Sign in to follow this  
Maaddeey

Hub fara badaaaan oo Shabab loola soo goostay!

Recommended Posts

Maaddeey   

Shabelle: MUQDISHO

Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku soo bandhigay hub fara badan iyo sargaal ay sheegeen in uu ka soo goostay dowladda KMG ee Soomaaliya.

 

 

 

Hubkaan ay soo bandhigeen Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab oo tiro ahaan gaaraya 50 qori oo nuuca AK47 ah iyo sarkaal magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur ayaa lagu soo bandhigay maanta Xeradii hore ee Guulwadayaasha oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Baashi Axmed Urur oo ah sargaalka la sheegay in uu ka soo goostay dowladda KMG ee Soomaaliya oo saxaafada la hadlayay ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada dowladda KMG ee ku sugnaa Warshadii hore ee Nacnaca ee degmada Wadajir isagoona shaaca ka qaaday in saraakiil uu ku jiro iyo ciidamo kale oo qaarkood dhawaan lagu soo tababaray wadanka Jabuuti ay go’aansadeen in ay isku soo dhiibaan Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta AL Shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo isna saxaafada la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in wax dhibaato ah aysan gaarsiinayn ciidamada iyo saraakiisha isku soo dhiibta islamarkaana qaarkood tasiilaad ay siiyaan qaarna ay dagaal kala horjeestaan dad uu ku tilmaamay cadow sida uu hadalka u dhigay isagoona ugu baaqay ciidamada kale ee dowladda in ay isasoo dhiibaan.

 

 

 

Sheekh Cali Max’eedc Raage Afhayeenka dhaq dhaqaaq Al Shabaab waxaa uu sheegay in dowlada KMG inta aysan weerar soo qaadin iyagu ay ku duuli doonaan isagoo sheegay in dagaaladii xalay saqdii dhexe ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ay qaadeen xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab.

 

 

 

Ma jiraan ilaa iyo iminka wax war ah oo ka soo baxay dowladda KMG oo ku aadan hubkaan faraha badan iyo sargaalkaan ay soo bandhigeen Xarakada Al Shabaab hase ahaatee xariiro kala duwan oo aan la sameynayo saraakiisha dowladda ayaa inoo suura galin.

 

 

 

Soo bandhigida Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ay soo bandhigeen hubkaan iyo sarkaalka la sheegay in uu ka soo goostay dowladda KMG ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili dhaq dhaqaaqyo ciidan, abaabulo dagaal iyo hadalo kulul ay ka dhaxeeya Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo dowlada KMG ee Soomaaliya.

 

 

 

Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.

 

 

 

Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this