Sign in to follow this  
General Duke

Qaybdeed: reaches Hobyo no sight of Clan Courts.....

Recommended Posts

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid, iyo ilaa 37 gaari oo tikniko oo uu wato ayaa galabta gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug. iyadoo ciidamadiisa ay maanta madaafiic isdhaafsadeen kuwa maxkamadaha deegaanka Bandiiradleey.

 

Hobyonet. Muqdisho. Talaado,Nov 28, 2006

 

Ciidamadaan uu wato Col. Cabdi Qayb-diid ee soo garay magaalada Hobyo, ayaa waxaa magaalada Hobyo ku soo dhaweeyey odayaasha deegaanka.

 

Ciidamadaan, oo tiradooda lagu sheegay in ay gaarayaan ilaa 3 boqol oo askari, ayaa afhayeen u hadlay Cabdi Qayb-diid uu sheegay in ay qorsheynayaan in ay difaac adag dhigaan deegaanada ku dhawdhaw magaalada Hobyo, si ay uga ilaaliyaan ciidamada maxkamadaha inay soo galaan Hobyo.

 

Col. Cabdi Qayb-diid, ayaa waxa uu si weyn ugu ola-oleynayaa in uu dagaal la galo ciidamada Maxkamadaha oo doonayo in ay la wareegaan maamulka gobolka Mudug.

 

Ciidamada uu Cabdi Qayb-diid galabta keenay magaalada Hobyo, ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli ay madaafiic xoogan saakay is-weydaarsadeen ciidamadiisa iyo kuwa maxkamadaha ee ku sugan deegaanka Bandiiradleey.

 

Col. Cabdi Xasan Cawaale Qayb-diid oo ay maxkamadaha dagaal kaga soo saareen Muqdisho, ayaa waxa uu sheegay in ay ka go'an tahay in uu weeraro ciidamada maxkamadaha ee ku sii siqaya gobolada dalka.

 

 

 

Xuseen Axmed

 

Hobyo Mudug

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this