Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: Heavy fighting inside villa Somalia between Government militias

Recommended Posts

Dagaal ka dhacay Villa Somalia

12 Sep 12, 2009 - 5:47:21 AM

 

Ugu yaraan 2-qof ayaa ku dhintay 5-kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii ciidamo gadoodsan oo maanta weerar ku qaaday Villa Somalia iyo guriga Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Shama'arke.

 

Dagaalkan oo socday ku dhawaad hal saac ayaa wuxuu dhexmaray ilaalada Villa Somalia iyo ciidanka gaadoodsan iyagoo isku adeegsaday hubka noocyadisa kala duwan, waxaana dadka dhintay ku jirtay haweeney.

 

"Askarta gadoodsan waxay soo jiireen koontaroolada Madaxtooyada waxayna ku dhawaadeen alabaabka waxaana dad ku dhintay kuwa ku dhaawacmay dagaalka ay u badnaayeen ciidankii rasaastu u dhexeysay" ayuu yiri mas'uul ka tirsan Villa Somalia.

 

Dagaalka ayaa qaboobay markii ciidamadii weerarka ahaa ay dib laabteen, waxaana xiliga uu dagaalku dhacaya socday shir ay lahaayeen xubnaha sarsare ee DF sida Madaxweyne Sh. Shariif oo Jimcihii [sep 11] ku laabtay Muqdisho iyo Sharma'arke.

 

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ku eedeeyay wasiirka Maaliyadda Shariif Xasan Sh. Aadan inuu lunsaday mushaaraadka ciidanka, isagoo madaxda DF ka dalbaday inay arintan wax ka qabtaan.

 

"Xabada dhacaya waxay cadeyn u yihiin in lacagtii ciidanka la lunsaday, waxaana ugu baaqaynaa Madaxda DF iyo caalamka inay wax ka qabtaan arintan inta aysan dagaaladu isku badalin kuwo waaweyn" ayuu yiri xildhibaan la hadlay saxaafada.

 

Ciidamada DF ayaa dhawaanahan ka cabanayay mushaar la'aan iyadoo taasi ay sababtay in maamulkii Gobolka Hiiraan ee taageersanaa dowlada uu kalsoonida la laabto, iyadoo Madaxweyne Sh. Shariif uusan weli wax isbedel ah sameyn.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites

[Ciidamo ka wada tirsan Dowladda KMG ayaa goor dhow dagaal xoogan ku dhex maray Hareeraha Madaxtooyada Villa Somalia, kadib markii Ciidamo gadoodsanaa ay xirteen wadooyinka soo gala Madaxtooyada.

 

Dagaalkan oo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ahaa mid socday qadar daqiiqado ah oo ka dambeeyay markii Ciidamada Dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ay cabasho ka keeneen Mushaar la'aan.

 

Labo ka mid ah Ciidamada Dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaas, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo dagaalkaas ahaa mid gil gilay Xarunta Madaxtooyada oo fariisin u ah Madaxda ugu sareysa Dowladda.

 

Dagaalka oo goor dambe qaboobay ayaa waxaa hareeraha Madaxtooyada soo gaaray Ciidamada AMISOM oo ku hubeysnaa Gaadiidka dagaalka, waxaana markii dambe wadada isaga dhaqaaqay Ciidamadii gadoodka ahaa.

 

Xarunta Madaxtooyada ayaa dhowr daqiiqo gashay xaalad kacsanaan ah, waxaana la dareemayay dhiilo xoogan oo u wada dhaxeysay Ciidamada Dowladda kuwooda ilaalada ka ah Madaxtooyada iyo kuwii gadoodka ahaa.

 

Ciidamada Dowladda qaarkood ayaa ka cabanayay mushaar la'aan ay sheegeen inay kala kulmeen Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda ay lunsadeen lacagaha mushaaraadka Ciidamada.

 

 

Hoyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

^ At least he is doing a service for us SOLers by informing us about the current affairs of our beloved country. What have you brought to the table? nothing i suppose..

Share this post


Link to post
Share on other sites

I have done much than him. I supported the resistance against the kuffar while he supported the kuffar and the murtadeen. he would be beheaded if Ahmad Guray would be alive

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^What delusions, what on earth is Ahmed Gurey got to do with your clanist anger. Adeer go get upset somewhere else, no one even knows who you are as you joined us in July 2009. :D Keep up the hard work.

Share this post


Link to post
Share on other sites

lool they know me but u dont as u spend your time on politics section

I am 'Unknown1' remember me?

 

i am not clannist but u r. u support people from Puntland whoever they are. u support AY the most hated man in Somali history. may the Yemenis attack him Amiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^lool. The dude from Guriceel with a new knick. Adeer welcome back, now you are angry at what?

 

Sharif Hotel is sheling Mogadishu, Xasan Dahir is shelling Mogadishu, AMISOM are in Mogadishu and the Ethiopians are in Hiiraan. Abdullahi Yusuf is an angel compared to these clowns who start wars inside a heavily populated city

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulan ugu qabsoomay magaalada Muqdisho qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxa ay kaga hadleen sababta keenta inmarkasta ciidamada dowladda ay gadood sameeyaan.

 

Xildhibaanadani ayaa waxa ay sheegeen in arrintani ay sabab u tahay kadib markii Wasaaradda Maaliyadda ay bixin weysay lacagtii ay xaqa u lahaayeen in lasiiyo ciidamada dowladda oo ay jeebka isaga ceshatay.

 

Xildhbaan Maxamed Caateeye oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka ayaa sheegay in dhibaatada halka ay ka taagan tahay ay tahay dhinaca maaliyadda.

 

Isaga oo u hadlayay xildhibaannada kulanka yeeshay ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda wasiirkeeda uu isaga dhegan yahay lacagta isla markaasina ay keentay arrintaasi in ciidamada dowladda ay mushaar la’aan noqdaan oo gadood ay sameeyaan.

 

Wasaaradda Maaliyadda ayay ka codsadeen xildhibaannada in si deg deg ah ay arrintani wax uga qabato isla markaasina ciidamada mar waliba gadoodka sameynayo ee mushaar la’aanta la cabanayana si deg deg ah wax looga qabto.

 

Xilliga xildhibaadani ay eEedeynta soo jeedinayaan ayaa imaaneysa xilli maanta ciidamo katirsan dowladda ay gadood ka sameeyeen xarunta madaxtooyada iyaga oo albaabada laga galo madaxtooyada u xirtay mushaar la’aan soo wajahday xittaa sababtay in israsaaseyntooda hal askari oo mushaar doon ah uu ku geeriyoodo halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkaasi ayaa la xaqiijiyay in mid ka mid ah ciidamada dowlada uu ku geeriyooday halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Ma jiraan wax mas'uul ah oo ka tirsan dowlada KMG ah oo ka hadlay isku dhacaasi marka laga reebo saraakiisha dowlada.

 

Si kastaba waa markii ugu horeyay oo ciidamo ka wada tirsan dowlada kMG ah isku dhac ku dhex maro afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada iyaga oo ka gadoodsan mushaar la'aan.

 

Xafiiska Wararka Waayaha.net,Muqdisho .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this