, taasi oo uu sheegay in aanu aqbali doonin, oo uu is casili doono ama sharciga la tiigsan doono.

 

Dhinaca kale isagoo ka hadlayay garsoorka waxa uu sheegay Guddoomiyuhu in awood yarida ay leeyihiin nidaamka garsoorka awgeed mararka qaarkood ay indhaha ka qarsadaan arrimo badan.

 

Maxamuud Cumar Faarax Indha-buur ayaa muddo ka badan afartan sano ku soo dhex jiray garsoorka Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this